Taariikh Nololeedka Atooraha Reer China Ee Hollywood-ka Wacdaraha Ka Dhigay Jet Li

Li Lianjie oo caan ku ah Jet Li waa Super Star caan ka ah daafaha caalamka una dhashay dalka China xirfadiisana tahay atoore, filim qarash gareeye, kaaratee yaqaan iyo  xidig ka tirsan Hollywood-ka shirkada aflaanta ee aduunka ugu caansan.

Jet Li sidoo kale wuxuu heestaa dhalashada dalka Singapore, xidigan marka hore wuxuu ahaan jiray wiil cayaarta feerka gacanta iyo lugta cayaaro.

Weliba dalka China abaal marino kala duwan ayu ku guuleestay cayaarta kaarateega iyo noocyadeeda kala duwan ee darahjada abaal marinta heer qaran uu ku guuleesto.

Jet Li Iyo Bilawgii Noloshiisa Marxaladaha Ay Soo Martay:

Jet Li wuxuu ku dhashay magaalada Beijing ee dalka China 26 April sanadii 1963 haatana waa 53-jir maqaam sare ka gaaray fanka.

Jet Li qoyskiisa wuxuu ka ahaa wiilka ugu yar qoys ka koobaa sedex wiil iyo labo gabdhood, laakiin aabihiis wuxuu geeriyooday Jet Li asigoo labo sano.

Taasina waxay ku sababtay in qoyska Jet Li ay kusoo koraan nolol dhib badan halgeedana wadato sidaa darteed Jet Li cayaarta Kaarateega wuxuu bilaabay asigoo 8-jir ah.

Jet Li xirfadiisa cayaarta gacanta  iyo lugda laga dagalaamo aad ayay u sareesay sidaa darteed macalimiinta Iskuula ayaa ku dhiiri galiyeeen inuu xirfad ka dhigto.

Sida darteed tartamo kala duwan ayuu ka qayb galay asigoo ku guuleestay dhamaan tartamada Iskuulada iyo Gobolada China loo dhigi jiray cayaarta Kaarateega noocyadeeda kala duwan.

Asigoo wiil dhalin yar ah wuxuu Jet Li ku guuleestay 15-biladood oo dahab ah iyo bilad qalin ah weliba wuxuu ka qayb qaadan jiray tartamada dadka waa weyn asigoo aan gaarin da’da 18-sano ee lagu qaangaaro.

Jet Li asigoo dhalin yar waxaa laga hayaa oraah caan ah madaama hada ka hor uu ku guuleestay tartanka heer qaran ee cayaarta Kaarateega China waxaana martida ka mid ahaa madaxweyinihii hore ee dalka Mareekanka Richard Nixon oo Jet Li ku yiri “Ma ii noqoneysaa waardiyaheyga qaaska ah”

Jet Li wuxuu ku jawaabay “Ma doonayo inaan shaqsi difaaco, marka aan weynaado waxaan doonayaa inaan difaaco 1-bilyan ee wadankeyga China ku nool!!”

Jet Li asigoo 19-jir ah ayuu ka fariistay cayaarta Kaarateega noocyadeeda kala duwan weliba asigoo caan ka ah daafaha caalamka iyo gudaha China.

Jet Li Iyo Sidii uu Filim Jilista Dalka China Ku Bilaabay:

Madaama uu xidigan caan ku ahaa cayaarta Kaarateega shirkado badan oo reer China ayaa heshiis la gaareen si uu ugu sameeyo aflaanta lagu soo bandhigo cayaarta Kaarateega noocyadeeda kala duwan.

Sidaa darteed filimkiisii ugu horeeyay ee uu sameeyay wuxuu ahaa Shaolin Temple oo la daawaday sanadii 1982, wuxuuna noqday filimkan mid hirgalay madaama laga sameeyay ilaa sedex qeybood oo caan ah.
Xidigan gudaha dhul weyna China wuxuu ku yeeshay maqaam sare madaama uu sameeyay aflaan badan oo Classic noqdeen waxaana ka mid ah Once Upon A Time in China labadiisa qeybood, Dragon Fight, Fist of Legend, Fong Sai Yuk, Swordsman II, The Bodyguard from Beijing, My Father Is a Hero, Black Mask iyo kuwo kale.

Jet Li Iyo Markii Uu Ku Biiray Hollywood-ka:  Sanadii 1998 Jet Li wuxuu usoo dalacay sameynta filimada Hollywood-ka ah asigoo laadar ka noqday filimkii weynaa Lethal Weapon 4.

Waxay ahayd markii ugu horeesay ee uu Jet Li filim laadar ka noqdo balse kuma qasaarin go’aankiisii madaama uu amaan badan ku helay sidoo kalena filimkan $284M ayuu daafaha caalamka kasoo xareeyay asigoo guul weyn gaaray.

Jet Li dalabaadkiisa filimada Hollywood-ka ah ayaa bateen sidoo kalena wuxuu la yimid filimkiisii wacnaa Romeo Must Die (2000) oo ay la jishay gabadhii heesaaga ahayd Alia.

Sanadii 2001 xidigan wuxuu la yimid filimkii The One ee uu la jilay Jason Statham iyo filimkii Kiss of the Dragon ee uu la sameeyay Bridget Fonda waxayna noqdeen ladaba filim kuwo guuleesteen.

Sanadii 2003 Jet Li wuxuu dib ula midoobay saaxiibkiis qarash gareeye Joel Silver oo u Hollywood-ka kusoo daray waxayna iska shaqeeyeen filimkii wacna Cradle 2 the Grave.

Cradle 2 the Grave wuxuu noqday filim guuleestay madaama lagu qarash gareeyay $25M sidoo kalena uu filimkan soo xareeyay $56M.

Sanadii 2005 Jet Li wuxuu la yimid filimkii dhibka badnaa Unleashed (Danny the Dog) kaasi uu guuleestay balse guul dhex dhexaad ah gaaray madaama uu soo xareeyay $50M waxaana filimkan lagu qarash gareeyay $45M.

Sanadii 2006 Jet Li wuxuu la yimid filimkii Fearless ee shirkadaha dhul weynaha China sameeyeen wuxuuna dib ugu soo bandhigay sameynta ficilada Kaarateega iyo Action-mada kala duwan.

Filimkan ayaa guul wacan gaaray madaama uu daafaha caalamka kasoo xareeyay $68M gaar ahaan Waqooyiga Ameerika ayuu siweyn uga gadmay.

Sidoo kale xidigan sanadii 2007 filimkii Chinese-ka ahaa ayuu sameeyay The Warlords kaasi oo uu abaal marino kala duwan ku qaatay.

Jet Li ayaa Hollywood-ka u laabtay wuxuuna Jason Statham la sameeyay filimka War kaasi oo guul dareestay dhanka Boxoffice-ka madaama uu soo xareeyay $23m laakiin filimkan waxaa caawiyay Video iyo xuquuqadhiisa oo laga helay ilaa $52m taasi oo ka caawisay kooxda iska leh ina lacaghooda dib ugu so laabtaan.

Marka laga reebo filimada Romeo Must Die iyo Hero oo guulo waa weyn dalka Mareekanka ka gaareen aflaanta kale ee Jet Li ee Mareekanka laga daawaday badankoooda guulo dhex dhexaad ah ayay gaareen sida Kiss of the Dragon, The One, Unleashed, Cradle 2 the Grave iyo Fearless.

Li sanadii 2008 wuxuu la shaqeeyay Super Star-ka ay xifaaltami jireen Jackie Chan ayagoo wada sameeyeen filimkii The Forbidden Kingdom.
Filimkan guul weyn ayuu gaaray gudaha China iyo daafaha caalamka madaama uu soo xareeyay $127M waxaana lagu qarash gareeya $54M.

Li wuxuu dhigay wacdaro xoogan madaama uu laadar ka noqday filimka Hollywood-ka ah  The Mummy: Tomb of the Dragon Emperor.

Inaba caadi ma ahan filimkan wuxuu soo xareeyay dhamaan daafahaca caalamka $401M wuxuuna noqday filim caalami ah oo macaash badan laga helay.

Li ayaa nastay sanadii 2009 wuxuuna soo soo laabtay 2010 asigoo wax ka jilay filimka weynaa ee xidigaha fara badan la isugu keenay The Expendables sidoo kalena Jet Li muqaal kooban ayuu ku yeeshay qaybta labaad ee filimkan halka qaybta 3-aad uu ku jiro.

Jet Li Iyo Noloshiisa Gaarka Ah:

Jet Li sanadii 1987 wuxuu guursaday Huang Qiuyan waa gabar ay iskala tirsanana jireen kooxda cayaarta Kaararteega sidoo kalena filimkiisii kowaad wax kala jishay.

Labadan lamaane wiil iyo gabar lagu kala magacaabo Sim iyo Taimi ayay isku dhaleen balse sanadii 1990 ayay kala tageen.

Jet Li markale sanadii 1999 wuxuu guursaday gabadhada filimada wax ka jisho ee lagu magacaabo Nina Li Chi.

Labadaan lamaane ilaa haatan wey isla nool yihiin waxaana u joogaan labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Jane oo dhalatay 2000 iyo Jade oo dhalatay 2003.

Jet Li sanadii 2004 waxaa la sheegay inuu xidigan geeriyooday madaama uu ku sugnaa Maldives xili ay dabeelihii Tsunami halkaas ku dhufteen.

Jet Li iyo qoyskiisa ayaa ka bad baadeen dabeelihii Tsunami inkastoo xidigan dhaawac lugta ah uu soo gaaray.

Sanadii 2013 Jet Li waxaa asiibay xanuun dhanka wadnaha oo aan ahayn mid daran balse garaaca wadnihiisa ayaa sare u kacay, waxaana lagula taliyay inuusan sameynin jimicsi badan ama ficilo halis ah oo dhaqaaqa wadnihiisa sare u qaadi karaan.
Jet Li waa xidig sadaqo badan sidoo kalena u gar gaaro dadka dhibaateen sidoo kalena sanad walbo wuxuu lacago ugu deeqaa Hay’ada Bisha Cas ee dalka China weliba sanadii 2006 wuxuu hey’adan siiyay $62,500.

Kadib markii uu dabeelihii iyo duufaantii Tsunami ka bad baaday Jet Li wuxuu sameeyay urur samafal oo lagu magacaabo The One Foundation taasi oo ka qayb qaadato u gaar gaarida dadka dhibaato kala kulmaan musiibada dabiciiga ah.

W/Q. Kabtan Basso

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.