MACLUUMAAD KOOBAN OO KU SAABSAN DALKA KOOFURTA KUURIYA (SOUTH KOREA)

Koonfurta Kuuriya ama jamhuuryadda Kuuriya, waa dal yar oo ku yaalla bariga aasiya, waa wadan ay kala go'een waqooyiga Kuuriya, bedka dhulkiisu waa 99,392 km2 (38,375 sq mi) waa dalka 107aad ee ugu dhulka weyn dunida. Waxaa ka weyn baaxadda gobolada Mudug iyo Nugaal dhulka ay ku fadhiyaan, waa dal in badan inaga dhul yar laakiin naga dadaal badan. Tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa 51.4 milyan, waa dalka 27aad ee ugu dadka badan dunida. Caasimada wadanka Siyool (Seoul) waa magaalda ugu weyn uguna dadka badan qiyaaastii waxaa ku nool 10 million waa tan 16aad ee ugu weyn dunida. Luqadda rasmiga ah ee wadanka waxaa la yiraahdaa Korean. Lacagta dalka waa Won. Dastuurka wadanka ee xilligaan dawladu ku shaqayso waxaa la qoray bishii October sanadkii 1987.
Jamhuuridda Kuuriya waxa qabsaday dalka Jabbaan iyadoo hal dal ah, waxay xorriyadda ka qaadatay dalka Japan 1945kii, kaa oo maamulayay dalkaas muddo dhan 36 sano. Mudda yar kadib waxaa billowday dagaalkii Kuuriya oo laba u kala go'day 1950kii, waqooyiga iyo koonfurta oo noqday laba dal, taas oo ka dhigtay dalkii mid sabool ah.
Dalka Kuuriyada Koofureed waxaa uu xad dhuleed la leeyahay Kuuriyada waqooyi, waxaa sidoo kale u dhow wadamad Japan, iyo Shiinaha. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Kuuriya uu ka yimid boqortooyaddii Goroyeyo oo dhulkaa ka talin jiray.
Dhulka wadankan waxa ku yaalla qiyaastii 3 kun oo jasiiradood inkastoo badankood aan la degeyn. Dagaalkii Kuuriya oo soo gaaray illaa 1953kii waxaa la aaminsan yahay inay ku naf waayeen in ka badan hal milyan oo ruux. Xagga dhaqaalaha haddii aan eegno dalkaan waxaa ku yaala suuqa 13aad ee dunnida oo dhan ugu weyn sidoo kalena waxaa ku yaala warshadaha shirkadaha ugu waa weyn ee soo saara qalabka Elektaroonicada ee ay mobileda ka mid yihiin.
Dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaqaalahoodu sida xawliga ah u kobcayo waxaana dhaqaalaha wadanku ku tiirsan yahay gacansiga caalamiga.
waxaa uu noqday dalka 5aad ee dibadda wax u dhoofiya iyo kan 7aad ee wax soo dhoofsada. Dalxiiska ayaa ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu badan uu dalkan ka helo, waxaana sanadkiiba booqda 11 million oo ruux celcelis ahaan.
Dhanka dalxiiska waxaa dalkaan Kuuriyada Koofureed kaga jiraa wadanka 20aad ee dunida loo dalxiis tago.
Dawlada koofur Kuuriya waxay leedahay qiyaastii 10 dayax gacmeed oo ay qaarkood kiro ka qaadato. Waa dalka ugu internetka fiican dunida dhinaca xawaaraha qadka.
Shirkadaha taleefanadda gacanta sameeya ee Samsung iyo LG ayaa wadankan laga leeyahay. Dadka taleefoonada gacanta haysta ayaa bulshada wadankaasi ka ah 96%.
Xagga diimaha daraasad la sameeyay sanadkii 2014 waxaa lagu sheegay in dadka wadankaasi aysan jirin diin ay u badan yihiin hase ahaatee dawlada ayaa aaminsan dadkeeda badankood ay budhistayaal yihiin.
Muslimiintu waxay wadankaasi ka yihiin dadka ugu tirada yar waxaana la aaminsan yahay in Islamku gaaray qarnigii 7aad. Mid ka mid ah masaajida qaaradda aasiya ugu waa weyn ayaa wadankan ku yaalla. Dhanka ciyaaraha cayaarta lagdinta oo wadankaasi looga yaqaan Takewando ayaa ka mid ah cayaaraha loogu jecelyahay marka wadankaasi la joogo.


Dal kasta dadkiisa ayaa dhisa!


W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.