Yugoslavia Dalkii Burburay Dabayaaqadii Qarnigii 20aad.
Intii u dhexeysay 1991kii illaa 98kii dalkii Yugoslavia ayaa u qeybsamay todoba wadan. Aan dib u eegno sooyaalka Jamhuuriyaddii Yugoslavia ee xilli ahayd hal wadan.
Yugoslavia waxay midowday markii ugu horeeysay sanadku markuu ahaa 1171kii. Sedex qarni kadib waxa qabsaday Dowladdii Cuthmaniyiinta sanadkii 1483, markii ay kaga adkaatay Dagaalkii Masefield (Kosovo Field).
Kadib Cusmaaniyiintu waxay mideeyay wadamadii balkanska, iyagoo ka dhigay qayb hoostimaada Dowladdii xaranteedu ahayd Istanbul ee Muslimiinta.
Markii ay ay burburtay Dowladdii cusmaaniyiinta waxaa geyigaa la dhisay dowlad cusub oo lagu magacaabo boqortooyada seerbiya, koroweshiya iyo islofeeniya 1 December 1918kii.
Boqortooyadaas oo ay hoostagayeen Bosnia, Herzegovina, Croatia, Serbia, Montenegro, Slovenia iyo Dalmatia oo hadda ah gobol kamida Croatia.
Toban sano markii ay dhisneyd ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaceedii hore Boqortooyada Yugoslavia Oktoobar 1929-kii.
6 April 1941kii, waxaa soo weeraray oo qabsaday ciidamadii Hitler, oo la wareegay dhamaan boqortooyadii. Illaa laga soo gaaro 1943kii, waxaa la yagleelay Dowlad federal ah. Sanad kadib 1944-kii, boqorkii YugoslaviaNA wuu ogaaladay in xukuumadaa la dhisay. laakiin bishii November 1945kii, xukuumadii ayaa la kala diray markii uu dhacay is afgarawaa boqorka iyo dowlada u dhexeeyay.
1946kii, waxaa la sameemay dowlad wadaag ah. Taasoo shaqeyneysay illaa laga soo gaaro 1953kii, markaa oo Yugoslavia noqotay Jamhuuriyad kana guurtay nidaamkii boqortooyada.
Waxaa madaxweynihii ugu horeeya ka noqday, JOSIP BROZ TITO ahaana hogaamiyahii midnimada Yugoslavia kaasoo talada dalka qabtay 14 Janaayo 1953kii.
Sanadkii 1963kii, wadanka waxaa dib loogu celiyay Jamhuuriyadda Federaalka ee Yugoslavia. Gobol kastana uu leeyahay maamulkiisa gaarka ah.
Iyadoo lagu saleynayo qowmiyadaha dalku uu ka koobnaa oo kala isir ah,
waxayna kala ahaayeen, Bosnia and Herzegovina, Croatia, Macedonia, Montenegro, Serbia, iyo Slovenia.
Hogaamiyahii Yugoslavia, JOSIP BROZ TITO, wuxuu geeriyooday 1980kii, xilligaa wixi ka dambeeyay dowladdii waxay gashay dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Waxaa billowday Xooggagii qaranima doonka ee qeybihii ay ka koobneyd Yugoslavia, taa ay u dheereyd Dowladdii midowga Soofiyeeti oo awoodeedii gobolka ay sii yaraaneysay waxaa billowday qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Burburkii Yugoslavia waxaa sabab u ahaa natiijadii ka dhalatay khilaaf siyaasadeed oo markii dambe isu rogay dagaallo qowmiyadeed. Natiijadii waxay noqotay, in bilowgii 1991kii, Dowladdii Yugoslavia ay u kala burburto Jamhuuriyado. Intii u dhaxaysey Juun 1991kii illaa Abriil 92kii, afar dowladood ayaa ku dhawaaqay madax-bannaani. Oo kala ahaa Croatia, Slovenia, Macedonia iyo Bosnia - Herzegovina.

(Serbia iyo Montenegro oo keliya ayaa ayaa ku haray federaalkii), laakiin xaalka Serbiyiinta ku nool dhulka ka baxsan Serbiya iyo Montenegro, weli lama xalin.
Ka dib markii ay dhaceen dhacdooyin isir ku saleysan oo kala duwan, dagaalkii Yugoslavia wuxuu ka billowday Croatia, ka dibna wuxuu kusii fiday Bosnia iyo Herzegovina.
dagaallada ayaa sababay dhimasho fara badan, burbur dhaqaale mid siyaasadeed oo muddo dheer ka socday gobolka.
Bishii Nofeembar 1991kii, Guddiga Xalinta Khilaafaadka Shirweynihii Nabada ee Yugoslavia, oo uu hogaaminayey Robert Badinter, ayaa soo jeediyay in geeddi-socodka nabadda lasii wado si burburka iyo dagaallada xal loo helo.
Dadka reer Serbia ee ku nool Croatia iyo Bosnia ayaa la go'aamiyay iney kasii mid ahaadaan qaab-dawladeedka cusub, iyo in xudduudaha u dhexeeya jamhuuriyada loo aqoonsaday inay yihiin xudduudo caalami ah.
Dhibaatada jirtay awgeed, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda u ansixiyay go'aanka Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa, 721, 27kii Nofembar 1991kii, go'aankaas oo hoosta ka xariiqay dejinta hawlaha nabad-ilaalinta ee Yugoslavia.

15kii Janaayo 1992kii, Croatia iyo Slovenia ayaa ka go'ay Yugoslavia oo noqday laba dowladood oo Qaramada Midoobay aqoonsan tahay. 22 May 1992kii, Bosnia and Herzegovina ayaa loo aqoonsaday inay tahay waddan kamid ah Qaramada Midoobay .
8dii Abriil 1993kii Macedonia ayaa loo aqoonsaday inay tahay xubin ka mid ah Qaramada Midoobey. Shan sano oo dagaallo ay socdeen horraantii 1990-yadii waxay horseedeen xayiraaddo la saaray Jamhuuriyaddii Federaalka ee Yugoslavia, oo dhaqaalahoodii uu burbur ku jiray.
Dagaalkii ka dhacay qaybta galbeed ee Yugoslaviadii hore wuxuu dhamaaday 1995-kii, marki ay wadahadaladii nabadda ee Maraykanku dhex dhexaadiyay ay ku yeesheen ee ka dhacay, Dayton, Ohio, taasoo keentay Heshiiskii Dayton.
Dagaalka Boosniy ayaa bilowday 6 April 1992. Dagaalku wuxuu dhammaaday 14 Disembar 1995. Xilligaa waxaa dhacay xasuuqii loo geystay Muslimiinta Boznia ee lagu dilay in ka badan 100,000 oo rag u badan xasuuqaas oo ay geysteen ciidamadii Serbia ee hogaaminayay Radovan Karadžić. Waxaa halkaa ku dhamaaday dagaalkii Boznia 1995kii.
Dagaalkii Kosovo ayaa billowday 1996kii, wuxuuna dhamaaday 1999kii, kadib markii Xooggagii NATO ay hawada ka doqeeyeen Dowladdii Serbia ee uu hogaamiyaha ka ahaa, Slobodan Milošević, waxaa soo afjarmay dagaalkii Kosovo, madaxweynihii Serbia Slobodan Milosevicna waxaa lagu soo oogay inuu yahay dambiile dagaal, sanadkii 2000.
waxaana lagu xukumay xabsi uu markii dambe ku dhintay. Waxaa isku soo haray Serbia iyo Montenegro oo 4tii Febraayo 2003 ku heshiiyay iney si meelgaar ah u usii ahaadaan, Serbia iyo Montenegro. illaa afti qaran laga qaadayo reer Montenegro. waxaana ugu dambeyntii ay kala go'een sanadkii 2006dii. Kosovo ayaa ku dhawaaqday xoriyadeeda iney ka qaadatay Serbia 2008dii. Kosovo waxaa xukumayay Qaramada Midoobay tan iyo dagaalkii Kosovo, Si kastaba ha ahaatee, 17kii Febraayo 2008, Kosovo ayaa madax-bannaani ka qaaday Serbia iyadoo noqotay Jamhuuriyadda Kosovo.
Maraykanka, Ingiriiska iyo qaar badan oo ka mid ah Midowga Yurub ayaa aqoonsaday tallaabadan ay Kosovo go'aansatay.
Burburkii Yugoslavia iyo qaran-jabkii Soomaaliya ayaa isku waqti ahaa.
W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan
W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan
Comments