Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

QAYBTA KOOWAAD: SU’AALO DIINI AH:
(165)

S1: Sheeg Magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Maka mid kastana
       aayadaheedu yihiin 88 aayadood?
J1: Waa Al- Qasas , Saad
S2: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Madiina mid kastana
       aayadaheedu yihiin 78 aayadood?
J2: Waa Al- Xaj , Arraxmaan.
S3: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku billowda mucjiso ka mid ah mucjisooyinka
      nebiga s.c.w?
J3: Waa Al- Israa iyo Al- Qamar.
S4: Sheeg magacyada laba suuradood oo loo yaqaan Azahrawaan?
J4: Waa labada suuradood ee kala ah Al – Baqra iyo Aal Cimraan.
S5: Sheeg magacyada laba suuradood oo lagu sheegay Axkaamta Xajka?
J5: Waa labada suuradood ee kala ah Al- Baqra iyo Al- Xaj.
S6: Sheeg magacyada laba suuradood oo ay ku jiraan laba aayadood oo ay ku idil yihiin
       dhammaan xuruufta luuqadda carabiga?.
J6: Waa labada suuradood oo kala ah Al- Fatxi (aayadda 29aad) iyo Aal- Cimraan
     (aayadda 154aad).
S7: Sheeg magacyada laba suuradood oo aayadahooda koowaad iyo shanaad isku mid
      yihiin?
J7: Waa labada suuradood ee kala ah Al- Baqra iyo Luqmaan.
S8: Sheeg magacyada saddex suuradood oo ku dhammaata sujuudu tilaawa?
J8: Waa Al- Acraaf , Anajmi , Al- Calaq.
S9: Sheeg magacyada saddex suuradood oo magacyadoodu ku xusan yihiin
      Dhammaadka suuradda?.
J9: Waa saddexda suuradood ee kala ah Al- Maacuun , Al- Masad , Annaas.
S10: Sheeg magacyada saddex suuradood oo aan magacyadooda lagu dhex xusin aayadaha suuradda?
J10: Waa Al- Faatixa , Al – Anbiyaa , Al- Ikhlaas.
S11: Sheeg magacyada saddex suuradood oo lagu magacaabay saddex cayayaan?
J11: Waa Al- Naxal , Anamal , Cankabuut
S12: Sheeg Magacyada saddex suuradood oo lagu magacaabay saddex xayawaan?
J12: Waa Al- Baqra , Ancaam , Al- Fiil
S13: Sheeg magacyada saddex Suuradood oo lagu magacaabay waqtiyada salaadda?
J13: Waa Al- Fajri , Al- Duxaa , Al Casri.
S14: Sheeg magacyada saddex suuradood oo lagu sheegay xayawaanka Daanyeerka?
J14: Waa AL- Baqra , Maa’ida , Acraaf.
S15: Sheeg magacyada saddex suuradood oo ka mid ah quraanka kariimka tirada
       aayadahoodu yihiin 30 aayadood?
J15: Waa Al- Sajdah , Al- Mulki , Al- Fajri
S16: Sheeg magacyada afar suuradood oo lagu sheegay xayawaanka Doofaarka?
J16: Waa Al- Baqra , Maa’ida , Ancaam , Al- Naxal.
S17: Sheeg magacyada shan suuradood oo lagu xusay xayawaanka Dameerka?
J17: Waa suuradaha Al- Baqra , Al- Naxal , Luqmaan , Al- Jumca , Al- Mudathir.
S18: Sheeg magacyada afar suuradood oo lagu xusay xayawaanka faraska?
J18: Waa suuradaha kala ah Aal- Cimraan , Al- Anfaal , Al- Naxal , Al- Xashar.
S19: Sheeg magaca suuradda ay ku jirto aayad kulmisay dhammaan axkaamta dhaxalka?
J19: Waa suuradda Annisaa.
S20: Sheeg magacyada toddoba suuradood oo lagu magacaabay magacyada qiyaamaha?
J20: Waa suuradaha Al- waaqica , Al- Xashar , taqaabun , Al-xaaqa , Al- Qaashiya , Azilzila,  Al- qaarica
S21: Sheeg magaca suurad ay aayad kasta oo ka mid uu ku jiro "الله"?
J21: Waa suuradda Al- Mujaadala.
S22: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "ملائكة"?
J22: Waxaa lagu xusay 88 jeer.
S23: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "شياطين"?
J23: Waxaa lagu xusay 88 jeer.
S24: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "مسلمين"?
J24: Waxaa lagu xusay 41 jeer.
S25: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "جهاد"?
J25: Waxaa lagu xusay 41 jeer.
S26: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "زكاة"?
J26: Waxaa lagu xusay 88 jeer.
S27: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "بركة"?
J27: Waxaa lagu xusay 88 jeer.
S28: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "محمد"?
J28: Waxaa lagu xusay 4 jeer.
S29: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay " شريعة" ?
J29: Waxaa lagu xusay 4 jeer.
S30: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الصالحات"?
S30: Waxaa lagu xusay 167 jeer.
S31: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "السيئات"?
J31: Waxaa lagu xusay 167 jeer.
S32: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الهدى"?
J32: Waxaa lagu xusay 79 jeer.
S33: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الرحمة"?
J33: Waxaa lagu xusay 79 jeer.
S34: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "المحبة"?
J34: Waxaa lagu xusay 83 jeer.
S35: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الطاعة"?
J35: Waxaa lagu xusay 83 jeer.
S36: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "السلام"?
J36: Waxaa lagu xusay 50 jeer.
S37: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الطيبات"?
J37: Waxaa lagu xusay 50 jeer.
S38: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "المصيبة"?
J38: Waxaa lagu xusay 75 jeer.
S39: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الشكر"?
J39: Waxaa lgu xusay 75 jeer.
S40: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "معك"?
J40: Waxaa lagu xusay 11 jeer.
S41: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "معي"?
J41: Waxaa lagu xusay 11 jeer.
S42: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الأبرار"?
J42: Waxaa lagu xusay 6 jeer.
S43: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الفجار"?
J43: Waxaa lagu xusay 3 jeer.
S44: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "اليسر"?
J44: Waxaa lagu xusay 36 jeer.
S45: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "العسر"?
J45: Waxaa lagu xusay 12 jeer.
S46: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay  ” الدنيا”?
J46: Waxaa lagu xusay 115 jeer.
S47: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay “الآخرة”?
S47: Waxaa lagu xusay 115 jeer.
S48: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الحياة"?
J48: Waxaa lagu xusay 71 jeer.
S49: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay "الجنة"?
J49: Waxaa lagu xusay 66 jeer.
S50: Immisa jeer ayaa quraanka kariimka lagu xusay nebi Zakariya (C.S)?
J50: Waxaa lagu xusay 7 jeer.
S51: Immisa jeer ayaa quraanka kariimka lagu xusay nebi Saalax (C.S)?
J51: Waxaa lagu xusay 10 jeer.
S52: Immisa jeer ayaa quraanka kariimka lagu xusay nebi Yaxye?
J52: Waxaa algu xusay 5 jeer.
S53: Immisa jeer ayaa quraanka kariimka lagu xusay nebi Yuunis?
J53: Waxaa lagu xusay 5 jeer.
S54: Waa immisa tirada aayadaha suuradaha ku soo degay Magaalada Maka?
J54: Waa 4613 aayadood.
S55: Waa Immisa tirada aayadaha suuradaha ku soo degay Magaalada Madiina?
J55: Waa 1623aayadood.
S56: Sheeg  Suuradda lagu magacaabo Banii Nadiir?
J56: Waa suuradda Al- Xashar.
S57: Sheeg suuradda lagu magacaabo suuradda dagaalka?
J57: Waa suuratu Muxamed.
S58: Sheeg suuradda lagu magacaabo suuradda Malaa’igta?
J58: Waa suuratu Faadhir.
S59: Sheeg suuradda lagu magacaabo suuradda Cadaabta?
J59: Waa suuradda Al- Towba.
S60: Sheeg suuradda lagu magacaabo suuradda Nimcooyinka?
J60: Waa suuradda Al- Naxal.
S61: Sheeg suuradda lagu magacaabo Muuse iyo Fircoon?
J61: Waa suuradda Al- Qasas.
S62: Sheeg  suuradda lagu magacaabo caruuska quraanka?
J62: Waa suuradda Arraxmaan.
S63: Sheeg  suuradda lagu magacaabo Al- Kaashifa?
J63: Waa suuradda Al- Towba.
S64: Sheeg  suuradda lagu magacaabo Banii Israa’iil?
J64: Waa suuradda Israa.
S65: Sheeg suuradda lagu magacaabo Kuruska quraanka?
J65: Waa suuradda Al- Baqra.
S66: Sheeg suuradda lagu magacaabo Annisada yar?
J66: Waa suuradda Al- Dhalaaq.
S67: Sheeg suuradda lagu naanayso Al- Jaamica?
J67: Waa suuradda Al- Shucaraa.
S68: Sheeg suuradda lagu magacaabo qalbiga quraanka?
J68: Waa suuradda Yaasiin.
S69: Sheeg suuradda lagu magacaabo suuradda sagootinta?
J69: Waa suuradda Al- Nasri.
S70: Sheeg suuradda u dhiganta 1/3 (Saddex meelood meel) quraanka kariimka?
J70: Waa suuradda Al- Ikhlaas.
S71: Sheeg suuradda u dhiganta ¼ (Afar meelood meel) quraanka kariimka?
J71: Waa suuradda Al- Kaafiruun.
S72: Sheeg  suuradda lagu xusay aayadda ugu cabsida badan quraanka kariimka?
J72: Waa suuradda Al- Nisaa.
S73: Sheeg suuradda lagu xusay aayadda ugu rajada badan quraanka kariimka?
J73: Waa suuradda Al- Zumar.
S74: Sheeg suuradda lagu xusay aayadda ugu xukunka badan?
J74: Waa suuradda Al- Naxal.
S75: Sheeg  suuradda lagu xusay tirada ugu badan ee nebiyada? Immisa nebi
        ayaana lagu xusay?
J75: Waa Suuradda Ancaam, waxaana lagu xusay 18 nebi.
S76: Sheeg magaca suuradda labaad ee lagu xusay tirada ugu badan ee nebiyada?
         Immisa nebi ayaana lagu xusay?
J76: Waa suuradda Al- Anbiyaa waxaana lagu xusay 16 nebi.
S77: Immisa jeer ayaa quraanka kariimka lagu xusay erayga “Zanjabiil?
J77: Waxaa lagu xusay hal mar oo keliya.
S78: Immisa jeer ayaa quraanka kariimka lagu xusay cayayaanka Duqsiga?
J78: Waxaa lagu xusay laba jeer.
S79: Sheeg tirada ugu weyn ee lagu xusay quraanka kariimka?
J79: Waa 100,000 (Boqol Kun)
S80: Sheeg aayadda ugu soo noqnoqashada badan quraanka kariimka iyo inta jeer ee ay
       soo noqnoqatay?
J80: Waa aayadda فبأي آلاء ربكما تكذبان" " waxa ay soo noqnoqatay 31 jeer.
S81: Sheeg aayadda labaad ee ugu soo noqnoqashada badan quraanka kariimka iyo inta
         jeer ee ay soo noqnoqatay?
J81: Waa aayadda "ويل يومئذ للمكذبين" waxa ayna soo noqnoqtay 11 mar.
S82: Sheeg magacyada laba maalmood oo lagu xusay quraanka kariimka?
J82: Waa Sabti iyo Jimco.
S83: Sheeg magacyada afar macdan oo lagu xusay quraanka kariimka?
J83: Waa Dahab , Qalin , Maar , Bir
S84: Sheeg laba nooc oo lacag ah oo lagu xusay quraanka kariimka?
J84: Waa Dirham iyo Diinaar.
S85: Sheeg magacyada saddex Masaajid oo lagu xusay quraanka kariimka?
J85: Waa Masjidul Xaraam , Masjidul Aqsaa iyo Masjidu Diraar.
S86: Sheeg magaca suuradda ay ku jirto aayad kulmisay midabbada Cad , Guduud iyo
         Madow?
J86: Waa suuratu Faadir.
S87: Sheeg magaca suuraddii ugu horreysay ee soo degta kana billaabata “حــم”
J87: Waa suuradda Qaafir.
S88: Sheeg magacyada lix suuradood oo lagu magacaabay lix nebi?
J88: Waa suuradaha Yuunis , Huud , Yuusuf , Ibraahim ,  Mux’ed , Nuux (C.S).
S89: Sheeg magacyada shan malag oo lagu xusay quraanka kariimka?
J89: Waa Jibriil , Miikaa’iil , Haaruut , Maaruut , Maalik.
S90: Sheeg tirada aayadaha nuska koowaad ee quraanka kariimka?
J90: Waa 2214 aayadood.
S91: Sheeg juska ugu aayadaha badan quraanka kariimka iyo tirada aayadihiisa?
J91: Waa juska 30aad (Juz Camma), tirada aayadahiisuna waa 564 aayadood.
S92: Sheeg magacyada shanta suuradood ee ugu soo hor degtay quraanka kariimka?
J92: Waa suuradaha Al- Calaq , Al- Qalam , Al- Muzamil , Al- Mudathir , Al- Faatixa.
S93: Sheeg magaca nebiga labaad ee ugu badan oo lagu xusay quraanka kariimka iyo
         inta jeer ee lagu xusay?
J93: waa Nebi Ibraahim (C.S) , waxaana lagu xusay 69 jeer.
S94: Sheeg suuradda ay ku jirto ducada la aqristo marka gaadiidka la raacayo?
J94: Waxa ay ku jirtaa suuradda Al- Zukhruf.
S95: Sheeg magaca nebiga saddexaad ee ugu badan ee  quraanka lagu xusay iyo inta jeer
         ee lagu xusay?
J95: Waa nebi Nuux (C.S) , waxaana lagu xusay 43 jeer.
S96: Sheeg inta jeer ee quraanka kariimka lagu xusay nebi Ciise (C.S) , iyo suuradda
         ugu badan ee lagu xusay?
J96: Waxaa lagu xusay 25 jeer , suuradda ugu badan ee lagu xusayna waa  Aal –Cimraan.
S97: Sheeg afar suuradood  oo lagu xusay labada nebi ee kala ah Zakariya iyo Yaxye (c.s)
J97: Waxaa lagu xusay afarta suuradood ee kala ah: Aal- Cimraan , Ancaam , Maryama , Al- Anbiyaa.
S98: Labada nebi ee kala ah Isxaaq iyo Yacquub (C.S) waxaa mar kasta quraanka kariimka
       Lagu xusay iyaga oo wada jira marka laga reebo laba suuradood. Sheeg magacyada
      labadaas suuradood?.
J98: Waa labada suuradood ee kala ah Ibraahiim iyo Wasaafaat.
S99: Sheeg magaca nebiga ugu badan ee lagu xusay hal suurad iyo inta jeer ee lagu xusay
J99: Waa Nebi Yuusuf (C.S) , waxaana lagu xusay 25 jeer.
S100: Sheeg magaca suuradda ugu badan ee lagu xusay nebi Muuse (C.S) iyo inta jeer ee
        lagu xusay?
J100: Waa suuradda Al- Acraaf, waxaana lagu xusay 21 jeer.
S101: Sheeg magacyada saddexda nebi ee ugu sheegista yar quraanka kariimka iyo inta
        jeer ee mid kastaba lagu sheegay?
J101: Waa Nebiyada Idiris , Dal Kifli ,  Yasca. Waxaa mid kasta lagu sheegay 2 mar.
 S102: Sheeg magaca nebigii ugu horreeyey ee qisadiisa lagu xusay quraanka kariimka?
J102: Waa Nebi Aadam (C.S)
S103: Sheeg magaca haweenaydii ugu dambaysay ee uu guursaday Rasuulkeenna (C.S)?
J103: Waa Maymuuna Bint Al- Xaarith.
S104: Sheeg magaca haweenaydii sheegatay nebinnimada xilligii Khaliifkii Abuubakar (A.R).
J104: Waa Sajaax Bint Al- Xaarith.
S105: Sheeg magaca saxaabigii uu Abuubakar (A.R) u xilsaaray inuu ururiyo quraanka
        kariimka?
J105: Waa saxaabigii Zeyd bin Thaabit (A.R).
S106: Sheeg magaca dhabta ah ee saxaabigii lagu naanaysi jiray “Shahiidkii noolaa”?
J106: Waa Dhalxa Bin Cubeydillaah (A.R)
S107: Sheeg magaca dhabta ah ee saxaabigii lagu naanaysi jiray “Saaxibu shaadatayn”?
J107: Waa Khuzeyma Bin Thaabit (A.R).
S108: Sheeg magaca dhabta ah ee saxaabigii Abii Ayuub Al- Ansaari (A.R)?.
J108:  Waa Khaalid Bin Zeyd (A.R).
S109: Sheeg magacyada afar saxaabi oo Rasuulku (S.C.W) tilmaamay in quraanka laga
        qaato?
J109: Afarta saxaabi (A.R) waxa ay kala yihiin Ubay Ibnu Kacab , Mucaad Bin Jabal , Saalim  Mowlaa Abii Xudeyfa , C/llaahi Bin Mascuud.
S110: Sheeg magaca dhabta ah ee saxaabigii Abii Muusaa Al- Ashcari (A.R)?
J110:  Waa C/llaahi Bin Qays (A.R).
S111: Sheeg magaca saxaabigii uu carshigu la gilgishay geeridiisa darteed?
J111: Waa Saxaabigii Sacad Bin Mucaad (A.R)
S112: Sheeg tirada haweenkii saxaabiyaatka ahaa ee ka qayb qaatay furashadii Khaybar?
J112: Tiradoodu waxa ay ahayd labaatan.
S113: Sheeg magaca haweenaydii dhashay Saxaabigii Mucaawiye Bin Abii Sufyaan (A.R)?
J113: Waxaa la oran jiray Hinda Bin Cutba
S114: Sheeg magaca haweenaydii lagu naanaysi jiray Ummul Masaakiin?
J114: waxaa la oran jiray Zeynab Binti Jaxshi.
S115: Sheeg magaca Muxadiska Abii Daa’uud iyo sanadkii uu dhashay? Ku sheeg jawaabta
         taariikhda hijriga.
J115: Magaca Muxadisku waa Sulaymaan Bin Al Ashcath, wuxuuna dhashay 202 hijriya.
S116: Sheeg sanadkii qiblada laga soo wareejiyey Beyt Al- Maqdas loona soo wareejiyey
        Kacbada? Ku sheeg jawaabta taariikhda hijriga.
J116: Sanadkii 2aad ee hijriga.
S117: Sheeg Magacii loo yaqaanay Ummul Mu’miniin Khadiija (A.R) waqtigii jaahiliga?
J117: Waxaa loo yaqaanay Dhaahira.
S118: Sheeg magaca saxaabigii hoggaaminayey dagaalkii Al- Qaadisiya?
J118: Waxa uu ahaa Saxaabigii Sacad Bin Abii Waqaas (A.R).
S119: Sheeg magaca saxaabigii malaa’igtu isu soo ekaysiisay?
J119: Waxa uu ahaa Saxaabigii Daxiya Al- Kalbi (A.R).
S120: Sheeg magaca saxaabigii ugu horreeyey ee Islaama Ansaartii Nebiga (S.C.W)?
J120: Waxa uu ahaa Jaabir Bin C/llaahi (A.R)
S121: Sheeg magaca saxaabigii ugu horreeyey ee  Muhaajiriinta oo lagu aasay qabuuraha Baqiic?
J121: Waxa uu ahaa Cismaan Bin Madcuun (A.R)
S122: Sheeg magaca saxaabigii ugu horreeyey ee Ansaarta oo lagu aasay qabuuraha Baqiic?
J122: Waxa uu ahaa Ascad Bin Zuraara (A.R).
S123: Sheeg magacyada saddexdii saxaabi ee ka hartay dagaalkii Tabuuk ee quraanka lagu
         beri yeelay?
J123: Waxa ay kala ahaayeen Kacab Bin Maalik , Hilaal Bin Umayah , Miraar Bin Rabiic (A.R)
124: Sheeg dadka dhaxalka ku qaata saammiga ½ (Nus)?
J124: waxa ay kala yihiin Ninka , Gabadha , Wiilka , Walaasha dhinaca hooyada iyo aabbaha , walaasha dhinaca aabbaha.
S125: Sheeg magaca caalimkii lagu magacaabi jiray Xujatul Islaam?
J125: Waa Abuu Xaamid Al- Qazaali.
S126: Sheeg magaca saxaabigii furtay magaalada Ximis?
J126: Waxaa uu ahaa Saxaabigii Abii Cubeyda Caamir Bin jarraax (A.R)
S127: Sheeg magaca dagaalkii ay muslimiintu uga guuleysteen Ruum xilligii
         Abuubakar (A.R)?
J127: Waxaa lagu magacaabaa Ajnaadeyn.
S128: Sheeg magaca saxaabigii ugu horreeyey ee Nebiga (S.C.W) ku salaamay salaanta
      Islaamka?
J128: Waxaa uu ahaa Saxaabigii Abii Darri Al- Qafaari (A.R).
S129: Sheeg saddex nooc oo sharcigu reebay in la isku dhaxlo?
J129: Waxa ay kala yihiin Addoonnimo , Dil , Diin kala duwan.
S130: Immisa sano ayey jirtay Khilaafadii Abuubakar Al- Sadiiq (A.R)?
J130: Waxa ay jirtay labo sano iyo saddex bilood.
S131: Immisa sano ayey jirtay dawladdii Cabaasiyiinta?
J131: Waxa ay jirtay 400 oo sano.
S132: Sheeg tirada khaliifyadii dawladdii Umawiyiinta?
J132: Waxa ay ahaayeen 14 Khaliif.
S133: Sheeg sanadkii ay billabatay Khilaafadii Islaamka ee Cismaaniyiinta iyo sanadkii ay dhammaatay? Ku sheeg jawaabta taariikhda miilaadiga.
J133: Waxa ay billaabatay sanadkii 1517kii waxa ayna dhammaatay sanadkii 1924kii.
S134: Sheeg magacyada labadii qof ee ugu horreysay ee Towxiidka Kacbada ka muujiya Islaamka ka hor?
J134: Waxa ay kala ahaayeen Qis Bin Saacida iyo Waraqa Binu Nowfal.
S135: Sheeg magaca qofkii ugu horreeyey ee dhasha saxaabadii hijrootay?
J135: Waxa uu ahaa C/llaahi Bin Zubeyr (A.R).
S136: Sheeg magca gabadhii saxaabiyadda ahayd ee ugu horreysay ee hijrootay?
J136: Waxay ahayd Ummu Kaltuum Binti Cuqba
S137: Sheeg magaca qofkii ugu horreeyey ee lagu dilay dagaalkii Beder kana tirsanaa safka gaalada?
J137: Waxa uu ahaa Al- Aswad Bin Cabdul Asad Al- Makhzuumi.
S138: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee sooma?
J138: Waxa uu ahaa nebi Aadam (C.S)
S139: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee ku lebbista Surwaal?
J139: Waxa uu ahaa nebi Ibraahin (C.S).
S140: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee gabya?
J140: Waxa uu ahaa nebi Aadam (C.S).
S141: Sheeg magaca qofkii ugu horreeyey ee gacanta geliya nebiga (C.S.W) habeenkii beycadii caqaba ee labaad?
J141: Waxa uu ahaa Saxaabigii Al- Barraa Bin Macruur (A.R).
S142: Sheeg magaca qofkii ugu horreeyey ee beycada la galay nebiga (C.S.W)  heshiiskii Xudeybiya?
J142: Waxa uu ahaa Abuu Sufyaan Al- Asadi
S143: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee fallaar u tuura alle dartii?
J143: Waxa uu ahaa Saxaabigii Sacad Bin Abii Waqaas (A.R)
S144: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee qora بسم الله الرحمن الرحيم ?
J144: Waxa uu ahaa nebi Suleymaan (C.S)
S145: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee is guda?
J145: Waxa uu ahaa nebi Ibraahim (C.S)
S146: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee quraanka kor ka xifdiya nebiga ka dib?
J146: Waxa uu ahaa Saxaabigii Cali Bin Abii Dhaalib (A.R).
S147: Sheeg qofka ugu horreeya ee la marashaynayo (dhar loo xirayo) maalinta qiyaamaha?
J147: Waa nebi Ibraahim (C.S)
S148: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee dhaha "اما بعد" ?
J148: Waxa uu ahaa nebi Da’uud (C.S).
S149: Immisa salaadood ayey u dhigantaa salaadda lagu tukado Masjidka Xaramka ee Maka?
J149: Waxa ay u dhigantaa 100,000 (Boqol Kun) oo salaadood.
S150: Immisa salaadood ayey u dhigantaa salaadda lagu tukado Masjidka nebiga(C.S.W)?
J150: Waxa ay u dhigantaa 1000 (Kun) salaadood.
S151: Immisa salaadood ayey u dhigantaa salaadda lagu tukado Masjidka Al- Aqsa?
J151: Waxa ay u dhigantaa 500 (Shan Boqol) oo salaadood.
S152: Immisa jeer ayuu cimraysatay nebigu (C.S.W)?
J152: Waxa uu cimraystay afar jeer.
S153: Waa Immisa dhererka Kacbada?
J153: Waa 15mitir.
S154: Sheeg magaca saxaabigii ay malaa’igtu dhaqday?
J154: Waxa uu ahaa Saxaabigii Xandala Bin Abii Caamir (A.R).
S155: Sheeg haweenaydii ugu dambaysay ee geeriyoota haweenkii nebiga (C.S.W)?
J155: Waxa ay ahayd Ummu Salama (A.R).
S156: Sheeg magaca saxaabigii lagu dhalay kacbada dhexdeeda?
J156: Waxa uu ahaa Xakiim Bin Xizaam (A.R).
S157: Sheeg magaca qofkii waddada tusayey nebiga iyo Abuubakar markii ay hijroonayeen?
J157: Waxa uu ahaa C/llaahi Bin Urayqad.
S158: Sheeg magaca saxaabigii lagu magacaabi jiray Shahiidkii jiiska ahaa?
J158: Waxa uu ahaa saxaabigii Camar Bin Jamuux (A.R).
S159: Sheeg magaca saxaabigii nebiga (C.S.W) kula ballamay inuusan qof wax weydiisan?
J159: Waxa uu ahaa saxaabigii Thowbaan Mowlaa Rasuulullaah.
S160: Sheeg qofkii salaadda tujiyey markii Cumar Bin Khidaab waranka lagu muday?
J160: Waxa tujiyey saxaabigii Suhayb Al- Ruumi (A.R).
S161: Sheeg magaca saxaabigii uu nebigu ku naanaysi jiray Abuu Turaab?
J161: Waxa uu ahaa saxaabigii Cali Bin Abii Dhaalib (A.R).
S162: Sheeg magaca saxaabigii ugu horreeyey ee gala Kacbada isaga oo leh "لبيك اللهم لبيك"?
J162: Waxa uu ahaa saxaabigii Thamaama Bin Aathaal (A.R).
S163: Sheeg magaca saxaabiga jannada gelaya xisaab la’aan?
J163: Waa saxaabigii Cukaasha Bin Mixsin (A.R).
S164: Waa kumma qofka ugu nasiibka daran dadkii hore?
J164: Waa boqna gooyihii hashii nebi Saalax (C.S).
S165: Waa kumma qofka ugu nasiibka daran dadka dambe?
J165: Waa C/raxmaan Bin Muljam (ninkii dilay Amiirkii Mu’miniinta Cali Bin Abii Dhaalib)


Comments

animalsbirds said…
This comment has been removed by a blog administrator.
Wax badan baan ka faaiday mahadsanid
Thanks in bdan wll
Rabbi hakaa ajarsiiyo
Unknown said…
Wax badan baan ka faaiday run ahantii mahadsind
Unknown said…
جزاك الله عني خيرا
Unknown said…
Waxan rabay aqoonta waxbarshada sida chemirty phisics


Unknown said…
Aad iyo ad bad umahadsanthy wlly

Popular posts from this blog

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.