Muxuu is-fahamka siyaasadeed ee Itoobiya iyo Eritreya kusoo kordhin karaa ammaanka geeska Afrika?
Dalalka geeska Afrika waxaa saamayn nololeed iyo mid nabadgeliyo ku yeeshay colaadaha mandiqadda ka socday dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.
Deganansho La’aanta waxay horseeday inay dagaaalo caynba-cayn ah ka dhacaan inta badan dalalka ku teedsan geeska Afrika, iyadoo colaadaha ugu samaynta badnaa kala ahaayeen dagaalki ilagu hoobtay ee Itoobiya iyo Eritreya dhex maray sannadihi 1998kii ilaa 2000, dagaalka Kooxaha ku hardamaya dalka Koonfurta Suudaan iyo colaadaha aan dhamaadka lagayn ee weli ka socda gudaha Soomaaliya.
Inkastoo dagaalkii Itoobiya iyo Eritreya uu dhamaaday muddo haatan laga joogo 18-sano, haddana ma jirin heshiis siyaasadeed oo ay madaxda dalalkaasi ka gaareen xilli colaadeedkii ay dadyowga labada dhinac ku riiqmeen.
Haddaba, isbedelka cusub ee ay dowladaha Itoobiya iyo Eritreya doonayaan inay kaga gudbaan colaadihii soo maray ayaa la sheegay inay tahay tallaabo wanaagsan oo wax badan ka bedeli karta deganaanshaha siyaasadeed iyo colaadaha ay labadaasi dowladood ku lug leeyihiin ee ka aloosan mandiqadda.
Raysul-wasaaraha Isbedel-doonka Itoobiya, Abiy Axmed oo xilkaasi loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxa uu garwaaqsaday in laga gudbo isbaaro-siyaasadeedka ka dhashay dagaalkii ay la galeen Eritreya.
Waxa uu si cad u sheegay inuu doonayo inuu la heshiiyo dowladda Eritreya iyo inuu ciidankiisa ka soo saarayo degmadda Badme oo ay milliteriga Itoobiya ka qabsadeen Eritreya.
Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey dalka Eritreya, Issias Efewerki waxa uu sopo dhaweeyey niyad-wanaagga raysul-wasaaraha da’da yar ee Itoobiya, Abyi Ahmed, kaasi oo maanta markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Eritreya ee Asmara.
Is-fahamka Siyaasadeed ee Itoobiya iyo Eritreya ayaa la saadaalin karin inuu wax ka bedeli karo jawi haatan ka aloosan mandiqadda, gaar ahaan dagaalka Soomaalia iyo muranka Eritreya iyo Jabuuti ee lahaanshaha jesiiradda Dumeyra oo u dhow Gacan-biyoodka Baabul-mandab ee koonfurta badda cas.
Milliteriga labada waddan waxaa uu iska horimaad ku dhex maray xuduudka sannadkii 2008dii, iyadoo dowladad Qatar ku guuleysatay inay ciiddamo nabad-ilaalin kala dhex dhigto xuduudka labadaasi waddan.
Dowladda Eritrea waxaa docda kale saaran cunaqabataynta QM ee hubka, kadib, markii dowladda Eritreya lagu eedeeyey inay ku lug leedahay dagaalka ka socda Soomaaliya, isla markaana ay Alshabaab siiyaan teegeerao millateri iyo mid dhaqaale.
Balse, Dowladda Eritrea waxay beenisay eedeymahaasi, iyadoo kormeerayaasha QM ee cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritreya sheegeen inaysan haynin caddaymo muujinaya inay Eritreya taageeraan Dagaalamyaasha Alshabaab ee dagaalka kula jira DFS iyo ciidanka AMISOM.
Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika waxay horey u go’aansadeen in Eritreya laga saaro xubinnimadda ururka midowga Afrika iyo in la saaro go’doomin siyaasadeed.
Dowladda Itoobiya ayaana loo aaneeya inay nidowga Afrika ku riixeen inay Eritreya go’aamiyaan sababo la xiriiray khilaafkii siyaasadeed ee kala dhexeeyey.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in dowladda Eritrea haysato fursad caalami iyo mid gobaleed, si ay mar kale ugu soo muuqato masraxa siyaasadda iyo kulamada ururada caalamiga, waxaana hor yaalla fursad ay ku heshisiin karto dowladda I
thiopia iyo ururka xoreynta ee ONLF, oo ay madaxdooda haatan ku sugan caasimadda Eritrea ee Asmara.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Eritrea door ma ku yeelan kartaa inay dowladaha gobalka heshiis siyaasadeed la gaarto dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti iyo inay gacan ka geystaan xal u helida dagaallada ka socda Soomaaliya, koonfurta Sudan iyo muranka xuduudka eek ala dhexeeya Jabuuti.
Comments