Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Baraasiil (Brazil)

Jamhuuriyadda Federaalka ee Brazil, waa waddanka ugu weyn ee Laatiin Ameerika. Bedka dhulkiisu waa 8.5 milyan oo kiilomitir oo laba jibaaran (3.2 malyan oo mayl laba jibaaran) waxaa ku nool dad lagu qiyaaso in ka badan 208 malyan, Brazil waa wadanka shanaad ee ugu weyn dunida oo dhan iyo kan lixaad ee ugu dadka badan. Waa dalka 8aad ee ugu dhaqaalaha xooggan dunida.
Waxay ka kooban tahay 26 gobol oo federal ah iyo xarunta dalka oo ka gooni ah.
Caasimaddiisu waa Baraasíliya (Brasilia). magaalada ugu weyn uguna dadka badan waa São Paulo oo ah xarunta ganacsiga dalka. Luqadda rasmiga ah waa Bortaqiis.
Baraaziil waxay leedahay xeebta ugu dheer Laatiin Ameerika oo ah 7,491 kilomitir (4,655 mile). Waxay xad la leedahay dhammaan dalalka koonfurta Amerika marka laga reebo Ecuador iyo Chile. Waxa mara webiga Amazon oo ah webiga labaad ugu dheer dunida iyo kan koowaad ee ugu biyaha badan caalamka. dhanka bari waxa ka xiga badweynta Atlantika,
Brazil waa dalka ugu dhaqaalaha ballaaran Laatiin Ameerika, dhaqaalaha Brazil waa $2.054 trillion, sida ku cad qiyaastii ugu dambaysay 2018. Brazil waxay leedahay dhaqaale isku dhafan oo leh kheyraad dabiici ah iyo midka warshadaha. Kadib kobac degdeg ah oo dhan walba ah, waddanku waxa uu garaay heer aan la maleyn karin. Baraasiil ayaa noqotay suuqa afaraad ee baabuurta dunida iyo kan koowaad ee Laatiin Ameerika.
Brazil waxay dhoofisay sanadkii 2017 badeeco gaarayna $217.7 billion.
waxay noqotay dalka 13aad dibadda wax u dhoofiya, wadamada ay wax u dhoofiso waxa ka mida Maraykanka, Shiinaha, Midowga yurub, Ingiriiska, Arjantiina iyo Jabbaan.
Waxay dibadda kasoo iibsatay 2017kii, badeeco lagu qiyaasay $150.72 billion. waxay kaalinta 12aad ka gashay wadamada wax soo dhoofsada.
Meelaha ay badeecadaha kala timaado waxa ka mida, Shiinaha, Maraykanka, Midowga yurub iyo Jabban.
Baraasiil waxay dhoofisaa waxyaabaha ay ka mid yihiin qalabka korontada, gawaarida, dharka, kabaha, macdanta, birta, bunka, iyo hilibka lo'da. Guud ahaan, Brazil ayaa ku jirta kaalinta 13aad ee wax dhoofinta dunida.

Dal kasta dadkiisa ayaa dhisa...

W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.