Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Maahmaah ama murti waa uun xikmad, sidaan ku balanqaadnay maadaama aqristayaal badani jecel yihiin, waxaan garanay inaan qaybta suugaanta ku soo kordhino, qoraalo maahmaaho iyo xikmada Soomaali ah, oo aan wadan hadal fuxshi iyo asluub xumi ah, kuwii diiniga iyo caalamagii ahaana sidoodii bay u soconayaa, markaas waa tan qaybtii ugu horaysay, si joogta ahna waan u sii kordhinaynaa hadba.
1- Aan wada hadalno, waa aan heshiino.
2- Abaal dad galaa badan, dad gudaa se yar.
3- Abaal raaga rag baa leh.
4- Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
5- Af Daboolan, Dahab waaye.
6- Af jooga looma adeego.
7- Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
8-Af wax cunay xishoo.
9- Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
10- Afxumo nabad way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto.
11-Afkii dab yiri ma guban.
12- Alif kaa xumaaday Albaqra kaagama hadho.
13- Allaah aamine ma iisho.
14- Allaah wate wehel uma baahna.
15- Allow aqoon xumo hannagu cadaabin, eexona hannooga tegin
16- Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
17- Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
18- Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
19- Ama waa la muuqdaa ama waa laga maqanaadaa.
20- Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
21- Ammaan lama dhu-dhumiyo.
22- Ammaano kugu raagtey yedaa baad mooddaa.
23- Amxaar aragtayaaba Ferenji waa xaaji.
24- Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
25- Aqal libaax lafo lagam waayo.
26- Af hadlaaba aamus.
27- Atoorku intiisuu guun ku yahay.
28- Arrini waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
27- Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
28- Aqoon xumo abaar ka daran.
29- Arin nin la toosan, nin la tuur  leh.
30- Aroos lagama raago, lagumana raago.
31- Arrad waa dan uskag se waa doqonniino.
32- Awr awr wado iyo nin naagi waddo midna kaama leexdaan.
33- Awrba awrka ka horreeya, ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay.
34- Ayax teg eelna reeb.
35- Adigoo banaan arkaaya maxaa babac ku saaraya.
36– Adduun waa hadhka labadiisa gelin.
37- Ama buur ahaw, ama buur ku tiirsanow.
38– Aqooni waa awood.
39– Ammin dumay dib uma soo laabto.
40– Aadane gef lagama waayo.
41– Aammusnaantu waxay astaan u tahay oggolaansho .

Comments

Unknown said…
Masha alla aad baan ugu faa iideysanay
yaasiin Arts said…
Thanks
Maadaama wax baadan ka faaiidaystay
Unknown said…
Qeebta 3aada iyo 6, 7,8,9,10 aa rawaa suaalha iyo jawaabo fadlan ee soodira waa weeye mahadsanidiin
Unknown said…
M. Allah aad iyo aad ayaad u mahad santihiin wax badan aan ogeen ayaan halkaan ka faa'idey
Kuwa kale wxn rajeynaa in aan ka faa'ideysadoona
Unknown said…
Masha Allah wax badan ayaan meeshaan ka faa iiday guul ayaa inii rajaynayaa
Unknown said…
Allow idiin barakey
Unknown said…
Waxaaan ka faaa'idey arrini waaa mid kugu soo boodiyo mid kugu bariday
Intaasan ka fa'idey
Unknown said…
Aad ban u bogaadinaya dadki isku howlay so gudbinta oraahyadan qiimaha badan. Kun jeer wad mahadsantihin👏🏻

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.