Posts

Showing posts from 2017

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Image
Maahmaah ama murti waa uun xikmad, sidaan ku balanqaadnay maadaama aqristayaal badani jecel yihiin, waxaan garanay inaan qaybta suugaanta ku soo kordhino, qoraalo maahmaaho iyo xikmada Soomaali ah, oo aan wadan hadal fuxshi iyo asluub xumi ah, kuwii diiniga iyo caalamagii ahaana sidoodii bay u soconayaa, markaas waa tan qaybtii ugu horaysay, si joogta ahna waan u sii kordhinaynaa hadba. 1- Aan wada hadalno, waa aan heshiino. 2- Abaal dad galaa badan, dad gudaa se yar. 3- Abaal raaga rag baa leh. 4- Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey. 5- Af Daboolan, Dahab waaye. 6- Af jooga looma adeego. 7- Af macaan gacan macaan baa dhaanta. 8-Af wax cunay xishoo. 9- Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa. 10- Afxumo nabad way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto. 11-Afkii dab yiri ma guban. 12- Alif kaa xumaaday Albaqra kaagama hadho. 13- Allaah aamine ma iisho. 14- Allaah wate wehel uma baahna. 15- Allow aqoon xumo hannagu cadaabin, eexona hannooga teg

Sagootintii Aduun ee Aakhiradda noqotay ee Ifraax iyo Iimaan

Image
Waxaa ay ahaayeen gabdho agoonimo lagu soo koriyay kuwaas oo hada uun la jaan qaaday carfta aduunka , waa xiligii ay hooyadood sugeysay miriha ubixii ay kalinimada kusoo korisay.   Qoyskaan waxaa uu ka koobnaa 4 qofood sadex gabdhood iyo hal wiil waana Iimaan, Ifraax, Iftin iyo Saadaq, hooyada qoyskaan waxaa la yiraahdaa Sahro taas oo sawiradda hoosana qeyb ka ah. Iimaan, Ifraax iyo Iftin ayaa shalay oo aheyd 14-ka June 2017 waxa ay goobta lagu nasto ee Pizza House ka codsatay iney u raacaan gabar xaamilo aheyd oo ay daris ahaayeen taas oo sida la ii sheegay safar u aheyd dibadda “ Fadlan saaxibayaal isagootiya oo aan soo wada galno sawiro xasuus ah “ ayuu ahaa balanka saddexda gabdhood ee walaalaha ah iyo saaxibtood sida ay ii sheegtay Xamda oo ay isla soo koreen gabdhaha xaqdarada lagu dilay. Jawiga ay ku jireen inta uusan qarax iyo weerar ku qabsan goobta lama suureyn karo, laakiin si mala awaal ah hadii aan u hadlo waxey ku jireen jawi farxadeed madaama ay Afurki

Jahwareerka

Jahawareerka Idaajaa  Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?”  ee  Axmed F. Cali “Idaajaa”:  Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal  Shiddaad Libaaxa mooday?!  Maxamed Xaaji Caddoow  London, England  Email: mohamedadow@hotmail.com  Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa aniga iyo rag kale oo fuushan  (saaran) gaari (baabuur) ayaa waxaa si kedis ah uga soo hor baxay gaarigii  aan la soconnay calaamadda (astaanta) guduudan (cas ) ee ishaarada  (taraafikada) kala hagta gaadiidka.  Waxaa sharci ahaan dirqi (khasab)  nagu noqotay in aannu istaagno. Intii aannu sugaynay is-bedelka midabka  nalka (laydhka) ayaa mid ka mid ah rakaabkii  baabuurka milicsaday  (dayay,  jalleecay) boor (tabeello) muujinayay in ay buqcadaas (goobtaas) tahay meel  soohdin (seere, xuduud) ah oo kala  jarta (kala goysa, kala qaybisa) ) labo  xaafadood (degmo)  oo ka mid ah xaafadaha (degmooyinka) maamul (idaaro)  ahaan xagga maamul

Sidee baad ku noqon kartaa qof la jecel yahay?

Image
Haddii aynu nahay bini Aadam waxa aan had iyo jeer jecelnahay in aan helno wax kasta oo aynu jecelnahay. Sidoo kale kama maaranno in aan mar walba aragno dad ina jecel oo ina danaynaaya. Haddaba waxa is waydiintu tahay maxaa qofna loo jecel yahay oo dhankiisa loogu ordaa qofna loo karhaa oo loo dhibsadaa amaba aan xaggiisa cidiba u eegin. Waxa se aad intaaba ka jeclaan lahayd in aad ogaato sida aad ku noqon karto qofkaas dadku jecel yihiin ee ay mar walba xiiseeynayaan la joogiisa. Waxa jira waddooyin badan oo haddii aad raacdo ay dadku kugu jeclaan doonaan. Waddooyinkan maaha kuwo kaaga baahan xeelad iyo wax kale toona. Kaliya waa fan kaaga baahan in aad hirgaliso kadibna ku dhaqanto. Hubaal haddii aad ku dhaqanto qodobada aan kuu sheegi doono noloshaada waa ay beddeli donaan, waxa ayna horumarin doonaan xidhiidhada idiin dhaxeeya adiga iyo bulshada kugu xeeran. Waxa aad se maanka ku haysaa in ay dadku kala jaad jaad yihiin, qof kastaana uu leeyahay dhaqan u gooniya

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.

Image
QAYBTA SHANAAD: SU’AALO KU SAABSAN SAYNISKA IYO XISAABAADKA. (40) S471: Sheeg nooca dhiiga AB nooca kale ee dhiig ee uu qaadan karo?. J471: Waxa uu qaadan karaa dhammaan noocyada kale ee dhiigga. S472: Sheeg magaca qanjirka ugu weyn jirka bini’aadamka? J472: Waa beerka. S473: Sheeg magaca caalimkii ugu horreeyey dawladaha islaamka ee ku guuleystay abaalmarinta Nopel Prize ee cilmiga fiisigiska iyo dalka uu u dhashay? J473: Waa Prof: Max’ed C/salaam waxa uu u dhashay dalka Pakistan. S474: Sheeg xubinta jirka bini’aadamka ee adeegsata 40% Oksijiinta dhiigga? J474: Waa Maskaxda. S475: Sheeg magaca xayawaanka keliya ee u seexda dhabarka? J475: Waa bini’aadamka. S476: Sheeg waxa sababa bidaarta? J476: Waxaa sababa marka qofku ku yaraado hormoonka Androjiin. S477: Sheeg nooca cunto ee aan isbeddelayn muddo dheer? J477: Waa malabka. S478: Sheeg xayaanka aan awoodin inuu soo bixiyo carrabkiisa? J478: Waa Yaxaaska. S479: Sheeg xayawaanka aan awoodin inuu samada eego? J479: Wa

Su'aalo iyo Jawaab, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Afaraad.

Image
QAYBTA AFRAAD: SU’AALO AQOON GUUD AH: (170) S301: Sheeg magaca qofkii carbeed ee ugu horreeyey ee ku guuleysta abaalmarinta            caalamiga ee Nabadda (Nopel Peace Prize)?. J301: Waxa uu ahaa Max’ed Anwar Al- Saadaat Madaxweynihii hore ee dalka Masar. S302: Sheeg magaca dal ku yaal qaaradda yurub oo aan lahayn ciidan Milateri? J302: Waa dalka Switzerland. S303: Sheeg magaalada ay ku taal buurta loo yaqaan Buurta Naxariista? J303: Waxa ay ku taal Magaalada Maka. S304: Sheeg xayaawanka ugu xusuusta badan xayawaannada? J304: Waa Geela. S305: Sheeg xayawaanka ugu caqliga badan xayawaannada? J305: Waa Daanyeerka. S306: Sheeg dawladdii ugu dambaysay ee ku biirta dawladaha leh codka diidmada           qayaxan ee Veto? J306: Waa dawladda Shiinaha. S307: Sheeg halka uu ka soo jeedo asal ahaan erayga Atlas? J307: Waxa uu ka soo jeedaa Giriigga. S308: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee qalin wax ku qora? J308: Waxa uu ahaa Nebi Idiris (C.S) S309: Sheeg dalka lagu sameeyey Madb

Su'aalo iyo Jawaabo'Aqoon guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Saddexaad.

Image
QAYBTA SADDEXAAD: SU’AALO KU SAABSAN DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED (85) S216: Sheeg magaca saddexan ee halgame Xalane, meesha uu ku geeriyooday iyo             sanadkii  uu geeriyooday? J216: Waa Max’ed Cabdulle Xalane waxa uu ku geeriyooday Tog Wajaale sanadkii 1964. S217: Sheeg magaaladii uu ku dhashay halgame C/llaahi Ciise iyo sanadkii uu dhashay? J217: Waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1922kii. S218: Sheeg magaaladii uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashayba C/rashiid Cali Sharma’arke? J218: Waxa uu ku dhashay Magaalada Xarardheere sanadkii 1919kii. S219: Sheeg Magaaladii uu ku dhashay Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi? J219: Waxa uu ku dhashay Magaalada Mareeg. S220: Sheeg magaca hay’addii ay hoos tegi jirtay Kooxdii Fanka ee Xusuus? J220: Waxa ay hoos tegi jirtay Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed. S221: Sheeg magaca hay’addii uu hoos tegi jirey Naadigii Jeenyo LLPP? J221: Waxa uu hoos tegi jirey Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta. S222: Sheeg magaca Abwa

Su'aalo iyo Jwaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Labaad.

Image
QAYBTA LABAAD: SU’AALO TAARIIKH GUUD AH: (50) S166: Sheeg sanadkii uu dhashay caalimkii  Jaabir Bin Xayaan adigoo jawaabta ku sheegaya taariikhda hijriga? J166: Waxa uu dhashay 101 Hijriya. S167:Sheeg sanadkii uu billowday dagaalkii u dhaxeeyey labada dawladood ee Ciraaq iyo         Iiraan? J167: Waxa uu billowday sanadkii 1980kii. S168: Sheeg sanadkii la aasaasay Raabiddada Caalamka Islaamka? J168: Waxaa ala aasaasay sanadkii 1962kii. S169: Sheeg sanadkii la aasaasay ururka ay ku midaysan yihiin dawladaha dhexdhexaadka? J169: Waxaa la aasaasay sanadkii 1961kii. S170: Sheeg sanadkii uu dhacay af duubkii ugu horreeyey ee diyaarad la af duubo? J170: Waxa uu dhacday sanadkii 1931kii. S171: Sheeg sanadkii la billaabay bixinta abaalmarinta caalamiga ee Nobel Press? J171: waxaa la billaabay sanadkii 1901. S172: Sheeg sanadkii la aasaasay Wakaaladda Wararka ee Reuter? J172: Waxaa la aasaasay 1851kii. S173: Sheeg sanadkii ay xornimada qaadatay Saldanadda Cummaan iyo magaca da

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Image
QAYBTA KOOWAAD: SU’AALO DIINI AH: (165) S1: Sheeg Magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Maka mid kastana        aayadaheedu yihiin 88 aayadood? J1: Waa Al- Qasas , Saad S2: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Madiina mid kastana        aayadaheedu yihiin 78 aayadood? J2: Waa Al- Xaj , Arraxmaan. S3: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku billowda mucjiso ka mid ah mucjisooyinka       nebiga s.c.w? J3: Waa Al- Israa iyo Al- Qamar. S4: Sheeg magacyada laba suuradood oo loo yaqaan Azahrawaan? J4: Waa labada suuradood ee kala ah Al – Baqra iyo Aal Cimraan. S5: Sheeg magacyada laba suuradood oo lagu sheegay Axkaamta Xajka? J5: Waa labada suuradood ee kala ah Al- Baqra iyo Al- Xaj. S6: Sheeg magacyada laba suuradood oo ay ku jiraan laba aayadood oo ay ku idil yihiin        dhammaan xuruufta luuqadda carabiga?. J6: Waa labada suuradood oo kala ah Al- Fatxi (aayadda 29aad) iyo Aal- Cimraan      (aayadda 154aad). S7: Sheeg magacyada laba suu

WAX KA BARRO TAARIIKHDA DALKA SINGABUUR

Image
Dalka Singabuur waxa uu ku yaalaa koofur bari ee qaarada aasiya, Jamhuuriyadda singabuur waxaa loo kala qeybiyaa taariikhdeeda sadex marxaladood oo kal ah:- 1. Marxaladii gumeysga.  Meesha juquraafi ahaan ee ku taalo Singabuur aawadeed oo ah meel xiriirisa shiinaha iyo hindiya waxay quwadihii barigaa jiray u kala tartameen sidii ay u qabsan lahaayeen meeshaasi istaraatiijaga ah qarniyadii 16aad iyo kii 17aad, waxaana ka mid ahaa quwadihii ku loolamayey boqortooyadii bortaqiiska iyo boqortooyadii holan. 2. Marxaladii isticmaarka ingariiska. Bilawgii qarnigii 18aad qaas ahaan sanadku marka uu ahaa 1819 ayaa ninkii lagu magacaabi jiray Raffles Thomas Stamford qabsaday wadanka Singapore halaasi oo ka aas-aasyay dakkad weyn sababo ganacsi aawgeed,kadib waxa ay ka mid noqotay mustacmarooyinki ama meelihii uu gumeysanaye ingariiska halkaasi oo qiimo aad u weyn u laheyd mandiqada koofur bari eeshiya hadee ahaan laheyd dhanka ganacsiga iyo milatariga. Waqti kadib qaas ah