Kampala (SK)- Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu doonayaa in wadan shisheeye uu ku noolaado mustaqbalka kii wadanka jooga, halka kan ku sugan wadamada Afrika uu isna rabo in dal saddexaad oo aanu lahayn ku noolaado oo ku barwaaqoobo hantina ka tacbado.

Mana oga inta badan dadka Soomaaliyeed in ay leeyihiin waddan wanaagsan oo hodan ah.

Waxaan la yaabanahay dal aan la helikarin oo dadkiisu magan u yahay wadamo ka liita, balse dadkoodu isku tashaday kuna kalsoonyihiihiin ku noolaanshaha iyo wax ka qabsiga dhexdiisa.





Maalin dhaweyd suuqa Jukuko ee magaalada Kampala ayaa sheeko yar na dhex martay nin Sam layiraahdo iyo eedadiis oo dukaan dharka jumlada ah lagu gado ku leh halkaas.

Sam iyo eedadiis oo ii sheegtay in gobalka Kaliforniya ee dalka Mareykanka ay ku nooleyd muddo uga sheekeeyey oo u dulmaray wanaagga iyo kheyraadka aan la soo koobi karin ee dalkeenna ku jira ee dadkuna ka baahanyahay oo qaxooti ka yihiin.

Waxay Sam eedadiis ii sheegtay in nolol aaney oollin wadanka Mareykanka balse dad tashaday oo ka fakaray danaha dalkooda iyo dadkooda yihiin abuurtayna shaqo oo madaxdooduna ka taxadartay in dadku shaqo la’aan noqdaan.Balse kheyraad dabiici ah aanu jirin.

Kheyraadka dabiiciga ah waa kan Soomaaliya haysato ee ay ka faa’iideysan la’dahay sida beeraha, xoolaha iyo kalluunka. Africa ayaa nala wadaagta qaar kheyraadkaas, walow Soomaaliya wadan kaga horeeya kheyraadkaas aanu jirin.

Waxaa sidoo kale u sheegay in Soomaalidu isku qabiil, dhaqan iyo afba yihiin, hadana ay isdilayaan oo ay is-gowracayaan.

Aad bey ula yaabeen Sam iyo eedadiis weyna qaadanwaayeen saddexda arin ee ay wadaagaan Soomaalidu, markaas ayuu Sam i weydiiyey “Soomaaliya dad Kiristian ah ma jiraan oo diintaas haysta” Waxaan ku iri, ”Maya kulligood waa Muslim 100% sida Sucuudiga”.

Waxa dabeeto Sam uu igu yiri' ”Maxaad isku dileysaan oo maad caqliga ka shaqeysiisaan kana faa’iideysataan kheyraadka dalkiina oo qaxootinimada ka baxdaan" waxaan ku iri Madaxdeena Soomaaliya waa caadoqaatayaal oo waxey ku shaqeeyaan maskax carbeed iyo kuwo reer galbeed iyagaa isku hubeeya oo isku dira, hub iyo lacagna iskugu dhiiba dhexdooda.

Markaas ayuu layaabay jawaabta aan siiyey waxuuna igu dhahay, ”Annaga na siiya dalkiina idinkuna keenna qaata”!.

W/Q: Maxamed Cumar Abiib

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.