Posts

Showing posts from 2019

Faa'iidooyinka Toonta (Tuunta)

Image
Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhanna loogu yeelo cuntooyinka aannu isticmaalno. Dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah. Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, fanguska iyo iyadoo jirka sunta ka saarta. Faa’iidooyinka  caafimaad ee lagu tilmaamay toonta waxaa ka mid ah. 1- Jirka ayay ka ilaalisaa sunta iyo                      jeermiska. 2- Caloosha ayay nadiifisaa marka lagu              darsado malab. 3- Dhiig-karka ayay u fiican tahay waana           dejisaa. 4- Kaadida ayay socodsiisaa, iyadoo furta          wadooyinka ay marto. 5- Hargabka way ka hortagtaa. 6- Calool xanuunka dawo ayay u tahay. 7- Qufaca way joojisaa. 8- Kansarka ayay la dagaalantaa, illaa xad. 9- Gooryaanka ayay dishaa. 10- Qofka caradiisa way yaraysa. 11- Maskaxda ayay u fiican tahay.           12- Ciridka iyo ilkaha way xoojisaa. 1

Waxtarka Caafimaad ee Qumbaha

Image
Waxaan halkan uga hadli doonnaa waxtarka geedka Qumbaha, waxaa la sheegaa waxyaabo badan oo caafimaad muhiim ah in laga helo, laakiin waxaan qoraalkaan ku soo qaadan doonnaa 7 faa'iido oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay, Qumbaha waxaa ka buuxa saliid caafimaadka u fiican, boqolkiiba 90% saliidaas waxay ka samaysan tahay "Fatty acid", saliidda ka samaysan walxahan faa'iido ayaa ugu jirta bani'aadanka, maxaayeelay unugayda jirka oo idil waxaa laga sameeyaa badankood maadadaan "Fatty acid-ka", dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa ama la kala saaraa, laakiin dufanka qumbaha markii jirka uu galo, waxaa toos loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo. Markii dufanka qumbaha tamar ahaan loo keydiyo waxay daawo u tahay cudurka laleemada. Qumbaha waxaa ku jiro aashito loo yaqaano "Lauric Acid" aashitadan waxay awood u leedahay iney disho jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. jeermi

Waxtarka Caafimaad ee Raqayga La Helo

Image
Raqaygu waa miro dhanaan oo ka baxa dhulka kulaalaha ah oo soomaaliya ka mid tahay dalalka dhaca, waxay carabtu u yaqaanaan "Tamar hindi" inkastoo isla magaciisii asalka ahaa ay u yaqaanaan ee "Xamar", ingiriiskune isla magacii carabta ayey qaateen ee "Tamarindi". Geedkani asal ahaan wuxuu ka jeeda Afrika gaar ahaan bariga afrika iyo Madagaskar waxa uuna kusii faafay dalalka Hindiya iyo Bakistaan kadib waxaa loo dhoofiyay jasiiradaha kiribiyaanka. Raqayga waxaa ku jira macaadin fara badan oo jirka aadanaha muhiim u ah Waxaa kamida; . Magnesium: 28% of the RDI. . Potassium: 22% of the RDI. . Iron: 19% of the RDI. . Calcium: 9% of the RDI. . Phosphorus: 14% of the RDI. . Vitamin B1 (thiamin): 34% of the RDI. . Vitamin B2 (riboflavin): 11% of the RDI. . Vitamin B3 (niacin): 12% of the RDI. .  Trace amounts of vitamin C, vitamin K,          vitamin B6 (pyridoxine), folate, vitamin        B5 (pantothenic acid), copper and                    se

Waxtarka Geedka Moringaha iyo Caafimaadka

Image
Moringa Oleifera waa geed kumanaan sano lasoo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba. Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'iido oo aan halkan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kala duwan, haba u badnaadaan baaritaandaas in lagu tijaabiyay xawayaanka. Sidaa darteed waxaan halkaan ku sheegaynaa kaliya 6 faa'iido oo la xaqiijiyay inuu u leeyahay bini'aadanka, iskuna waafaqeen cilmibaarisyo kala duwan. Moringa waa geed aad u nafaqo badan: hal koob oo caleenta geedka markii la shiido waxaa ku jiro 2 gram oo protein ah, Vitamin B6 19%, Vitamin C 12%, Bir 11%, Vitamin A 9% iyo Magnesium 8%. waa geed caleentiisu iyo jiridkiisuba aysan kala yaraysan xaggan nafaqada. waxaa jiro kaniiniyo capsule ah oo laga sameeyay caleenta geedka oo la shiiday, loona adeegsado fitamiin ahaan, waxaana la siiyaa dadka nafaqo darrida hayso. Moringa waxaa ka buuxo waxa loo yaqaano 'Antioxidant': waa walxo

Faa'iidada Caafimaad ee Babaayga

Image
Babaaygu wuxuu ku jiraa qudaarta ama cunnooyinka aadka loo jecel yahay oo maalinle inta badan bulshadu u cuni karto. Wuxuu kamid yahay qudaarta kuwa ugu raqiisan, qiimo ahaan, uguna qaalisan, nafaqo ahaan. Dadka intooda badan waxay cunaan xilliyo kala duwan. Qaar ayaa doorbida inay subaxi cunaan, walow Soomaalidu aysan u badneyn. Halka inteenna badanna aan xilliga qadada qaadanno. Hayeeshe, sinna uma xuma inaad cunto Babaayga waqtigii aad doonataba. Haddaba, waxaan kuu sheegi karnaa dhowr faa’iido oo laga heli karo Babaayga. Babaayga waa cunno macaan oo lagu cabeeyey nafaqo. Waxaa ku jira maado kobcisa unugyada jirka. Babaayga wuxuu leeyahay dihin liddi ku ah Kansarka. Maadooyinka kobciya unugyada ee Babaayga ku jira waxay sare u qaadi karaan caafimaadka wadnaha. Babaaygu wuxuu la diriraa caabuqa ka dhasha cudurro badan. Babaaygu wuxuu sare u qaadi karaa Dheef-shiidka. Waxay kahor-tagaan wax-yeellada soo gaari karta maqaarka qofka.

Faa'iidooyinka Laga Helo Cunista Cinabka

Image
Cinabku wuxuu kamid yahay miraha aadka u macaan oo dunida meelo badan laga helo. Dad badan waxaa laga yaabaa inay kaliya macaankiisa ka helaan, hayeeshe aysan ogeyn faa’iidada ku duugan cunista cinabka. Haddaba waxaan halkan kusoo gudbin doonnaa dhowr faa’iido oo cunista Cinabka laga helo. 1. Wuxuu daweeyaa neefta. 2. Wuxuu xoojiyaan lafaha. 3. Wuxuu kahor tagaa cudurrada ku dhaca       wadnaha. 4. Wuxuu baabiyaa calool-fuurka. 5. Wuxuu furaa ama bogsiiyaa dheef-                 shiidka. 6. Wuxuu maareeyaa kaadi-macaanka. 7. Wuxuu daryeel u yahay caafimaadka             ilkaha. 8. Wuxuu daweeyaa xanuunada qaar ee ku      dhaca kilyaha. 9. Wuxuu isu dheelli tiraa dufanka raaca          dhiigga. 10. Wuxuu ka hortagaa bacteriyada jirka             soo weerarta. 11. Wuxuu kahor tagaa Kansarka ku dhaca         naasaha. 12. Wuxuu si dadban ula diriraa                            Anemiyada ama dhiig-yaraanta.

Waxtarka Caafimaad ee Qaraha

Image
Faa'iidooyinka caafimaad ee Qaraha/Xabxabka. (1) wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiig, wuxuna maamula macdanta iyo aashada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa. Hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyihiisa. (2) Wuxuu ku jirta maadoyin la yiraahdo citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL). (3) Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah; alcium, magnesium, potassium and sodium. Wuxuuna aad u anfacaa dadka meelaha kulul jooga. (4) Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah Beta-Carotene, Vitamin A, lycopene, vitamin C, lutein and zeaxanthin. Oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha. (5) Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha; asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joo

Faa'iidada Caafimaad ee Lowska Laga Helo

Image
Lawska wuxuu faa'idooyin badan u leeyahay jirka bini'aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo gudbin doonaa faa'idooyin lagu xaqiijiyay cilmibaarisyo kala duwan: Wadnaha: Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa'ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaalamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga (Stroke). Macaanka: Diraasad mar dhaw la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu yareeyo boqolkiiba 21% halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay inay tahay maaddo ku jirto lawska oo loo yaqaano "manganese" taasoo muhiim u ah kontaroolka sokorta jirka. Dhagaxa xameetida: Cunista lawska wuxuu ka hortag u yahay dhagaxaanta ku samaysma xameetida, taasoo badanaa la burburiyo ama xameetida lala soo saaro. Kansarka: Lawska waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano "beta-sitosterol), waxay maadadaan ka hortagtaa samaysanka burooyinka, waxayna xakamaysaa korriimadooda, diraasad

Faa'iidada Ku Jirta Cunista Basbaaska

Image
Basbaasku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka dunida aadka looga yaqaano, inkastoo basbaasku ku caan baxay kuleelka laakiin wuxuu ku jira fitamiino iyo macdanno jirka wax u tara, waxaana ugu horreeyo fitamiin c, fitamiin B6, fitamiin K, fitamiin A iyo Boostaasiyam, Waxaa intaa sii dheer in basbaasku uu xambaarsan yahay walxo daawo ahaan loogu isticmaalo cudurro dhowr ah, walxahaas oo qaarkood basbaaska kaliya laga helo, waxaana ugu caansa maadada "Capsaicin" oo hadda laga sameeyo daawooyin iyadoo la adeegsaday cilmibaaris tiro badan. Waa maxay faa'idada basbaaska? Waxaa basbaaska loo adeegsadaa in lagu daaweeyo xanuuandaan hoos ku qoran: Xanuun baab'iye: maadada capsaicin ee laga helo basbaaska ayaa waxay xambaarsan tahay awood ay ku yaran karto xanuunada khaasatan xanuuanda neerfaha ka dhasho, waana sababta keentay in maadadaan laga sameeyo kareemyo loo adeegsado xanuun baa'biye ahaan oo loo yaqaano "Capsaicin ointment". Miisaan ridista: cilmiba

Waxtarka Caafimaad ee Moosku u Leeyahay Jirka

Image
Moosku wuxu ka mid yahay miraha ugu caansan aduunka. Qudrada mooska oo ka mid ah miraha sida joogtada ah ay soomaalidu u cunaan ayaa leh Faa'iidooyin farabadan kuwaas oo badankoodu kobciya caafimaadka Jirkeenna. Halkan waxaan ku soo koobi doona Faa'iidooyinka ugu muhimsan mooska. 1. Moosku wuxuu ka kooban yahay 3sedax sonkorood (SUGAR) oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano fiber waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii tamar loo siin lahaa Jirka. 2. Moosku wuxuu daawo u yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysaa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani'aadamka. 3. Mooska waxaa ku jira vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucose-ka ku jirja dhiigga dawana u ah cudurka loo yaqaan PMS. 4. Moosku wuxu daawo u yahay cudurka Anemia ama birta oo ku yaraata dhiigga isagoo kordhiya soo saarka Hemoglobinka. 5. Moosku wuxu daawo u yahay kor u kaca cadaadiska dhiigga waxaa ku bada

Dhowr Xabbo oo Timir ah Maalintii Waxa ay Ku Siin kartaa Faa’iido badan

Image
Waxa aad u tiro badan  daraasadaha xaqiijiyay faa’iidooyinka aadka u wayn ee timirtu ay u leedahay  caafimaadka, waxaana mirahan qaab dhismeedka yar ay u wanaagsan yihiin caafimaadka wadnaha iyo habka difaaca jirka. Dad badan ayaa ku dadaala cunista timirta maalin kasta gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Carabta, waana dhaqan soo jireen ah oo kummanaan sano soo jiray. Timirtu waa mid kamid ah cuntooyinka ugu badan ee waxtarka u leh caafimaadka, waxa ku jira macdano muhiim u ah jirka iyo sidoo kale vitaminada nafaqada ee dhirta. Timirta waxa ku jira macdanaha kala ah copper, iron, magnesium, manganese, iyo sidoo kale tiro vitamino ah sida vitamin “B” iyo sido kale “B6”, niacin, pantothenic acid, riboflavin, waxa kale oo ay hodanka ku tahay vitamin “A” iyo “K” iyo maadooyinka carotene, lutein iyo zeaxanthin ee dhirta laga helo,waxa kale oo kujira nidaamka dheef-riddiqa. Daraasad cusub oo dhawaan lagu daabacay  majalad cilmiyeed gaar u ah caafimaadka cuntada oo Maraykanka kasoo bax

Faa'iidooyinka Caafimaad ee Yaanyada

Image
Qolofta yaanyada sida qolofta tufaaxa waxaa ka buuxa faaidooyin iyo vitamino badan oo jirku u baahan yahay,waxana ay ka difaacda xanuuno badan iyada oo waliba jirka ay ka bad baadiso halista xanuunada wadnaha. Waxaa intaa oo dhan sabab u ah maadada cajiibka ah ee kujirta yaanyada taaso ah maadada loo yaqaano Lycopene. Kama shaqayso oo kaliya in maadadani ay ka dhigto yaanyada midabkeeda casaan balse waxaa kale oo ay ku biirisaa yaanyada vitamino badan oo jirka siiya faaidooyin badan oo caafimaad. Maadada ’’Lycopene’’ waxa ay kamid tahay qoyska ’’Carotenoids’’ waxana ay ka shaqaysaa ka hortaga dhaawaca ku yimaada unugyada jirka isla markaana waxay ilaalisaa unugyada jirka. Maadadan ayaa sido kale gargaar ka gaysata daawaynta Cholesterol-ka xun ee loo yaqaano”Cholesterol(LDL)”,waxana ay hoos u dhigtaa heerka Cholesterol-kaan ee dhiiga kujirta, iyada oo sido kale ka caawisaa ka hortaga cudurka Prostate Cancer. Maadadan Lycopene waxa kale oo ay kujirtaa, qaraha iyo labada

Faa'iidooyinka Caafimaad ee Saliid Macsarada

Image
Macsarada waa saliid aad u qaali ah lehne faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin. Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii Saliidaha" waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba. Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela. Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah: 1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon. 2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay "Antioxidant" awood leh. 3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi'iye ah. 4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la'aan

Waxtarka Caafimaad ee Cambaha

Image
Cambuhu waa midho macaan oo cunno iyo cabitaan ahaanba loo isticmaalo, wuxuu aad uga baxaa dalkeena iyo meelo kaloo dunida ka mid ah. Cambaha wuxuu ku jiraa midhaha ugu caafimaadka badan ee la cuno. Waxaan halkaan ku soo aruuriyay faa'idooyinkiisa caafimaad khaasatan kuwa cilimibaaris ahaan loo ogaaday: Cambaha waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan, taasoo tamar iyo caafimaad bini'aadanka uu ka helo sida fitamiinnada kala duwan, macdanta botasiyam, magniisiyam, birta iyo siliniyam. Inkastoo cambuhu uu macaan yahay laakiin wuxuu xakameeyaa heerka hormuunka loo yaqaano Insulin-ta ee hoos u dhiga sokorta. Cambaha waxaa ka buuxo maadada buunshaha ee "Fiber" loo yaqaano, sidaa awgeed wuxuu daawo iyo ka hortagba u yahay calool fadhiga. Cambaha wuxuu nafaqeeyaa bakteeriyada nuuca faa'idada leh ee mindhicirrada ku jirta taasoo jirka ku caawisa nuugista nafaqooyinka qaar ee cunnada laga helo. Cambaha waxaa ku jira dheecaan-burburiye "Enzymes" qaabilsan sok

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Isbaandheyska

Image
Maanta waxaan ka hadlaynaa geedka loo yaqaanno "Isbandhays", waa miro cabbir ahaan la eg ukunta ama geedka saytuunka sida ka muuqdo sawirka kore, waa miro dhanaan oo badanaa laga isticmaalo koonfurta soomaaliya. Isbandhays-ka waxaa laga isticmaalaa wadamo kooban gaar ahaan wadamada laatiin ameerika, qaar ka mid ah wadamada aasiyada fog iyo wadamo fara ku tiris ah oo qaaradda Afrika ku yaallo, cunno iyo cabitaan ahaanba waa loo adeegsadaa, saladkane waa lagu jarjartaa inta qolofta sare laga fiiqo, lafta gudaha ku jirtane laga tuuro. Mirahaan wuxuu leeyahay faa'iidooyin nafaqeed markii cilmibaaris lagu sameeyay: Waxaa Isbandhayska aad uga buuxa maadada kaalsiyamta ama lafaha kobciso, muhiimna u ah caafimaadka wadnaha, dalka indonesia waxaa laga aaminsan yahay in isbandhayska uu daawo u yahay wadne xanuunka. Isbandhayska waxaa ka buuxo fitamiinka A iyo C, kuwaasoo sun-saarayaal u ah jirka (Anti-oxidants), faa'iidooyin kalane xambaarsan sida caafimaadka aragga,

Cabdiqaadir-Bagaag: Shamac Ka Mid ahaa Kuwii Fanka Ifiyey

Waxa qoray: Cumar Seerbiya. Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan Curre oo loo yaqaannay Cabdiqaadir-Bagaag, intii u dhaxaysay 1951 illaa 1952 ayuu ku dhashay degmada Goldogob ee gobolka Mudug. Ka dib wuxuu ku barbaaray magaalada Gaalkacayo sida uu ii sheegay Mu’alifka heesta caan baxday ee Qarad, Pro. Cabdiqaadir Maxamed Shirwac oo ay waxbarashada ka wada bilaabeen bilawgii 1960-kii dugsiga hoose ee Gaalkacayo , waxayna fasalka labaad ahaayeen sannadkii 1963 isaga oo markaasi da’ahaan ku qiyaasay Bagaag inuu 11 ama 12 sanno jir ahaa. Intaan og ahay magaca “Bagaag” waxa loo yaqaannaa qofka sanka gaaban , laakiin Cabdiqaadir ma ahayn nin sangaaban tilmaanta Soomaalida. Saaxiibbo ay aqoon gaar ah isu lahaayeen oo aan weydiiyey na iima ay sheegin sabab kale oo loogu bixiyey “Bagaag”, waxaa na dhici karta in naanaystan lafteedu macno kale lee dahay. Cabdiqaadir-Bagaag waxay magaalada Gaalkacayo ku wada noolaayeen Cabdiqafaar Ciise Cagoole oo aqoon shakhsi ah iyo mid xigaalba oo isku lahaayee

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Isbayn

Image
Dalka Spain wuxuu Dhacaa jasiirad u’ekaha Aybeeriya - Iberian peninsula, ee qaaradda Yurub. Waxa kaloo jira jasiirado ka baxsan dhulka qaaradda Yurub oo katirsan dalka Spain oo kala ah, jasiiradaha Kanari  (Canary Islands) oo dhaca xeebaha galbeed ee qaaradda Afrika iyo jasiiradaha Baleerik (Balearic islands) oo dhaca  badda Medetereniyaanka. Waxaa kaloo jira laba magaalo oo katirsan Spain oo ku yaalla gudaha dhulka xeebaha ah, ee wadanka Morocco, waana Siyuta iyo Melliila (Ceuta and Melilla). Spain waa dalka kaliya ee Yurub ah, ee xuduud dhuleed la leh, dal dhaca qaaradda Afrika. Waxaa kaloo jira jasiirado yaryar oo dhaca badda Alboran ee u dhaxaysa Spain iyo Morocco. Dhulka Spain, waxaa koonfurta iyo bariga ka xiga, badda madetereeniyaanka. Waxaa sidoo kale koonfur ka xiga Gibraltar oo ah dhul uu Ingiriisku ka haysto boqortooyada Spain. Waqooyi iyo waqooyi bari waxaka xiga Faransiiska iyo Andora, galbeed waxa ka xiga Bortaqiiska iyo badwaynta Atlaantiga - Atlantic ocean. Baaxadda

Labaatan Sanadood Kadib Guusha Jacaylka, Axmed Saleebaan Bidde

Image
Qisada jaceyl ay ku curteen Heesaha Maxaa Lurey Naftaadii? Sida geed Caleenle iyo Onkod roobka ma daayo. “Dugsiga Dayaxa oo wax lagu dhigan jiray ayaan Enjineer leydhka u shida ahaa warshadii leydhka, markaan saddex sano halkaasi joogay ayaa ninkii haystay oo cadaan ahaa halla badalo Axmed yidhi, 1966kii ayaa Hargeysa la iisoo badalay, markaan bilo joogay ayaan gabadh wada sheekaysanay aan hore u aqaanay oo aanu isku xaafad ahayn, walaalo ilaahay ayaanu noqonay gabadhii oo si aad ah isku jecel, cid kalena iskamaan siin iyadna cid kale ima siin. 1968 ayaa calafkii oo aan ogeyn jaceylkayaga na kala qaaday, waxaa guursaday gabadhii nin Soomaali ah oo Koonfur kasoo jeeda meesha Jilib la yidhaa ayuu la tagay, maalmahaasi waxaan garan waayay waxaan sameeyo qofkii aan balansaneyn oo aan jeclaa oo la iga guursaday dhib iyo amakaag ayay igu noqotay, maalmo badan runtii jaad iyo heeso ayaan kusoo jeeday, waxaa la I tusay gabadhii oo cabanaysa oo ninkii ay is fahmi laayihiin. Markaasi ay

Waxtarta Caafimaad ee Laga Helo Baamiyaha

Image
Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheef-siinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyahu, waa geed aad uga baxa dalkeenna laguna beerto labada wabi inta u dhaxaysa. Nafaqadabaamiyaha: •Baamiyaha waxaa aad ugu badan vitamino iyo macdanno, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc Waxtarka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay: Caafimaadka dheefshiidka: •Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka. Kobcinta aragga: •Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha. Caafimaadka maqaarka: •Baamiyaha waxaa ku bada

Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Taylandi (Thailand)

Image
Boqortooyada Thailand waa dal dhaca koonfur-bari qaaradda Asiya. Dalkani waxa uu xudduud dhuleed lawadaagaa wadamada Myanmar (Parma), Loas, Campodia iyo Malaysia. Wuxuu xudduud badeed lawadaagaan wadamada India iyo Indonesia. Baaxadda Guud ee dalkiisu waa 513km oo km oo laba jibaaran, waa dalka 50aad ee ugu baaxadda wayn dunida, waana mid dhaca marin aad muhim u ah. Taayland waxay ka baaxad wayn tahay wadamada midowga Yurub oo dhan marka laga reebo France. Tirada dadka wadanka ku nool waa 69Milyan oo qof waa dalka 20aad ee ugu dadka badan dunida. Thailand waa boqortooyo leh nidaam baarlamaani, dimuquraadi ah, afgambigii 2014-kii dhacay ayaa sababay in awoodda dalku hoostagto Millatariga. Dalkani waxa uu ka kooban yahay 76 Gobol oo usii qeybsama 878 dagmo. Caasimaddiisu waa Bankook oo ah magaalada ugu wayn dalka. Thailand waa dal kamida dalalka horumaray oo qaatay nidaamka warshadaha. Wadanku waa mid leh waxsoosaar aad u xooggan. Dalkani waa kan 26aad ee ugu dhaqaalaha badan