Posts

Showing posts from 2021

Qisadii Malik Ibn Dinaar

  Qisadii Malik Ibn Dinaar Magaaladu waa Medina, meeshuna waa Masaajidka Nabiga Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato, waa xalaqad diinta lagu barto oo ay fadhiyaan arday aad u fara badani. Ardaydu waxa ay sugayaan sheekhoodii. Sheekhu maanta waa uu soo habsaamay, ardayduna waxa ay ka warwarsan yihiin soo daahida sheekhooda. Waxoogaay markii ay sugayeen ayuu sheekhii yimid isaga oo ay ka muuqato haybadii iyo karaamadii culimada saalixiinta ah lagu yiqiinay. Meeshii loogu talagalay ayuu fadhiisatay, salaan ka dibna wuxuu bilaabay hadalkiisii. Wuxuu yidhi "walaalayaal in badan ayaan masaajidkan idiinku dhigayay qaybaha kala duwan ee culuumta Islaamka. Maantase waxa aan doonayaa in halkii aynu casharka ka qaadan jirnay aan idinla wadaago qayb ka mida nolosha sheekhiinan idin hor fadhiya. Waxaan rajaynayaa in ay cibro idiin noqoto. Noloshaydii hore Waxaan ku noolaan jiray Ciraaq. Ma aanan ahayn qof toosan. Xumaan oo dhan ayaanan faraha kula jiray. Waxaan ahaa nin aan wax naxarii