Posts

Showing posts from February, 2019

Cabdiqaadir-Bagaag: Shamac Ka Mid ahaa Kuwii Fanka Ifiyey

Waxa qoray: Cumar Seerbiya. Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan Curre oo loo yaqaannay Cabdiqaadir-Bagaag, intii u dhaxaysay 1951 illaa 1952 ayuu ku dhashay degmada Goldogob ee gobolka Mudug. Ka dib wuxuu ku barbaaray magaalada Gaalkacayo sida uu ii sheegay Mu’alifka heesta caan baxday ee Qarad, Pro. Cabdiqaadir Maxamed Shirwac oo ay waxbarashada ka wada bilaabeen bilawgii 1960-kii dugsiga hoose ee Gaalkacayo , waxayna fasalka labaad ahaayeen sannadkii 1963 isaga oo markaasi da’ahaan ku qiyaasay Bagaag inuu 11 ama 12 sanno jir ahaa. Intaan og ahay magaca “Bagaag” waxa loo yaqaannaa qofka sanka gaaban , laakiin Cabdiqaadir ma ahayn nin sangaaban tilmaanta Soomaalida. Saaxiibbo ay aqoon gaar ah isu lahaayeen oo aan weydiiyey na iima ay sheegin sabab kale oo loogu bixiyey “Bagaag”, waxaa na dhici karta in naanaystan lafteedu macno kale lee dahay. Cabdiqaadir-Bagaag waxay magaalada Gaalkacayo ku wada noolaayeen Cabdiqafaar Ciise Cagoole oo aqoon shakhsi ah iyo mid xigaalba oo isku lahaayee

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Isbayn

Image
Dalka Spain wuxuu Dhacaa jasiirad u’ekaha Aybeeriya - Iberian peninsula, ee qaaradda Yurub. Waxa kaloo jira jasiirado ka baxsan dhulka qaaradda Yurub oo katirsan dalka Spain oo kala ah, jasiiradaha Kanari  (Canary Islands) oo dhaca xeebaha galbeed ee qaaradda Afrika iyo jasiiradaha Baleerik (Balearic islands) oo dhaca  badda Medetereniyaanka. Waxaa kaloo jira laba magaalo oo katirsan Spain oo ku yaalla gudaha dhulka xeebaha ah, ee wadanka Morocco, waana Siyuta iyo Melliila (Ceuta and Melilla). Spain waa dalka kaliya ee Yurub ah, ee xuduud dhuleed la leh, dal dhaca qaaradda Afrika. Waxaa kaloo jira jasiirado yaryar oo dhaca badda Alboran ee u dhaxaysa Spain iyo Morocco. Dhulka Spain, waxaa koonfurta iyo bariga ka xiga, badda madetereeniyaanka. Waxaa sidoo kale koonfur ka xiga Gibraltar oo ah dhul uu Ingiriisku ka haysto boqortooyada Spain. Waqooyi iyo waqooyi bari waxaka xiga Faransiiska iyo Andora, galbeed waxa ka xiga Bortaqiiska iyo badwaynta Atlaantiga - Atlantic ocean. Baaxadda

Labaatan Sanadood Kadib Guusha Jacaylka, Axmed Saleebaan Bidde

Image
Qisada jaceyl ay ku curteen Heesaha Maxaa Lurey Naftaadii? Sida geed Caleenle iyo Onkod roobka ma daayo. “Dugsiga Dayaxa oo wax lagu dhigan jiray ayaan Enjineer leydhka u shida ahaa warshadii leydhka, markaan saddex sano halkaasi joogay ayaa ninkii haystay oo cadaan ahaa halla badalo Axmed yidhi, 1966kii ayaa Hargeysa la iisoo badalay, markaan bilo joogay ayaan gabadh wada sheekaysanay aan hore u aqaanay oo aanu isku xaafad ahayn, walaalo ilaahay ayaanu noqonay gabadhii oo si aad ah isku jecel, cid kalena iskamaan siin iyadna cid kale ima siin. 1968 ayaa calafkii oo aan ogeyn jaceylkayaga na kala qaaday, waxaa guursaday gabadhii nin Soomaali ah oo Koonfur kasoo jeeda meesha Jilib la yidhaa ayuu la tagay, maalmahaasi waxaan garan waayay waxaan sameeyo qofkii aan balansaneyn oo aan jeclaa oo la iga guursaday dhib iyo amakaag ayay igu noqotay, maalmo badan runtii jaad iyo heeso ayaan kusoo jeeday, waxaa la I tusay gabadhii oo cabanaysa oo ninkii ay is fahmi laayihiin. Markaasi ay

Waxtarta Caafimaad ee Laga Helo Baamiyaha

Image
Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheef-siinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyahu, waa geed aad uga baxa dalkeenna laguna beerto labada wabi inta u dhaxaysa. Nafaqadabaamiyaha: •Baamiyaha waxaa aad ugu badan vitamino iyo macdanno, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc Waxtarka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay: Caafimaadka dheefshiidka: •Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka. Kobcinta aragga: •Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha. Caafimaadka maqaarka: •Baamiyaha waxaa ku bada

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Taylandi (Thailand)

Image
Boqortooyada Thailand waa dal dhaca koonfur-bari qaaradda Asiya. Dalkani waxa uu xudduud dhuleed lawadaagaa wadamada Myanmar (Parma), Loas, Campodia iyo Malaysia. Wuxuu xudduud badeed lawadaagaan wadamada India iyo Indonesia. Baaxadda Guud ee dalkiisu waa 513km oo km oo laba jibaaran, waa dalka 50aad ee ugu baaxadda wayn dunida, waana mid dhaca marin aad muhim u ah. Taayland waxay ka baaxad wayn tahay wadamada midowga Yurub oo dhan marka laga reebo France. Tirada dadka wadanka ku nool waa 69Milyan oo qof waa dalka 20aad ee ugu dadka badan dunida. Thailand waa boqortooyo leh nidaam baarlamaani, dimuquraadi ah, afgambigii 2014-kii dhacay ayaa sababay in awoodda dalku hoostagto Millatariga. Dalkani waxa uu ka kooban yahay 76 Gobol oo usii qeybsama 878 dagmo. Caasimaddiisu waa Bankook oo ah magaalada ugu wayn dalka. Thailand waa dal kamida dalalka horumaray oo qaatay nidaamka warshadaha. Wadanku waa mid leh waxsoosaar aad u xooggan. Dalkani waa kan 26aad ee ugu dhaqaalaha badan