Iyadoo Indhaha iyo Dhegahaba La' ayey Nolosha Guul ka Gaartay!

 Magaceeda waa Helen Keller, waxa ay ku dhalatay, Tuscumbia, Alabama - dalka Mareykanka,  Bishii June 27-keedii Sannadkii 1880-kii, waxaana ay wax ku baratay college-ka Radcliffe Sannadihii u dhexeeyay 1900 ilaa 1904.
Waxa ay noqotey, Helen qalin jibinteeda ka dib macallimad wax ka dhigta jaamacadaha iyo dugsiyada waddanka mareykanka qaar ka mid ah, waxay kaloo ahayd qoraa allifay buuggaag badan islamarkaasna u ololeeya siyaasadda oo ay dawr weyn ka qaadatay.

Hellen waxa ay aheyd qof indhoole ah, oo hadana dhegaha la', waxay noqotay gabadhii ugu horraysay ee indhaha iyo dhegahaba la’ ee qaadata heerka koowaad ee jaamacadda, Bachelor of Art degree.

Hellen marna isma dhiibin kama aysan harin in ay raadiso sidii ay nolasha heer sare uga gaari laheyd una guulaysan lahay iyada oo lixaadkeedu uu kala dhiman yahay.

Murtiyada qiimaha badan ee laga dhaxlay waxaa kamid ahaa: “Inaad indhoole noqoto waxaa ka xun in aad indho wax arka haysato balse aragtida qalbiga aad la’dahay.”

Waxaa kaloo kamid ahaa murtidii laga dhaxley:

“in aad la socoto ruux saaxiib aad tihiin meel mugdi ah waxa ay ka wanaagsan tahay in aad keligaa meel iftiin leh socoto.”

Helen waxa ay geeriyootay 1-dii June, 1968-kii iyadoo 88 sano jir ah.

Dulucda qormadani waxa ay tahay: maadaama uu Eebe ina siiyay awoodo gaar ah oo aan ku guuleysan karno, waa in aan ka faa’iideysano. waxaa xaqiiq ah in awoodaha uu Illaahay inagu mannaystay aysan lahayn xuduud, waa in aan raadinaa sidii aan u guulaysan lahayn adduun iyo aakhiraba.

Waxaan filayaa in Helen tusaalo noogu filantahay haddii ay indhaha iyo dhagahaba la’ayd haddana ay guuleysaty maxaa inoo diidaya in aan guuleysano iyada oo uu Eebaheen inoo dhamaystiray lixdeena lixaad.

Waan awoodnaa Waana guulaysan karnaa annagoo Alle talo saaraneyna.

W/Q. Cabdiweli Maxamuud Xasan


Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.