Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.

QAYBTA SHANAAD: SU’AALO KU SAABSAN SAYNISKA IYO XISAABAADKA.
(40)
S471: Sheeg nooca dhiiga AB nooca kale ee dhiig ee uu qaadan karo?.
J471: Waxa uu qaadan karaa dhammaan noocyada kale ee dhiigga.
S472: Sheeg magaca qanjirka ugu weyn jirka bini’aadamka?
J472: Waa beerka.
S473: Sheeg magaca caalimkii ugu horreeyey dawladaha islaamka ee ku guuleystay abaalmarinta Nopel Prize ee cilmiga fiisigiska iyo dalka uu u dhashay?
J473: Waa Prof: Max’ed C/salaam waxa uu u dhashay dalka Pakistan.
S474: Sheeg xubinta jirka bini’aadamka ee adeegsata 40% Oksijiinta dhiigga?
J474: Waa Maskaxda.
S475: Sheeg magaca xayawaanka keliya ee u seexda dhabarka?
J475: Waa bini’aadamka.
S476: Sheeg waxa sababa bidaarta?
J476: Waxaa sababa marka qofku ku yaraado hormoonka Androjiin.
S477: Sheeg nooca cunto ee aan isbeddelayn muddo dheer?
J477: Waa malabka.
S478: Sheeg xayaanka aan awoodin inuu soo bixiyo carrabkiisa?
J478: Waa Yaxaaska.
S479: Sheeg xayawaanka aan awoodin inuu samada eego?
J479: Waa Doofaarka?
S480: Immisa sano ayuu noolaan karaa xayawaanka geela?
J480: Waxa uu noolaan karaa 25 sano.
S481: Immisa sano ayuu noolaan karaa xayawaanka Faraska?
J481: Waxa uu noolaan karaa 35 sano.
S482: Immisa sano ayuu noolaan karaa xayawaanka Maroodigu?
J482: Waxa uu noolaan karaa 70 sano.
S483: Wadarta shan tiro oo kisi ah oo isku xiga ayaa ah 125. Sheeg shantaas tiro?
J483: Waa 21, 23, 25, 27, 29.
S484: Wadarta afar tiro oo dhaban ah ayaa ah 100. Sheeg afartaas tiro?
J484: Waa 22,24,26,28
S485: Waa immisa garaaca wadnaha qofka caadiga ah ee qaagaarka ah daqiiqaddiiba?
J485: Waa 70
S486: Sheeg xubinta ka midka ah jirka bini’aadamka ee gaarsiisa Fitimiinaadka qaybaha
           Kale ee jirka ama kaydisa fitimiinka ilaa jirku uga baahdo?.
J486: Waa beerka.
S487: Sheeg sanadkii ugu horreeyey ee la sameeyo beeridda wadnaha?
J487: Waxa uu ahaa sanadkii 1976kii.
S488: Waa immisa tirada lafaha ee ku jira jirka bini’aadamka?
J488: Waa 206 lafood.
S489: Waqti intee la ‘eg ayey maskaxda bini’aadamku noolaan kartaa marka qofka
          wadnuhu istaago?
J489: Waxa uu noolaan karaa 10 daqiiqo.
S490: Waqti intee la eg ayey noolaan kartaa dhegta bini’aadamku ka dib marka qofka
           wadnuhu istaago?.
J490: Waxa uu noolaan karaa 1 (hal) saac.
S491: Sheeg magaca maaddada dhiigga u yeesho midabka casaanka?
J491: Waa maaddada Ogsijiinta.
S492: Immisa jeer ayuu neefsadaa qofka bini’aadamka maalintii?
J492: 23,000 mar.
S493: Waa immisa boqolkiiba Oksijiinta ku jirta biyaha?
J493: Waa 80%.
S494: Waa immisa Kiilo miisaanka ilmaha caadiga ee dhasha?
J494: Waa 3 Kiilo.
S495: Nin ayaa da’diisu tahay 71 jir, da’da wiilkiisuna tahay 35 jir. Goorma ayey ahayd
           da’da aabbuhu saddex laabka da’da wiilkiisa?
J495: Waxay ahayd marka aabbuhu jiray 54 sano, da’da wiilkuna ahayd 18 sano.
S496: Boqolkiiba immisa ayaa biyo ah qaybta balaasmaha ee dhiigga bini’aadamka?
J496: Waa 92%.
S497: Waa immisa tirada lafaha feeraha bini’aadamka?
J497: Waa 24 lafood.
S498: Waa Immisa boqolkiiba biyaha ku jira Khudaarta?
J498: Waa 70%.
S499: Waa immisa tirada murqaha bini’aadamku u adeegsado marka uu hadlayo?
J499: Waa 44 muruq.
S500: Wiil ayaa aabbihiis ku yiri: da’daada maanta waa saddex laabka da’dayda, laakiin
           laba iyo toban sano ka dib da’daadu waxay noqon doontaa laba laabka da’dayda.
          Sheeg da’da wiilka iyo da’da aabbaha?
J500: Da’da wiilku waa 12 sano, da’da aabbuhuna waa 36 sano.
S501: Sheeg magaca halbeegga lagu cabbiro xoogga korontada?
J501: Waa Ambeer.
S502: Sheeg magacyada shanta curiye ee samaysa borotiinka?
J502: Waxa ay kala yihiin Kaarboon, Hayraojiin, Oksijiin, Naytarojiin, Kibriit.
S503: Immisa garaam oo borotiin ah ayuu u baahan yahay qofka qaangaarka ah
           maalintii?
J503: Waxa uu u baahan yahay 100 garaam.
S504: Immisa lafood ayuu ka kooban yahay wejiga bini’aadamku?
J504: Waxa uu ka kooban yahay 14 lafood.
J505: Waa immisa kiilo garaam qiyaas ahaan miisaanka beerka qofka caadiga ah?
J505: Waa 1.5 kg (hal iyo bar kilo garaam).
S506:  Sheeg waxa ku dhacaya qofka haddii ay ay ku yaraadaan kaalsiyamka iyo
             foosfoorka?
J506: Waxaa ku dhacaya in ay lafuhu jilcaan ama tabar beelaan.
S507: Waa immisa fogaanta qorraxdu u jirto cirka
J507: Waa 149,000,000 km. (Boqol afartan iyo Sagaal Malyan km)
S508: Sheeg magaca caalimkii lagu naanaysi jiray aabbihii cilmiga Kimistariga?
J508: Waa Jaabir Bin Xayaan.
S509: Sheeg magaca qofkii hindisay cod baahiyaha (Makarafoonka)? , dalka uu u dhashay iyo sanadkii uu hindisay?
J509: Waxaa hindisay Ernst Werner  von Siemens oo u dhashay dalka jarmalka sanadkii 1877kii.
S510: Sheeg magaca qofkii hindisay Raadaarka? dalka uu u dhashay iyo sandkii uu hindisay?
J510: Waxaa hindisay Watson Wat oo u dhashay dalka Ingiriiska sanadkii 1935kii.
QAYBTA LIXAAD: SU’AALO ISBOORTIS AH:
(50)
S511: Sheeg magaca dalkii ugu horreeyey ee ku guuleystay koobka qaaradda Afrika?
J511: Waxa uu ahaa dalka Masar.
S512: Sheeg dalka uu u dhashay ninkii lahaa aragtida qabashada koobka adduunka?
J512: Waxa uu u dhashay dalka Faransiiska.
S513: Sheeg magaca ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya koobka adduunka
           iyo da’diisu intay ahayd?
J513: Waxa uu ahaa Belle waxa ayna da’diisu ahayd 17 sano jir.
S514: Sheeg sanadkii la aasaasay xiriirka Kubbadda Cagta ee Qaaradda Afrika?
J514: Waxaa la aasaasay sanadkii 1956kii.
S515: Sheeg magaca ciyaaryahankii ku guuleystay gool dhalinta ciyaarihii koobka adduunka sanadkii 1998kii iyo dalka uu dhashay?
J515: Waxa uu ahaa Soccer oo u dhashay dalka Korowaatiya.
S516: Sheeg dalka uu ku yaal garoonka kubbadeed ee ugu weyn caalamka iyo magaciisa?
J516: Waxa uu ku yaal dalka Prazil, waxaana lagu magacaabaa Maracana.
S517: Sheeg magaca magaalada ay ku taal xarunta Xiriirka Kubbadda Cagta ee Afrika?
J517: Waxa ay ku taal magaalada Qaahira.
S518: Sheeg sanadkii uu dalka Kuweyt u soo baxay Koobka Adduunka?
J518: Waxa uu u soo baxay sanadkii 1982kii.
S519: Sheeg dalka uu u dhashay ninkii billaabay Kubbadda Gacanta?
J519: Waxa uu u dhashay dalka Jarmalka.
S520: Sheeg magaca Naadiga Kubbadda Cagta ee ugu faca weyn adduunka iyo dalka uu
           ka dhisan yahay?
J520: Waa Naadiga Sheffield (Shifil) waxa uuna ka dhisan yahay dalka Ingiriiska.
S521: Sheeg sanadkii ugu horreeyey ee la qabtay Koobka Kubbadda Cagta ee qaaradda
           Afrika iyo dalkii lagu qabtay?
J521: Waxaa la qabtay sanadkii 1957kii, waxaana lagu qabtay dalka Suudaan.
S522: Sheeg magaca dawladda carbeed ee ugu horreysay oo u soo gudubtay
Warreega labaad ee Koobka Adduunka?
J522: Waa dalka Morooko.
S523: Sheeg dalka ay ka soo jeeddo ciyaarta Bilyaardiga?
J523: Waxa ay ka soo jeeddaa dalka Shiinaha.
S524: Sheeg sanadkii ciyaaraha Olombikada Adduunka lagu qabtay dalka Jarmalka
           Galbeed?
J524: Waxaa lagu qabtay sanadkii 1972kii.
S525: Sheeg sanadihii uu hakaday Koobka Kubbadda Cagta Adduunka iyo sababtii loo
            hakiyey?
J525: Waxaa la hakiyey intii u dhaxaysay 1938kii – 1950kii dagaalkii labaad ee adduunka
           awgiis.
S526: Sheeg magaca Naadiga loo yaqaan Naadigii qarniga 20aad ee qaaradda Yurub?
J526: Waa Naadiga Real Madrid.
S527: Sheeg dalka uu u dhashay Guddoomiyihii ugu horreeyey ee FIFA?
J527: Waxa uu u dhashay dalka Faransiiska.
S528: Sheeg magaca qof ku guuleystay Koobka adduunka isagoo ciyaartoy ah iyo isagoo
            tababare ahba iyo dalka uu ka soo jeedo?
S528: Waa Bakin Baawar oo u dhashay dalka Jarmalka.
S529: Sheeg dalka uu ka dhisan yahay xiriirka kubbadeed ee ugu faca weyn adduunka?
J529: Waxa uu ka dhisan yahay dalka Ingiriiska.
S530: Sheeg dalka ku guuleystay Koobka kubbadda cagta ee qaaradda Yurub sanadkii 1996kii?
J530: Waxaa ku guuleystay dalka Jarmalka.
S531: Sheeg dalka ku guuleystay koobka kubbadda cagta ee qaaradda Yurub sanadkii 2000?
J531: Waxaa ku guuleystay dalka Faransiiska.
S532: Sheeg dalka lagu qabtay Koobkii adduunka ee Kubbadda Cagta sanadkii 1974kii?
J532:Waxaa lagu qabtay dalkii Jarmalka Galbeed.
S533: Sheeg dalkii lagu qabtay Koobkii Adduunka ee Kubbadda Cagta sanadkii 1970kii?
J533: Waxaa lagu qabtay dalka Mexico.
S534: Sheeg magaalada lagu qabtay Ciyaarihii Olombikada adduunka sanadkii 1980kii?
J534: Waxaa lagu qabtay magaalada Mosko.
S535: Sheeg magaalada lagu qabtay ciyaarihii Olombikada adduunka sanadkii 1984kii?
J535: Waxaa lagu qabtay magaalada Los Angles.
S536: Sheeg sanadkii ugu horreeyey ee la qabtay koobka adduunka ee Kubbadda Cagta iyo dalkii lagu qabtay?
J536: Waxaa la qabtay sanadkii 1930kii, waxaana lagu qabtay dalka Urgway.
S537:Sheeg sanadkii la go’aamiyey in dalka haysta Koobka Adduunka uu is reeb reeb la’aan u soo gudbo tartanka xiga?
J537: Waxaa la go’aamiyey sanadkii 1938kii.
S538: Sheeg dalkii ku guuleystay kaalinta 3aad koobka adduunka ee Kubbadda Cagta sanadkii 1994kii?
J538: Waxaa ku guuleystay dalka Sweden.
S539: Sheeg dalkii ku guuleystay kaalinta 3aad koobka adduunka ee Kubbadda Cagta sanadkii 1998?
J539: Waxaa ku guuleystay dalka Holland.
S540: Sheeg dalka ku guuleystay Koobka Kubbadda Cagta ee qaramada Afrika sanadkii 1998?
J540: Waxaa ku guuleystay dalka Masar.
S541: Sheeg dalka ku guuleystay koobka Kubbadda Cagta ee qaramada Afrika sanadkii 2000?
J541: Waxaa ku guuleystay dalka Kamaruun.
S542: Sheeg dalka carbeed ee ka qayb galay koobka Kubbadda Cagta ee adduunka sanadkii 1978kii?
J542: Waa dalka Tuuniisiya.
S543: Sheeg sanadkii uu Max’ed Cali Kalaay noqday horyaalka feerka adduunka?
J543: Wuxuu noqday sanadkii 1964kii.
S544: Sheeg magaca ciyaartoy caalami ahaa oo dalkiisa ka noqday Wasiirka Isboortiga?
J544: Waxa uu ahaa Belle
S545: Sheeg sanadkii la xaday koobkii loogu tala galay ciyaaraha adduunka?
J545: Waxaa la xaday sanadkii 1966kii.
S546: Sheeg dalkii ugu horreeyey oo Afrikaanka aan carabta ahayn oo ka qayb gala koobka Kubbadda Cagta ee adduunka?
J546: Waxa uu ahaa dalka Kamaruun.
S547: Sheeg dalka uu u dhashay ciyaaryahankii ugu horreeyey ee gool ka dhaliya koobka adduunka?
J547: Waxa uu u dhashay dalka Faransiiska.
S548: Waa immisa dhererka garoonka lagu ciyaaro Teniska?
J548: Waa 23.77mitir.
S549: Sheeg dawladdii carbeed ee ugu horreysay oo ku biirtay FIFA?
J549: Waa dalka Masar.
S550: Sheeg magaca ciyaartoygii dhaliyey 1000 gool muddo toban sano ah?
J550: Waxa uu ahaa Belle


Comments

SHAQAYSO WALAAL said…
Waa su'aalo iyo jawaabo aad looga faa'idayo runtiii waxyaabo badan oonan ogayn baan ka fa'idaystay
Waad mahadsantihiin qofkastoo maskaxdiisa cilmiga ku jira dadka lasoo wadaagay wakhtigiisa. ,,, muriqiisa iyo man kiisaba u huray aqoon korodhaiga dadka
Unknown said…
Mshllh aad baa u mhdsnthy guul wacan insha Allah
Unknown said…
Bili adamku xayawaan miyaa
Unknown said…
Binu aadamku waa xayawaan uu illeh karaameeyay
Sakaria said…
Aad ayaa u Mahadsantahay sxb. Saacado Bdn ayaan Internet ka ka Raadinaaye suaalo iyo jawaabo nidaamsan. Anigoo ka quustay ayaan arkay bartaadaan. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).