Posts

Showing posts from August, 2018

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Itoobiya

Image
Itoobiya waa dal dhaca bariga Afrika. Waxa uu deris layahay wadamada, Eritreya, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Suudaan. iyo Koonfurta Suudaan. caasimadda iyo magaalada ugu weyn waa Addis Ababa. Luqadda dowladdu waa Amxaari (amharic).  Laakiin, Itoobiya waxaa looga hadlaa in kabadan 80 luqadood. Tirada dadka itoobiya waxay kor u dhaaftay 102 milyan, waana dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan, iyo kan 12aad adduunka ugu dadka badan.  Baaxadda dhulka Itoobiya waa 1,104,300 km oo wareeg ah, waa dalka 10aad ee Afrika ugu dhulka weyn, sidoo kale  waa dalka 28aad ee ugu dhulka weyn dunida. Waxaa talada dalka hadda haya raysalwasaare, Abey Axmed oo isbedello  ka sameeyay geeska Afrika. Dalkani waxa uu ka Kooban tahay 9 maamul goboleed ama killil, oo kala ah,  Ismaamulka Oromada, kan Soomaalida, Amxaarada, Tigreega, midka cafarta, Gobolka Sidamo, maamulka Gambeellaha, ismaamulka Binshangulka iyo maamulka shucuubta Koofureed. Waxaa kaloo jira, labada magaalo ee Harar iyo Diridabe oo toos u hoo

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Suudaan

Image
Suudaan waa dal dhaca dhanka waqooyi bari ee qaaradda Afrika, waxa uu oodwadaag la yahay dalalka, koofurta Suudaan, Itoobiya, Eriteriya, Masar, Jaad, Liibiya iyo jamhuuriyada Afrikada dhexe. Caasimaddiisu waa khartuum waana magaalada ugu wayn dalka,waxay dhacdaa daanta webiga Niil, bartamaha dalka, halka ay ku kulmaan niilka buluugga ah iyo midka cad. Suudaan waa dalka 15aad ee ugu baaxadda wayn dunida, Afrikkana waa kan sedexaad ee ugu dhulka ballaaran, marka laga soo tago Algeria iyo jamhuuriyadda dimuquraadiga Koongo. Tirada guud ee dadka Suudaan waa 41 milyan, waana dalka 35aad ee ugu dadka badan dunida. Dalku waxa uu ka kooban yahay 18 gobol iyo 138 degmo. Suudaan waa dalka 10aad ee ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika, iyo dalka 76aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida. Sidoo kale Sudan waa dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, silamida waa kan 4aad ee ugu dhaqaalaha badan dalalka islaamku ku badan yahay ee dhaca qaarada Afrika. Wax soo

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Japan

Image
Japan waa dal Jasiirado ah oo dhaca bariga fog ee qaaradda Asia. Japan waa dal ka kooban 6,852 jasiiradood, oo badankood aan la degganeyn, waxaana ugu waawayn afar jasiiradood oo kala ah, Honshu, Hokkaido, Kyushu iyo Shikoku. Baaxadda dhulka uu ku fadhiyo dalka Japan waa 377kun Km oo wareeg ah, Somalia ayaa ka dhul ballaaran ku dhawaad laba jeer. Tirada guud ee dadka Japan waa 127 milyan oo ruux, waana dalka 10aad ee ugu dadka badan dunida.  Micnaha magaca Japan waa dhulkii qorrax soo baxa, maadaama uu ku yaallo bariga fog ee Aasiya.  Japan waa dal aad u hormaray dad ahaan, dhaqaala ahaan, aqoon ahaan iyo nolol ahaanba. Japan waa mid kamida wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida, sidoo kale waxa uu qayb kayahay 7da dal ee ugu warshadaha iyo waxsoosaarka badan dunida G-7 ama G-8 iyo ururro dhaqaale oo caalami ah. Japan waa dalka 3aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida kaliya waxa kahorreeya Mareykanka iyo Shiinaha. Dhaqaalaha guud ee dalka Japan waa 5.1 Trilion waa dalka 3aad, sidoo kal