Madaxweynaha Eritrea oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Addis Ababa


Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.



Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.

Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ku tagay Addis Ababa ayaa ahaa kii u horeeyay muddo 22 sano uu ku tago, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda xumaaday, kana dhasheen dagaalo dheer oo labada dal ku dhex maray xuduuda u dhaxeysa.

Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Labada dal ayaa gaaray heshiisyo taariikhi ah oo xiriirka diblomaasiyadeed lagu soo celiyay, waxaana muddo 20-sano kaddib dhex maraya xiriiro diblomaasiyadeed, mid bulsho iyo ganacsi.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu booqasho taariikhi aheyd ku tagay magaalada Asmara.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex maray dagaalo socday sanadihii 1998-2000, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika ee dhex mara labo dal.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.