Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Arjantiina (Argentina)

Dalka Arjantiina, waa wadan dhaca qaarada koonfur Ameerika waa dalka labaad ee ugu dhulka weyn koofur Ameerika, waana dalka sideedaad ee ugu dhulka weyn dunida, waxa uu ku fadhiyaa dhul bedkiisu yahay 2,780,400 km2 (1,073,500 sq miles) tirada dadku waa 43,847,400 waa dalka 32aad ugu dadka badan dunida.... Luqadda rasmiga ah ee dowlada Arjantiina waa Isbaanish... Caasimadiisu waa Buenos Aires, waana magaalada labaad ee ugu dadka badan koofur Ameerika waxaa ku nool 13.5 Million, waa mid ka mid ah saddexda magaalo ee ugu nolosha wanaagsan koonfur Ameerika, waana magaalada ugu dalxiiska badan, dhanka kale waa magaalada 13-aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida. Waxay leedahay dakhliga ugu badan ee qofkiiba soo gala ee Latin Ameerika.
Dalkani wuxuu xuduud la leedahay wadamada..
Chile oo galbaad ka xigta, sidoo kale waxaa waqooyi ka xiga dalalka Bolivia iyo Paraguay, waqooyi bari waxa ka xiga Brazil iyo Uruguay, bari waxa ka xiga the badweynta Atlanticka.
Argentina waa xubin ka mid ah 20ka dal ee ugu dhaqaalaha badan Adduunka ee G-20.
Lacagta Dalkani waa Pesso, qiimaha lacagta dalkan marka lagu qiimeyo doollarka Mareykanka halkii doollar waa $1= 24.9136 ARS....! Waa dalka 25aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida iyo dalka labaad ee koofur Ameerika.
Magaca "Argentina" waxa uu ka yimid ereyga Laatiiniga ee "Argantum" oo macnahiisu yahay silver ama qalin. Dadkii ugu horeeyay ee reer yurub ee taga halkaa ayaa rumeysnaa in buuraha dhulkaa uu ka buuxo Qalin (silver) sidaa darteed waxay ku magacaabeen "Argentina" Dadka Arjantiina asalkoodu 97% waa yurubiyaan kasoo jeeda Isbaanish iyo Talyaani iyo 3% dad asalkoodu yahay Amerindian.....!
Arjantiina waxay ka kooban tahay 23 gobol oo federaal ah iyo xarunta dalka ee Buenos Aires. Dalkan wuxuu leeyahay wadada tareen ee ugu dheer Latin Ameerika, oo dhererkeedu gaarayo 36,966 km (22,970 mi) taasoo isku xirya dhamaan gobolada iyo caasimada..... Dhaqaalaha Argentina waa kan saddexaad ee Latin Ameerika, iyo kan labaad ee ugu weyn Koofur Ameerika....
Awoodda wax soo iibsasho ee dalkan waa $ 625.921 bilyan waa dalka (21aad) ee dunida.
Daqliga guud ee dalkuna waa $ 959.528 bilyan,
dhaqaalaha dalkan waa mid weli koraya, wuxuu leeyahay suuq weyn oo sii kordhaya oo tiknoolajiyada ah. Dalkani wuxuu xalliyay deymihii lagu lahaa muddada fog, sanadkii 2016kii, kadib markii la doortay madaxweyne Mauricio Macri, taas oo u ogolaatay Argentina inay soo gasho suuqyada dhaqaalaha caalamka markii ugu horeysay muddo toban sano ah.

Dal kasta dadkiisa ayaa horumariya....

W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.