Isku Dheeli Tirlka Nolosha


Waxa in badan dhacdaa oo qaar inaga mid ahi la kulmaan carqalado iyo cadaadis badan oo kaga imaada hayaanka nolosha, kuwaas oo sababa in dadyow badani is dhiibaan oo ay noqdaan kuwo xal ka dhigta cabasho iyo quus joogto ah.



Tusaale

Hardanka noloshu waa mid soo jireen ahaa ilaa bilowgii Aduunyada, waana mid jiri doona ilaa ay noloshu Aduunyadu dhammaanayso, Waxa aad arkaysaa Dadyow nolosha heer ka gaadhay laakiin haddana ay noloshoodu tahay mid dheeliyaysa oo aan dheelitirnayn, taas oo ay sabab u tahay in aanay miisaamin qaybihii muhiimka ahaa ee ay ka koobnayd noloshu, kuwaas oo haddii si fiican loo miisaamo isbadal wayn oo wanaagsani ku imanayo nolosha qofka isku miisaama





Tusaale ahaan waxa aad arkaysaa Nin taajir ah oo aan haysan farxad ama caafimaad, kaas oo lacagtiisii oo dhan ku raadinaya inuu helo farxad ama caafimaad! Nasiib darro muu fahmin halka ay wax ka khaldan yihiin!!

Waxa hubaal ah in haddii uu helo sirt isku miisaamida nolosha in aanay lacagi kaga baxdeen raadinta farxad ama caafimaadka

Dadka hela sirtan isku dheelitirka nolosha, waxay noqdaan kuwo inta badan noloshooda ku qaata farxad, oo ku noolaada qanaaco heerkeedu sareeyo; kuwaas oo gaadha hadapyada ay hiigsanayeen inay gaadhaan.

Haddaba Waa Maxay Faa’idada ku jirta inaad isku miisaanto Noloshaada?

In aad isku miisaanto oo aad isku dheelitirto noloshaadu, waxay leedahay faa’iidooyin aad u badan oo aynaan qoraalkan ku soo koobi Karin, se haddii aynu ka soo qaadano qaybaha ugu mihiimsan waxa ka mid ah

1- In ay noloshaadu noqonayso mid aanad ku dareemin cidhiidhi joogta ah iyo diiqad kuu sababta in aad noqoto qof nolosha ka dhaca oo niyad jab badani soo waajaho

2- In aad noqoto qof la tacaala carqaladihiisa oo ka guulaysta

3- In aad awood u yeelato in aad ka hortagto carqalado badan oo noloshaada saamayn taban ku yeelan lahaa, oraah carabi ah ayaa waxay ahayd “ Ka hortaga ayaa ka wanaagsan Daaweynta ”.

4- In aad noqoto qof ku raaxaysta nolosha si kasta oo ay u adag tahay niyad samina ku wajaha oo aan isku dhiibin carqalidihiisa.

Haddaba haddii aynu wax ka ogaanay muhiimada ay leedahay in aynu nolosheena miisaano, waxa is waydiin mudan sidee ayaynu u miisaami karnaa nolosheena? Se maxaynu u baahanahay si aynu u miisaano nolosheena?

Si aad noloshaada u misaanto waa in aad isku dheelitirto isleegta nolosha oo ah:
1. Ruuxda (Spiritual)
2. Maskaxda (Mental)
3. Caafimaadka (Health)
4. Dareenka (Emotion)
5. Dad la dhaqanka (Interpersonal)
6. Shaqada (Job)
7. Dakhliga ( Finance)

Lixdan isle eg ee ay ka koobantahay nolosha qof kastaa waa mid u baahan laysku miisaamo, si aanay u iman dheeli ku imaada dhan ka mid ah isle egtan.

Dadka nolosha heerka ka gaaray inta badan waa kuwo helay sirta isku miisaamida isleegtan nolosha.

W/Q. Maxamed Aadam

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.