Posts

Showing posts from August, 2017

Gabadh kasta oo qurux badani ma aha mid qalbi wanaagsan, balse gabadh kaste oo qalbi wanaagsani waa ay qurux badan tahay!!)

Image
Ruux dumar ah oo aad u laf wayn, dheer, garbo waawayn wajigeedana laga cabsanayo ayaa xafiis qareenno (Lawyers) soo gashay. Isla markiiba qareennadii ayaa midh midh u baxay. Xafiiskii waxa ku soo hadhay gabadh aad u da’ yar oo ku cusub shaqada. Iyada oo hadalkeeda uu ka muuqdo cabsi iyo warwar badan ayaa waxa ay waydiisay maxaan kuu qabtaa? Gabadhii : Waxaan ahay haweenay dumar ah oo raggu ka firdhadaan illaa ay da’daydu buuxisay 40 jir, aniga oo maalin gurigayga hor fadhiya ayaa waxa ii timid gabadh aanu jaar ahayn, waxay igu tiri nin maal qabeen ah ayaan kuu hayaa waxaa uu leeyahay 4 caruur ah oo hooyadood geeriyootay. Waxa kaliya uu rabaa in uu ku guursado balse hal shardi, in aad xaas u noqoto hase yeeshee aad wax xuquuq ah waydiisan. Aniga oo dhinacyada jalleecin ayaan aqbalay. Sannadadii ayaa is daba maray aniga oo caruurtiisii sidii ubad aan dhalay u daryeelaya, noloshoodii ayaan farxad iyo raynrayn kusoo kordhiyay, waxaanu isku noqonay hooyo iyo ubadkeed. Kama dambayntii

Odayga Ugu Carruurta Badan Dalka Pakistan

Image
Nin u dhashay dalka Pakistan oo saddex dumar ah guursaday, kana dhalay lix iyo soddon carruur ah, ayaa warbaahinta u sheegay in aanu wali gaadhin hadafkiisi oo uu ku taamayo sidii uu u guursan lahaa xaaskii afraad si ubadkiisu afartan ilaa konton u gaadhaan haddii qadarku u saamaxo. Ninkan odayga ah oo lagu magacaabo, Glazar Khan waxa uu ku nool yahay guri wayn oo sida qalcadaha boqortooyadu degaan aan laga garan, kaas oo ay ku nool yihiin boqol qof oo tafiirtiisa ah, kuwaas oo isugu jira, lix iyo sodon carruur ah oo u dhalay iyo dhawr iyo lixdan kale oo ay gabdhihiisa iyo wiilashii su sii dhaleen oo uu awoow u yahay. Mr. Khan oo ku nool gobolka qabiilku maamulo dalka Pakistan ee Wasir Istan waxa uu sheegay, in duruufaha ka jira gobolkaas iyo colaadaha soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada iyo kooxaha, Islaamiyiinta Daliban, ay ka kala kiciyeen qorshihiisi uu muddada dheer ku taamayay, kaas oo sida uu sheegay uu ku hamiyayay inuu xaaskii afraad guursado dhawrkii sanadood ee aynu k

Layaab:Hotel Loogu Talala Galay Dadka Doonaya Inay Ooyin Badani Ka Timaaddo Dalka Japan.

Image
Mid kamid ah hotelada waawayn ee dalka Japan ayaa laga sameeyay qolal gooni ah oo loogu talala galay qofka doonaya inuu ooyo ooyin badanina waliba ka timaaddo. Waxa uu go’aansaday Milkiile hotelada  kuna yaalla meesha Sandzhukho ee Caasimadda   Tokyo,si loo saacido dadka niyad jabka dareemaya. Waxaana hotelka laga sameeyay  qolol gooni ah  khaas ahaan dadka aad u doonaya inay u ooyaan. Markii ay qofka ku adkaato inuu ooyinta bilaabo waxaa qofka loo shidayaa TV waxaana loosoo bandhigayaa dhacdooyin dareenkiisa kiciya oo qofka isla markiiba ka ooyinasa. Waxaa intaa kusii darsataa waxaa laga yaabaa in Hotelku sameeyo daawooyin dadka ka ilmaysiisa iyo wax kasta oo qofka dareenkiisa lagu kicinkaro si uu u ooyo. Milkiilaha Hotelku waxa uu sheegay  in laga heli doono qolalkaa loo diyaariyay in lagu ooyo , waxaana si gaara looga tix galinayaa dumarka doonaya inay iska nafisiyaan dareenaka  Murugada isla markaana waayay meel ay si wanaagsan ugu ooyaan. Habeenkii qudha waxaad ku see

JUXA OO NIN GURI KA KIREYSTAY IYO SHEEKO DHEX MARTAY

Image
Juxa iyo ninkii uu guriga ka kiraystay: Juxa ayaa beri guri ka kiraystay nin uu garanayey, markii uu Juxa gurigii u soo guuray ayuu arkay ceeb aanu guriga ku ogeyn, saqafka sare ee guriga oo jilicsanaa awgii gurigu waxa uu lahaa sanqadh badan oo dabayshu lulaysay saqafka. Juxa aroortii ayuu u soo cawday ninkii guriga ka kireeyey oo uu u sheegay in saqafka gurigu sanqadh badan samaynayo, sidaa awgeed ay tahay in uu ka sameeyo. Ninkii ayaa ku yidhi, “Waxba ha ka baqin, Saqafku Alle ayuu u tasbiixsanayaa ee” Juxa oo fahmay in ninku khiyaamaynayo, oo weliba diin ku xujaynayo, ayaa yidhi, “Waa runtaa, oo anba waan ogahay, laakiin waxa aan ka baqayaa in qalbi jileecu ka bato oo uu isaga oo sujuudsan nagu soo dul dhaco”

DARAASAD: Cabitaanka Yaanyada Oo Si Fudud U Yareeya Miisaanka Jirka

Image
Khubaro saynisyahano ah ayaa sheegay in waxyaalaha laga miiro YAANYADU uu yareeyo misaanka culus ee qofka, taas oo aanu qofku u baahanayn inuu isticmaalo waxyaalaha kale ee miisaanka dadku inta badan iskaga ridaan. Khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Medical University of Chine ayaa sheegay inay yaanyadu lee dahay faa’idooyin badan , gaar ahaana marka la miiro, taas oo ay kamid tahay inay rido culaysa saa’idka ah ee qofka fuulaaya, iyaga oo sameeyey tijaabooyin kala duwan ayay ku sheegeen in ay door muhiim ah ka ciyaarto inuu qofku la dagaalamo culays badan oo fuula. Khubaradan ayaa sameeyey tijaabooyin ay ka qaadeen 25 dumar ah, kuwaas oo da’doodu tahay inta u dhaxaysa 20 sanno ilaa 30 sanno,waxaanay dumarkaasi si maalinle ah u isticmaalaan waxyaalaha laga miiraayo yaanyadaasi, waxaanay wadeen tijaabadan muddo laba bilood ah. Tijaabadan ayaa muujisay in qof kasta uu ka dhacay 2 cm oo culays ah, kuwaas oo hore u diwaangeliyey culayskiisii hore, ka dambena qiyaasay.

Sababaha Ay Gabadhu Caafimaad Ahaan Ugu Baahan Tahay Saacado Hurdo Oo Ka Badan Kuwa Uu Ninku Seexdo

Image
Cilmibaaris cusub ayaa mar kale ka marag kacday in dumarku ay ugu baahan yihiin hurdo ugu yaraan 20 daqiiqo ka badan saacadaha hurdo ee uu ninku u baahan yahay. Cilmibaaristan ayaa soo bandhigtay sababaha caafimaad ahaan ay gabadhu ugu baahan tahay in ay huruddo saacado ka badan inta uu ninku u baahan yahay, ayaa sheegtay in gabadha ay da’deedu u dhexeyso 26 jir illaa 64 jir ay u baahan tahay 7 illaa 9 saac oo hurdo ah maalin kasta, halka gabadha da’da korriinka weli ku jirtaa ay u baahan tahay 9 illaa 10 saac oo hurdo ah maalin kasta, sababtuna waa: 1. Waxa ay cilmibaarayaashu aaminsan yihiin in gabadhu ay maskax ahaan ka daal badan tahay ninka, oo tusaale ahaan ay maskaxdeedu awood dabiici ah u leedahay in ay arrimo door ah hal mar ka wada fikirto, hal marna wada qabato, sidaa awgeed daalka soo gaaraya oo ka badan ka ninka awgeed waxa ay u baahan tahay hurdo ka badan tiisa. 2. Gabadhu waxa ay habeenkii dhididdaa in ka badan ninka, waana waxa afka cilmiga lagu yiraahdo, ‘Menopause

XIRIIRKA WANAAGSAN EE LAMAANAHA IS QABA.

Image
Xiriirka Wanaagsan ee Lamaanaha is Qaba waxaa Asal u ah Jaceylka, Kalsoonida, kala Danbaynta iyo Dulqaadka intaa marka la helo ayuu Xiriirkoodu Wanaagsananayaa, waxaana ugu Muhiimsan in la helo Qodobadaan hoos ku qoran:- 1- QANAACADA:- Inaad isku Qanacsanaataan oo midba midka kale ku Qanco Lamaanaha Alle u Qaddaray, kuna Raali noqodo, una Aragto Lamaanahaaga inuu yahay midka Nolosha kula Wadaagaya. 2- HADALKA LAMAANAHA WANAAGSAN:- Kuwada hadla Hadal aad u Macaan oo isku kiin soo Dhaweynaysa, si uu jacaylkiinu u sii Ziyaado, Ogoowna {Kalimada wanaagsan waa Sadaqo}. 3- XALINTA DHIBAATOOYINKA SOO WAJAHDA QOYSKA:- Haddii Dhibaato Timaado waa in Labada Qof ee is Qabaa si wada jir ah u Xaliyaan, markastana iska ilaaliyaan inuu soo Dhex galo wax kala Fogaynaaya. 4- DULQAAD:- Dulqaadku aad ayuu Muhiim u yahay, wuxuuna ilaaliyaa Jiritaanka Qoskay, haddii midkiin kan kale Dhibaato ka soo gaarto, yuu u qaadan waxaan dhici karin ee halaysu dul qaato. 5- IS QURXIN:- is Qurxintu aad ayay Muhiim

Sideed u Noqon Kartaa Qoraa Loo Hiloobo Qormooyinkiisa

“ Qoraalku waa shaqo la qabto ta ugu adag xataa wuxuu ka dhib badan tahay ugaadhsiga Yaxaaska waaweyn”   Qofka banii’aadamka ahi wuxuu u baahan yahay inuu marar badan dibbeda iskaga soo saaro oo uu iska faaruqiyo waxyaabo badan oo maskaxdiisa mashquulisay si caqligiisu uu u qaato neefsi ku filan oo nasasho iyo fikir dambe ku  abaabuli kara. Dibna iskugu habayn kara  inuu  jaleeco waxyaabo badan oo aan wali  arag amma akhriyin. Markuu qofku is yidhaahdo tallaabdan qaad waxa soo shaac baxda inaanu marar badan awood u yeelan inuu si quman u tuujiyo fikirkii uu niyada ku hayey isaga oo adeegsanaya  qalin, taasina waa caqabada kowaad ee hor istaagta qoraalka qofka. Haddaba waxaa is weydin leh siddee ayuu qofku u noqon karaa qoraa la jeclaysto waxa uu qoray. Sida runtu tahay waa su’aal adag oo aanan aniga iyo cida ila midka ahi toona aanu ka jawaabi Karin laakiin waxa aan halkan ku soo guurinaya hadalada ay ka yidhaahdeen aqoonyahanadu qofka doonaya inuu wax qoro. Hal ku dhig ayaa yidha