Posts

Qisadii Malik Ibn Dinaar

  Qisadii Malik Ibn Dinaar Magaaladu waa Medina, meeshuna waa Masaajidka Nabiga Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato, waa xalaqad diinta lagu barto oo ay fadhiyaan arday aad u fara badani. Ardaydu waxa ay sugayaan sheekhoodii. Sheekhu maanta waa uu soo habsaamay, ardayduna waxa ay ka warwarsan yihiin soo daahida sheekhooda. Waxoogaay markii ay sugayeen ayuu sheekhii yimid isaga oo ay ka muuqato haybadii iyo karaamadii culimada saalixiinta ah lagu yiqiinay. Meeshii loogu talagalay ayuu fadhiisatay, salaan ka dibna wuxuu bilaabay hadalkiisii. Wuxuu yidhi "walaalayaal in badan ayaan masaajidkan idiinku dhigayay qaybaha kala duwan ee culuumta Islaamka. Maantase waxa aan doonayaa in halkii aynu casharka ka qaadan jirnay aan idinla wadaago qayb ka mida nolosha sheekhiinan idin hor fadhiya. Waxaan rajaynayaa in ay cibro idiin noqoto. Noloshaydii hore Waxaan ku noolaan jiray Ciraaq. Ma aanan ahayn qof toosan. Xumaan oo dhan ayaanan faraha kula jiray. Waxaan ahaa nin aan wax naxarii

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
GEERIDII CAWRALA IYO BAROORDIIQDII IYO U DUCAYNTII CALIMAAX Markii Calimaax dhiigkafuqay oo uu ku bogsaday gurigii Warsame Warfaa uuna damacsan yahay inuu aado Cawrala iyo magaalada Xiis oo ay deganayd, ayaa nasiibdarri loogu soo warramay in Cawrala la aroostay muddo yar horteed. Aad iyo aad buu Calimaax warkaas uga murugoodey oo uu fallaar ugu noqday. Wuxuuna goostay inuu is illaawsiiyo oo iskaga samro Cawrala mar haddii la guursadey oo ay soddohowday. Waxaa jirta oo caadooyinka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo qotada dheer ka mid ah, in mar haddii gabar la guursado, oo ay soddohowdo inaan ninna xumaan iyo samaan soo hadal qaadi karin, haddiise innaba nin ku kaco oo uu gabar la guursaday yiraahdo waa jeclahay, ama waa jeclaa, waxaa la saaraa xaal. Haddaba, Calimaax isagoo Cawrala jecaylkeedii aad ugu dheer yahay, ayuu isagoo daryeelaaya dhaqanka iyo caadooyinka Soomaaliyeed iskaga samray Cawrala oo iska dhaafay soo hadal qaadkeedii, si aan berry ka maalin loogu ceebayn ruux murwa ah, oo l

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
 AROOSKII CAWRALA LOO AROOSAY GEELLE Markii lagu heshiiyey wixii ka dhacayaa ha ka dhaceene, in Cawrala garbaduub loogu dhiso Geelle Geelbadane, ayaa isla mar ahaantiiba waxaa degdeg loo bilaabay qabanqaabintii arooska, iyadiina waxaa loo qaybshey oo la dul dhigay dad ilaaliya si aanay u baxsan. Waxaa kaloo dhacday in ninkii Geelle oo aan magaalada joogin loo cid diray inuu muddo yar ugu soo tabaabulshaysto arooskii Cawrala, oo uu muddo dheer sugaayey, marna ayba dhacday inuu ka quustay, oo ka samray guurkeeda. Afar caanamaal kaddib, ayaa Geelle soo galay magaaladii Xiisxarrago, isagoo hangool ku garba rogan, oo boqol geela iyo baarqabkoodii yarad u wada. Geelana waxaa ku jirtay sidigtii uu ugu ballan qaaday Cawrala adeerkeed. Intii arooskii la qabanqaabinayey Cawrala aad bay uga murugaysneyd garbaduubkaas loo garbaduubay Geelle, isla markaas jacaylkii hayey sidii iyo si ka daran ayuu ugu kordhay. Haddaba markay u caddaatay inaanay innaba sina uga fikan karayn xaalkaas, ayey midab door

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
 WELWELKII IYO WALBAHAARKII CAWRALA Waxaa welwel, walbahaar iyo walaac Cawrala geliyey heestii cirsan-ka-yeerka, khaas ahaan saddexdii tixood oo u dambeeyey heesta ee ahaa:   Dayaxu ma gabdhin, manuu gabax oran, Ha yeeshee gashuu degey, way guduudnayd, Ee ha gacan gelin, jeer gu’soor da’o Iyadoo ay u muuqatay Cawarala in tixaha heestani yihiin xaal ku shuqulle xiddigaha, ayey waxay u sheegtay geeladeed Saluugla inay la doonto qof xiddigiska aqoon dheer u leh oo fura tixahaas micnahooda. Hadday maalmo goobaayeen xiddigiye, ayaa maalintii dambe waxaa loo sheegay inuu jiro nin Darawiishta ka mid ah, oo aad uga baaraandegey xiddigaha iyo maluugada iyo cilmi curaafiska. Halkaasay Cawrali cid u dirtay ninkii loo tilmaamay oo gurigoodii ugu yeertay gooray fiid hore tahay. Waxse dhacday inay ka naxday filidda aanay filayn inuu xiddigiyuhu noqodo Darawiishkii Bile oo farriinta uga keenay Calimaax, markay Darawiishtu duulaan uga soo baxday Xarun. Isla mar ahaantii Cawrali dareen kama qabin inuu

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
Haddaba, in kastoo gabartii ka carartay Calimaax aragtidiisii horee, waxay ahayd qof waracad ah oo way qayla roor tagtay, ilaa rag iyo haween loo soo gurmadey oo halkii rabrab lagaga qaaday oo guryihii beesha la geeyey. Wax rag ah oo muqdar ama xilkas ah waxaa beelaha joogey nin la oran jirey Warsame Warfaa. Warsame ayaa habeenkiiba u loogey Calimaax, aroortiina waxaa loo keenay nin bowdadii ka kaba oo aqoon fiican u lahaa sida wax loo kabo. Markay hadhimadii ahayd oo Calimaax dhibaatooyinkii qabsaday warkoodii dhammeeyey, ayaa Warfaa wuxuu Calimaax uga sheekeeyey sheekooyin badan oo waaya aragnima ah, isagoo uga jeedey inuu illawsiiyo Calimaax dhibaatooyinkii uu la soo kulmay. Wuxuu yiri Warfaa “Calimaaxow waxaa la yiri dumarna badhaadhahooday ka sheekeeyaan ragguna ba’iisuu ka sheekeeyaa. Anigaynga kula hadlaaya haddaan kaaga sheekeeyo waxa beri i qabsaday, taadani biyey noqon lahayd.” Cali baa markaas yiri “u malayn maayo inay taydanoo kale ku heshee, balse aan isu eegnee bilow shee

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
 DHAAWACII IYO DHIIGKAFUQII CALIMAAX In kastoo la yiri Calimaax waa geeriyoodey, ciidankiisiina sidaas ku tiriyeen markii la waayey, raggii ugu war dambeeyeyna oo ay goobtii Gurifaras ka wada dagaalamayeen sheegeen in rasaasi ku dhacday oo uu dhaawac ahaa markii ugu aragti dambaysey. Hase ahaatee, Calimaax ma dhiman wuxuuna nasiib ku lahaa in kastoo la dhaawacay rasaastii kagama dhicin meela halisa, ee waxay kaga dhacday garabka bidix hoostiisa iyo bawdada, isla barbarkaas ah oo kala jabtey. Waxaa dhacday inuu dhabibey oo aad u dhiig baxay, waxaana dhacday in koox ka mid ah colkay Daraawiishta dagaallamayeen ay dul yimaaddeen oo nin ka midihi isku dayey inuu warmeeyo, waxse ka hor joogsadey mid kale oo ku yiri “ar nacallaa kugu yaalle raga lama bakhti wareemo hadday geeriyoodaan ee ninka dhaaf.” Halkaasaa looga tegey meyd ahaan isagoo miyir la oo taag daran dhiigiina ka soconaayo. Gooray haddaba cawaysin tahay ayuu intuu soo miyiraabey maqlay waraabihii maydkii agihiisa cunaayey cidiis

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
  DUULLAANKII DARAAWIISHTA EE “BADDACAS” Mar loo malaynaayo inay taariikhdu qiyaastii ahayd bishii Nof. 1916kii ayaa Seyidkii duullaan uu magaciisa qarsooni ahaa “BADDACAS” oo uu xeeladdiisa dejiyey markuu muddo dheer dersaayey ku saaray xeebahaas Maakhirkoost. Maakhirkoost waxaa lasyku yiraahdaa magaalada Xiis, Laasqoray, Maydh, Ceelaayo, Qaw iyo Boosaaso. Duullaankaas waxay tallaabadiisa labaad ahayd marka magaalooyinkaas daraawiishtu qabsato, inay isla markaas gacanta ku dhigaan waxa doonyo marsooyinkaas dhigan. Doonyahaas waxay daraawiishtu la damacsanayd inay ciidan ku gurto oo markaas Baddacas kaga gudubto ilaa magaalada Cadmeed, dabadeedna ciidamadii Ingiriiska oo halkaas fadhiyey ku soo baabiyaan iyagoo warmaqabto ah. Haddaba, bacdamaa Calimaax ahaa ninkii Cadan soo ilaaleeyey meelihii ciidamada Ingiriisku degganaayeen, isla markaasna uu ahaa nin badaha aqoon dheer u leh, wuxuu amar hoose ku qabay, isagoo abbaanduulihii keliyi la ogyahay in mar alla marka la qabsado magaalooyin