Posts

Showing posts from January, 2018

Ubixii Rajada

Inkasta oo ay noloshu adkayd, habaryartayna aanay aad ii jeclayn, waxaan u muuqday qof nolosha wax uga soo bilaabmayaan. Wax baan malayn jiray, wax baan sababayn jiray, wax baan aamini jiray, waxna waan ka wada baran jiray. Habaryartay ayaan la ducaysan jiray. Ilaahay ayaan la baryi jiray. Waxay ii sheegtay in Ilaahay samada joogo, kolkaasaan kor eegi jiray. Waxaan weydiiyay inuu Ilaahay i jecel yahay. Waxay ii sheegtay inuu Ilaahay qof walba jecel yahay, xataa kuwa neceb ee dembi-falayaasha ah, weli wuu sii jecel yahay, uu quudiyo, uu ruuxiyaa, uu neefsiiyo oo uu weliba haddii uu doono jannada geliyo. Waxaan kor u fiiriyay markii ugu horreysay Ilaahay si addoonnimo ah. Inkasta oo aanan arki karayn haddana waan rumeystay, waxaanan ka rejeeyay inuu daymo naxariis leh igu soo celiyo. Marmar ayaan keligay ducaysan jiray oon si gaar ah Ilaahay ula fiqi jiray. Waan ogsoonaa inuu maqlayo. Mararka qaar aniga oo hiimhiimsanaya oo hoos u ooyaya ayaan Ilaahay weydiin jiray sababta uu aniga nol

Ubixii Rajada

[Sheeko Gaaban oo male-awaal Ah, salkna ku haysa dhacdo nololeed oo xaqiiq ah] Magacaygu waa Ubax. Da’daydu waxay madaxa la gelaysaa 15 gu’. Ma lihi magac labaad, saddexaad ama abtirsiimo isir midna. Ma lihi qabiil, qolo iyo qaran toonna. Diin iyo ma aqaanno waxba. Waa ani iyo duni iyo keli! Maan doorannin laakiin waxaan is arkay uun anigoo nolosha ifka dhex jooga, manay ahay goob iyo goor layga soo dhoweeyay. Markii aan uurka hooyaday gelayay, aabbahay kamuu raalli ahayn. Sidaas darteed, wuu iga dhaartay markii uu maqlay warkii bushaaradayda, waxaanu wacad ku maray in haddii ay hooyaday sheegato uu na wada dili doono. Inkasta oo aan guriga ayeyday ku dhashay, malaha kama aan qiime badnayn dheg ubax ah oo ku dul curatay xayaabkii wejhadda gurigaas ku yaallay. Malaa waa sababta magaca Ubax la iigu bixiyay. Anigoo mujo ah ayay hooyaday naaska iga goysay. Markii ay u adkaysan weyday dhegxumadii, xantii iyo caydii dadka ayay arag iyo urba igala fogaatay. Waxa aan mar dambe ogaaday in