Posts

Showing posts from December, 2017

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Image
Maahmaah ama murti waa uun xikmad, sidaan ku balanqaadnay maadaama aqristayaal badani jecel yihiin, waxaan garanay inaan qaybta suugaanta ku soo kordhino, qoraalo maahmaaho iyo xikmada Soomaali ah, oo aan wadan hadal fuxshi iyo asluub xumi ah, kuwii diiniga iyo caalamagii ahaana sidoodii bay u soconayaa, markaas waa tan qaybtii ugu horaysay, si joogta ahna waan u sii kordhinaynaa hadba. 1- Aan wada hadalno, waa aan heshiino. 2- Abaal dad galaa badan, dad gudaa se yar. 3- Abaal raaga rag baa leh. 4- Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey. 5- Af Daboolan, Dahab waaye. 6- Af jooga looma adeego. 7- Af macaan gacan macaan baa dhaanta. 8-Af wax cunay xishoo. 9- Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa. 10- Afxumo nabad way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto. 11-Afkii dab yiri ma guban. 12- Alif kaa xumaaday Albaqra kaagama hadho. 13- Allaah aamine ma iisho. 14- Allaah wate wehel uma baahna. 15- Allow aqoon xumo hannagu cadaabin, eexona hannooga teg

Sagootintii Aduun ee Aakhiradda noqotay ee Ifraax iyo Iimaan

Image
Waxaa ay ahaayeen gabdho agoonimo lagu soo koriyay kuwaas oo hada uun la jaan qaaday carfta aduunka , waa xiligii ay hooyadood sugeysay miriha ubixii ay kalinimada kusoo korisay.   Qoyskaan waxaa uu ka koobnaa 4 qofood sadex gabdhood iyo hal wiil waana Iimaan, Ifraax, Iftin iyo Saadaq, hooyada qoyskaan waxaa la yiraahdaa Sahro taas oo sawiradda hoosana qeyb ka ah. Iimaan, Ifraax iyo Iftin ayaa shalay oo aheyd 14-ka June 2017 waxa ay goobta lagu nasto ee Pizza House ka codsatay iney u raacaan gabar xaamilo aheyd oo ay daris ahaayeen taas oo sida la ii sheegay safar u aheyd dibadda “ Fadlan saaxibayaal isagootiya oo aan soo wada galno sawiro xasuus ah “ ayuu ahaa balanka saddexda gabdhood ee walaalaha ah iyo saaxibtood sida ay ii sheegtay Xamda oo ay isla soo koreen gabdhaha xaqdarada lagu dilay. Jawiga ay ku jireen inta uusan qarax iyo weerar ku qabsan goobta lama suureyn karo, laakiin si mala awaal ah hadii aan u hadlo waxey ku jireen jawi farxadeed madaama ay Afurki

Jahwareerka

Jahawareerka Idaajaa  Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?”  ee  Axmed F. Cali “Idaajaa”:  Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal  Shiddaad Libaaxa mooday?!  Maxamed Xaaji Caddoow  London, England  Email: mohamedadow@hotmail.com  Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa aniga iyo rag kale oo fuushan  (saaran) gaari (baabuur) ayaa waxaa si kedis ah uga soo hor baxay gaarigii  aan la soconnay calaamadda (astaanta) guduudan (cas ) ee ishaarada  (taraafikada) kala hagta gaadiidka.  Waxaa sharci ahaan dirqi (khasab)  nagu noqotay in aannu istaagno. Intii aannu sugaynay is-bedelka midabka  nalka (laydhka) ayaa mid ka mid ah rakaabkii  baabuurka milicsaday  (dayay,  jalleecay) boor (tabeello) muujinayay in ay buqcadaas (goobtaas) tahay meel  soohdin (seere, xuduud) ah oo kala  jarta (kala goysa, kala qaybisa) ) labo  xaafadood (degmo)  oo ka mid ah xaafadaha (degmooyinka) maamul (idaaro)  ahaan xagga maamul

Sidee baad ku noqon kartaa qof la jecel yahay?

Image
Haddii aynu nahay bini Aadam waxa aan had iyo jeer jecelnahay in aan helno wax kasta oo aynu jecelnahay. Sidoo kale kama maaranno in aan mar walba aragno dad ina jecel oo ina danaynaaya. Haddaba waxa is waydiintu tahay maxaa qofna loo jecel yahay oo dhankiisa loogu ordaa qofna loo karhaa oo loo dhibsadaa amaba aan xaggiisa cidiba u eegin. Waxa se aad intaaba ka jeclaan lahayd in aad ogaato sida aad ku noqon karto qofkaas dadku jecel yihiin ee ay mar walba xiiseeynayaan la joogiisa. Waxa jira waddooyin badan oo haddii aad raacdo ay dadku kugu jeclaan doonaan. Waddooyinkan maaha kuwo kaaga baahan xeelad iyo wax kale toona. Kaliya waa fan kaaga baahan in aad hirgaliso kadibna ku dhaqanto. Hubaal haddii aad ku dhaqanto qodobada aan kuu sheegi doono noloshaada waa ay beddeli donaan, waxa ayna horumarin doonaan xidhiidhada idiin dhaxeeya adiga iyo bulshada kugu xeeran. Waxa aad se maanka ku haysaa in ay dadku kala jaad jaad yihiin, qof kastaana uu leeyahay dhaqan u gooniya