Posts

Showing posts from July, 2018

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad oo la filayo inuu dhaco!

Image
Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad ayaa la filayo inuu dhaco! Waxaa la sheegayaa in uu soo socdo dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad, taasoo keenaysa in xitaa la arko meeraha Mars. Dhacdadan ayaa la filayaa inay billaaban doonto Jimce 27-ka bishan Luulyo, saacada Afrikada Bari, markey yahay 20:14 illaa laga gaaro 23:21 saqda dhexe. Waxaa laga arki doonaa, Afrika, Yurub, Aasiya, Australia,  iyo qaybo ka mid ah koofur Amerika. Dhamaan Bariga Afrika waa laga arki doonaa.

Qawaaniinta Ugu Yaabka Badan Dunida Qaarkood, Nolsha Dunidu Waa Cajiib.

Image
Waxaa jira dunida qawaaniin ay dalalka dunidu leeyihiin oo agteenna yaab ka noqonaya, laakiin ay hubaal tahay inuu jiro sababo ka dambeeya oo keenay, marka aad akhrineyso waxaa suurogal ah inaad ka shakiso amaba aad is tiraahdo malaa wax jira maaha, waxaadse ogaataa in laga soo uruuriyay ilo lagu kalsoon yahay. 1- Kuuriyada Waqooyi: Xukuumadda ayaa Kuu Sheegaysa Qaabka aad Tinta U jaraneyso. -Kuuriyada Waqooyi ayaa ah dowladda ugu badan ee qawaantiina la yaabka leh ay ka jiraan, tusaale ahaan: – Cidkale gaari ma yeelan karto, qof shaqaale dowladeed ah amaba ciidanka dowladda u shaqeeya mooyaane. -Qofna xaq uma laha inuu tintiisa sida uu doono uu u jarto, waxaad timaaha u goosan karta sida sharciga ah ee xukuumaddu ogoshahay oo qura. -Haddii shakhsi uu dambi galo, qoyskiisa oo dhan ayaa u qoollan ciqaabtana la qeybsanay. -Waxaa la ogolyahay Saddex Telefishin oo kaliya oo ku hadla codka xukuumadda, ruwaayad kasta iyo heeskasta oo aan ammaan dowaldeed ku jirin lama ogola, ci


Tuuladii Isu Beddeshay midabka Qaanso roobaadka (Jeegaanta).Waxa ahayd fikrad uu keenay Macallin Iskuul.

Image
Tuulo ku taala waddanka Indonesia, laguna magacaabo "Kampung Pelangi" Ayaa ahayd tuulo lagu tiriyo deegaamada ugu liita gobolka ay ka tirsanayd, ma aysan lahayn nadaafad buuxda, dawladdu ma aysan danayn jirin, dayac iyo darxumo wayn baa ka muuqatay, balse maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin macallin dugsi ka ahaa tuulada ayaa waxa uu soo jeediyay in guryaha la mariyo midabbo (rinji) kala nooc ah, halkii guriba ugu yaraan seddex midab oo kala nooc ah dusha sare iyo hareeraha guryaha. Durbadiiba dadkii tuulada deggenaa waa ay aqbaleen fikradaa waana bilaabeen, isla maalmo gudohoodba waxaa la rinjiyeeyay 223 guri, muuqaalkii wuxuu isu beddelay goob indhaha soo jiidata oo aad u qurxoon, waxaa billowday in loo soo dalxiis tago oo sawirro la isaga qaado, waxaa kordhay dakhligii tuulada oo aad u hooseeyay markii hore, waxa ay soo jiidatay indhihii xukuumadda, oo iyana bilowday inay tuuladaas ugu deeqdo lacag dhan 300 oo Million oo Rupiahs, lacagta Indunuusiya. Waxaa la sii k

Iyadoo Indhaha iyo Dhegahaba La' ayey Nolosha Guul ka Gaartay!

Image
  Magaceeda waa Helen Keller, waxa ay ku dhalatay, Tuscumbia, Alabama - dalka Mareykanka,  Bishii June 27-keedii Sannadkii 1880-kii, waxaana ay wax ku baratay college-ka Radcliffe Sannadihii u dhexeeyay 1900 ilaa 1904. Waxa ay noqotey, Helen qalin jibinteeda ka dib macallimad wax ka dhigta jaamacadaha iyo dugsiyada waddanka mareykanka qaar ka mid ah, waxay kaloo ahayd qoraa allifay buuggaag badan islamarkaasna u ololeeya siyaasadda oo ay dawr weyn ka qaadatay. Hellen waxa ay aheyd qof indhoole ah, oo hadana dhegaha la', waxay noqotay gabadhii ugu horraysay ee indhaha iyo dhegahaba la’ ee qaadata heerka koowaad ee jaamacadda, Bachelor of Art degree. Hellen marna isma dhiibin kama aysan harin in ay raadiso sidii ay nolasha heer sare uga gaari laheyd una guulaysan lahay iyada oo lixaadkeedu uu kala dhiman yahay. Murtiyada qiimaha badan ee laga dhaxlay waxaa kamid ahaa: “Inaad indhoole noqoto waxaa ka xun in aad indho wax arka haysato balse aragtida qalbiga aad la’dahay.”

Taariikh Nololeedka Atooraha Reer China Ee Hollywood-ka Wacdaraha Ka Dhigay Jet Li

Image
Li Lianjie oo caan ku ah Jet Li waa Super Star caan ka ah daafaha caalamka una dhashay dalka China xirfadiisana tahay atoore, filim qarash gareeye, kaaratee yaqaan iyo  xidig ka tirsan Hollywood-ka shirkada aflaanta ee aduunka ugu caansan. Jet Li sidoo kale wuxuu heestaa dhalashada dalka Singapore, xidigan marka hore wuxuu ahaan jiray wiil cayaarta feerka gacanta iyo lugta cayaaro. Weliba dalka China abaal marino kala duwan ayu ku guuleestay cayaarta kaarateega iyo noocyadeeda kala duwan ee darahjada abaal marinta heer qaran uu ku guuleesto. Jet Li Iyo Bilawgii Noloshiisa Marxaladaha Ay Soo Martay: Jet Li wuxuu ku dhashay magaalada Beijing ee dalka China 26 April sanadii 1963 haatana waa 53-jir maqaam sare ka gaaray fanka. Jet Li qoyskiisa wuxuu ka ahaa wiilka ugu yar qoys ka koobaa sedex wiil iyo labo gabdhood, laakiin aabihiis wuxuu geeriyooday Jet Li asigoo labo sano. Taasina waxay ku sababtay in qoyska Jet Li ay kusoo koraan nolol dhib badan halgeedana wadato sidaa da

Ninka Ugu Timaha Dheeraa Dunida

Image
Tran Van Hay oo Dhararka Timihiisu dhamaayeen 6.8 Mitir ahaana qofka ugu timo dheer dunida sidaana ku galay Buuga lagu keydiyo Dhacdooyinka Aduunka ee World Genneuess Record ayaa dhintay maanta. Ninkan oo degan Gobolka Kien Giang ee Dalka Shiinaha ayaa sanadkii 2004 noqday qofka ugu timo dheer aduunka isagoo markaa dhararka timihiisu dhamaayeen 5.6 Mitir  isagoo noqday qof ay u dalxiis tagaan dadka Shiinuhu. 79-jirkan Hay oo ku noola Gobolka Kien Giang ee Koonfurta Shiinaha lana Jaar ah dalka Vietman ayaa noloshiisa ku dabari jiray inuu iibiyo dawoonkin dhirta laga sameeyo isagoo ku noola nolol iska caadi ah. Laakin intuu noola oo uu saxaafadda u waramay u sheegay in timihiisu ay dhibaato ku hayaan isagoo tilmaamay inaanu raaci karin Mootooyinka iyo Tagaasida taasina ay inta badan ku kalifi jirtay inuu lugeeyo. Sida ay sheegtay Xaaskiisa Nguyen Thi Hao ninkan ayaa Timihiisa aan jarin muddo ku siman 50 Sano iyadoo ku sababaysay inuu bukoon jiray markuu timaha jaro.

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Addis Ababa

Image
Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho. Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay. Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ku tagay Addis Ababa ayaa ahaa kii u horeeyay muddo 22 sano uu ku tago, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda xumaaday, kana dhasheen dagaalo dheer oo labada dal ku dhex maray xuduuda u dhaxeysa. Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha. Labada dal ayaa gaaray heshiisyo taariikhi ah oo xiriirka diblomaasiyadeed lagu soo celiyay, waxaana muddo 20-sano kaddib dhex maraya xiriiro diblomaasiyadeed, mid bulsho iyo ganacsi. Todobaad

Yugoslavia Dalkii Burburay Dabayaaqadii Qarnigii 20aad.

Image
Intii u dhexeysay 1991kii illaa 98kii dalkii Yugoslavia ayaa u qeybsamay todoba wadan. Aan dib u eegno sooyaalka Jamhuuriyaddii Yugoslavia ee xilli ahayd hal wadan. Yugoslavia waxay midowday markii ugu horeeysay sanadku markuu ahaa  1171kii. Sedex qarni kadib waxa qabsaday Dowladdii Cuthmaniyiinta sanadkii 1483, markii ay kaga adkaatay Dagaalkii Masefield (Kosovo Field). Kadib Cusmaaniyiintu waxay mideeyay wadamadii balkanska, iyagoo ka dhigay qayb hoostimaada Dowladdii xaranteedu ahayd Istanbul ee Muslimiinta. Markii ay ay burburtay Dowladdii cusmaaniyiinta waxaa geyigaa la dhisay dowlad cusub oo lagu magacaabo boqortooyada seerbiya, koroweshiya iyo islofeeniya 1 December 1918kii. Boqortooyadaas oo ay hoostagayeen Bosnia, Herzegovina, Croatia, Serbia, Montenegro, Slovenia iyo Dalmatia oo hadda ah gobol kamida Croatia. Toban sano markii ay dhisneyd ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaceedii hore Boqortooyada Yugoslavia Oktoobar 1929-kii. 6 April 1941kii, waxaa soo wee

Sanad Muslimiintu Xajin Doonto Laba Jeer!..Tolow Waa Kee Sanadkaasi?..

Image
Iyadoo muslimiinta dunida sanadkii hal mar ay gutaan waajibaadka Xajka ayaa waxaa la saadaaliyey in sanadka 2039 haddii ALLE idmo ay muslimiinta dunida laba jeer xajin doonaan, sanadkaasi bilaha Janaayo iyo Disembar. Prof. Abdullah Al Misnad oo ka ah macalin Jaamacad ku taalla gobokka Al-Qasiim ee bartamaha wadanka Sacuudiga isla markaana ah aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga xidigiska ayaa sheegay in Muslimiinta dunida bisha Janaayo 10-ka maalmood ee ugu horeeya sanadka 2039 ay gudan doonaan Xajka, halka isla sanadkaasi bisha Disembar 10-ka maalmood ee ugu dambeysay uu ku soo aadayo markale gudasha Xajka. Prof. Al Misnad oo wareysi siyey wargeyska Daily Sabq wuxuu sheegay in taasi macnaheedu in sidoo kale uu yahay in Muslimiintu sanadka 2039 ay sadex jeer Ciidi doonaan (Eid Al Adha iyo Eid Al-Fitr) waxaana laba mar sanadkaasi gudihiis soo laabanaya laba ciid oo ah Cidul Adhaxa hadii EEBE aqbalo. Xisabta Sanad tirayaha Islaamka ama Hijriyada oo ku saleysan bisha, waxaana uu ka k

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Baraasiil (Brazil)

Image
Jamhuuriyadda Federaalka ee Brazil, waa waddanka ugu weyn ee Laatiin Ameerika. Bedka dhulkiisu waa 8.5 milyan oo kiilomitir oo laba jibaaran (3.2 malyan oo mayl laba jibaaran) waxaa ku nool dad lagu qiyaaso in ka badan 208 malyan, Brazil waa wadanka shanaad ee ugu weyn dunida oo dhan iyo kan lixaad ee ugu dadka badan. Waa dalka 8aad ee ugu dhaqaalaha xooggan dunida. Waxay ka kooban tahay 26 gobol oo federal ah iyo xarunta dalka oo ka gooni ah. Caasimaddiisu waa Baraasíliya (Brasilia). magaalada ugu weyn uguna dadka badan waa São Paulo oo ah xarunta ganacsiga dalka. Luqadda rasmiga ah waa Bortaqiis. Baraaziil waxay leedahay xeebta ugu dheer Laatiin Ameerika oo ah 7,491 kilomitir (4,655 mile). Waxay xad la leedahay dhammaan dalalka koonfurta Amerika marka laga reebo Ecuador iyo Chile. Waxa mara webiga Amazon oo ah webiga labaad ugu dheer dunida iyo kan koowaad ee ugu biyaha badan caalamka. dhanka bari waxa ka xiga badweynta Atlantika, Brazil waa dalka ugu dhaqaalaha ballaaran Laati

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Arjantiina (Argentina)

Image
Dalka Arjantiina, waa wadan dhaca qaarada koonfur Ameerika waa dalka labaad ee ugu dhulka weyn koofur Ameerika, waana dalka sideedaad ee ugu dhulka weyn dunida, waxa uu ku fadhiyaa dhul bedkiisu yahay 2,780,400 km2 (1,073,500 sq miles) tirada dadku waa 43,847,400 waa dalka 32aad ugu dadka badan dunida.... Luqadda rasmiga ah ee dowlada Arjantiina waa Isbaanish... Caasimadiisu waa Buenos Aires, waana magaalada labaad ee ugu dadka badan koofur Ameerika waxaa ku nool 13.5 Million, waa mid ka mid ah saddexda magaalo ee ugu nolosha wanaagsan koonfur Ameerika, waana magaalada ugu dalxiiska badan, dhanka kale waa magaalada 13-aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida. Waxay leedahay dakhliga ugu badan ee qofkiiba soo gala ee Latin Ameerika. Dalkani wuxuu xuduud la leedahay wadamada.. Chile oo galbaad ka xigta, sidoo kale waxaa waqooyi ka xiga dalalka Bolivia iyo Paraguay, waqooyi bari waxa ka xiga Brazil iyo Uruguay, bari waxa ka xiga the badweynta Atlanticka. Argentina waa xubin ka mid ah 20ka

Isku Dheeli Tirlka Nolosha

Image
Waxa in badan dhacdaa oo qaar inaga mid ahi la kulmaan carqalado iyo cadaadis badan oo kaga imaada hayaanka nolosha, kuwaas oo sababa in dadyow badani is dhiibaan oo ay noqdaan kuwo xal ka dhigta cabasho iyo quus joogto ah. Tusaale Hardanka noloshu waa mid soo jireen ahaa ilaa bilowgii Aduunyada, waana mid jiri doona ilaa ay noloshu Aduunyadu dhammaanayso, Waxa aad arkaysaa Dadyow nolosha heer ka gaadhay laakiin haddana ay noloshoodu tahay mid dheeliyaysa oo aan dheelitirnayn, taas oo ay sabab u tahay in aanay miisaamin qaybihii muhiimka ahaa ee ay ka koobnayd noloshu, kuwaas oo haddii si fiican loo miisaamo isbadal wayn oo wanaagsani ku imanayo nolosha qofka isku miisaama Tusaale ahaan waxa aad arkaysaa Nin taajir ah oo aan haysan farxad ama caafimaad, kaas oo lacagtiisii oo dhan ku raadinaya inuu helo farxad ama caafimaad! Nasiib darro muu fahmin halka ay wax ka khaldan yihiin!! Waxa hubaal ah in haddii uu helo sirt isku miisaamida nolosha in aanay lacagi kaga baxdee
Image
Kampala (SK)- Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu doonayaa in wadan shisheeye uu ku noolaado mustaqbalka kii wadanka jooga, halka kan ku sugan wadamada Afrika uu isna rabo in dal saddexaad oo aanu lahayn ku noolaado oo ku barwaaqoobo hantina ka tacbado. Mana oga inta badan dadka Soomaaliyeed in ay leeyihiin waddan wanaagsan oo hodan ah. Waxaan la yaabanahay dal aan la helikarin oo dadkiisu magan u yahay wadamo ka liita, balse dadkoodu isku tashaday kuna kalsoonyihiihiin ku noolaanshaha iyo wax ka qabsiga dhexdiisa. Maalin dhaweyd suuqa Jukuko ee magaalada Kampala ayaa sheeko yar na dhex martay nin Sam layiraahdo iyo eedadiis oo dukaan dharka jumlada ah lagu gado ku leh halkaas. Sam iyo eedadiis oo ii sheegtay in gobalka Kaliforniya ee dalka Mareykanka ay ku nooleyd muddo uga sheekeeyey oo u dulmaray wanaagga iyo kheyraadka aan la soo koobi karin ee dalkeenna ku jira ee dadkuna ka baahanyahay oo qaxooti ka yihiin. Waxay Sam eedadiis ii sheegtay in nolol aaney oollin wadan

Muxuu is-fahamka siyaasadeed ee Itoobiya iyo Eritreya kusoo kordhin karaa ammaanka geeska Afrika?

Image
Dalalka geeska Afrika waxaa saamayn nololeed iyo mid nabadgeliyo ku yeeshay colaadaha mandiqadda ka socday dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Deganansho La’aanta waxay horseeday inay dagaaalo caynba-cayn ah ka dhacaan inta badan dalalka ku teedsan geeska Afrika, iyadoo colaadaha ugu samaynta badnaa kala ahaayeen dagaalki ilagu hoobtay ee Itoobiya iyo Eritreya dhex maray sannadihi 1998kii ilaa 2000, dagaalka Kooxaha ku hardamaya dalka Koonfurta Suudaan iyo colaadaha aan dhamaadka lagayn ee weli ka socda gudaha Soomaaliya. Inkastoo dagaalkii Itoobiya iyo Eritreya uu dhamaaday muddo haatan laga joogo 18-sano, haddana ma jirin heshiis siyaasadeed oo ay madaxda dalalkaasi ka gaareen xilli colaadeedkii ay dadyowga labada dhinac ku riiqmeen. Haddaba, isbedelka cusub ee ay dowladaha Itoobiya iyo Eritreya doonayaan inay kaga gudbaan colaadihii soo maray ayaa la sheegay inay tahay tallaabo wanaagsan oo wax badan ka bedeli karta deganaanshaha siyaasadeed iyo colaadaha ay laba

MACLUUMAAD KOOBAN OO KU SAABSAN DALKA INDUNUUSIYA (INDONESIA)

Image
Dalka Indonesia wuxuu dhacaa koofur bari qaarada aasiya, waxa uu ka kooban yahay 17,508 jasiiradood, tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa 261 milyan, waa dowladda 4aad ee ugu dadka badan dunida, Indunuusiya waa dalka ugu muslimiinta badan wadamadae caalamka, bedka dhulkoodu waa 1,919,440 km2, waa dalka 14aad ee ugu dhulka weyn dunida. Dalkan waxaa ka jirta dawlad lasoo doorto oo ku shaqaysa dastuur qoran, waxa uu dalku leeyahay Madaxweyne, Madaxweyne kuxigeen iyo baarlamaan labo aqal ka kooban. Waxa hadda Madaxweyne ka ah Joko Widodo. Caasimadiisu waa Jakarta, Indunuusiya waxa ay xuduud la leedahay wadamada kala ah Papua New Guinea, Bariga Taymoor iyo Malaysia, dowladaha u dhawna waxaa ka mid ah Singapore, Filibiin, Australia iyo jasiirado ay leedahay Hindiya oo kala ah Andaman iyo Nikopar. Dalka indunusiya waa wadan dhaqaalihiisu weli uu korayo isla markaana waxa uu leeyahay warshado wax soo saarkoodu sareeyo, dalkan waxa uu ka mid ayahay labaatanka wadan ee dunida ugu dhaqaalaha bada

MACLUUMAAD KOOBAN OO KU SAABSAN DALKA KOOFURTA KUURIYA (SOUTH KOREA)

Image
Koonfurta Kuuriya ama jamhuuryadda Kuuriya, waa dal yar oo ku yaalla bariga aasiya, waa wadan ay kala go'een waqooyiga Kuuriya, bedka dhulkiisu waa 99,392 km2 (38,375 sq mi) waa dalka 107aad ee ugu dhulka weyn dunida. Waxaa ka weyn baaxadda gobolada Mudug iyo Nugaal dhulka ay ku fadhiyaan, waa dal in badan inaga dhul yar laakiin naga dadaal badan. Tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa 51.4 milyan, waa dalka 27aad ee ugu dadka badan dunida. Caasimada wadanka Siyool (Seoul) waa magaalda ugu weyn uguna dadka badan qiyaaastii waxaa ku nool 10 million waa tan 16aad ee ugu weyn dunida. Luqadda rasmiga ah ee wadanka waxaa la yiraahdaa Korean. Lacagta dalka waa Won. Dastuurka wadanka ee xilligaan dawladu ku shaqayso waxaa la qoray bishii October sanadkii 1987. Jamhuuridda Kuuriya waxa qabsaday dalka Jabbaan iyadoo hal dal ah, waxay xorriyadda ka qaadatay dalka Japan 1945kii, kaa oo maamulayay dalkaas muddo dhan 36 sano. Mudda yar kadib waxaa billowday dagaalkii Kuuriya oo laba u kala go'da