MACLUUMAAD KOOBAN OO KU SAABSAN DALKA INDUNUUSIYA (INDONESIA)

Dalka Indonesia wuxuu dhacaa koofur bari qaarada aasiya, waxa uu ka kooban yahay 17,508 jasiiradood, tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa 261 milyan, waa dowladda 4aad ee ugu dadka badan dunida, Indunuusiya waa dalka ugu muslimiinta badan wadamadae caalamka, bedka dhulkoodu waa 1,919,440 km2, waa dalka 14aad ee ugu dhulka weyn dunida.
Dalkan waxaa ka jirta dawlad lasoo doorto oo ku shaqaysa dastuur qoran, waxa uu dalku leeyahay Madaxweyne, Madaxweyne kuxigeen iyo baarlamaan labo aqal ka kooban. Waxa hadda Madaxweyne ka ah Joko Widodo. Caasimadiisu waa Jakarta, Indunuusiya waxa ay xuduud la leedahay wadamada kala ah Papua New Guinea, Bariga Taymoor iyo Malaysia, dowladaha u dhawna waxaa ka mid ah Singapore, Filibiin, Australia iyo jasiirado ay leedahay Hindiya oo kala ah Andaman iyo Nikopar.
Dalka indunusiya waa wadan dhaqaalihiisu weli uu korayo isla markaana waxa uu leeyahay warshado wax soo saarkoodu sareeyo, dalkan waxa uu ka mid ayahay labaatanka wadan ee dunida ugu dhaqaalaha badan ee loo yaqaano G20, waa dalka 16aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida.
Indonesia waxay leedahay dhaqaale isku dhafan oo laba dhinac ah mid gaar loo leeyahay iyo mid dawladdu ay leedahay. Dalka ayaa ah dhaqaalaha ugu weyn ee koonfur bari aasiya iyo xubin ka mid ah G20.
Lacagta wadanka laga isticmaalo waa Indunuusiyan Rupiah (IDR) halkii dollar waxa lagu sarifaa 13,765 IDR, Lacagta dalka Indunuusiya ah. qiimaha lacagta wadanka ayaa aad u hooseeysa laakiin dadka wadanka ku nool waa dad u heellan in ay dhaqaalaha dalkooda sare u qaadaan, waa dad muruq maal ah oo badi ku tiirsan wax soo saarka beeraha, kaluumeeysiga iyo warshadaha.
Indunuusiya waxay xornimadeeda ka qaadatay dalka Holland 17 Ogosto 1945kii kadib dagaalkii 2aad ee dunida. Dadka reer Indonesia intooda badan waa islaam, laakiin waxa jira qaar aaminsan diimo kala inkastoo ay wada noolyihiin oo ay wax dhibaato ah isku qabin. Diinta Islaamka waxaa gaarsiiye ganacsato carbeed oo ganacsi weyn kala dhexeeyay Indonesia.

Dal walba dadkiisa ayaa horumar gaarsiiya!

W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.