Posts

Showing posts from July, 2020

QALIN-MAALKII QARNIGA: Ma ahayn nin qalinkiisa qabyaalad darteed u qalqalloociya!

Image
Qalinmaalkii Qarniga! Maanta oo kale lix sano ka hor buu iishay Cabdiqaadir C. Maxamuud “Aroma” (1950s—July 16, 2014). Waxa uu ku allaystay London, UK. Hordhac: “Waxa uu ahaa nin Rabbigii abuurtay ka cabsada, aadanaha isaga oo kale ahna ka xishooda!”—Cabdicasiis-Xildhibaan Cali Ibraahin: Laanta Af Soomaaliga, VOA. Cabiqaadir Cismaan Maxamuud “Aroma” waxa uu bartamihii qarnigii 20d ee tegay ku dhashay degmada Dhuusamareeb, Gobolka Galgaduud. Korriinkiisii ilaa kaalingalkiisii gudaha dalka ayaa uu ku qaatay. Waxa uu ahaa qoraa jiitay oo taariikhda Soomaalida in badan oo abaal ah gashaday; tiraba shan dhiganayow oo qaayo leh baa uu kaydka buugta sooyaal ee Soomaalida ku soo biiriyay. Da’yarta Soomaaliyeed ayaa uu u dhiteeyay sheeka-awaallo xallad miiran ah oo uu si-uyaalka Soomaalida ku suureenayo. Noloshiisa badankeed wuxuu ku qaatay, qorista sooyaal dhaqameedka; iyo mid siyaasadeedka Soomaalida. Waxa uu ahaa waayajoog u soo taagnaa dhacdooyinkii kala geddisnaa ee dalkan soo