Ninka Ugu Timaha Dheeraa Dunida


Tran Van Hay oo Dhararka Timihiisu dhamaayeen 6.8 Mitir ahaana qofka ugu timo dheer dunida sidaana ku galay Buuga lagu keydiyo Dhacdooyinka Aduunka ee World Genneuess Record ayaa dhintay maanta.

Ninkan oo degan Gobolka Kien Giang ee Dalka Shiinaha ayaa sanadkii 2004 noqday qofka ugu timo dheer aduunka isagoo markaa dhararka timihiisu dhamaayeen 5.6 Mitir  isagoo noqday qof ay u dalxiis tagaan dadka Shiinuhu.

79-jirkan Hay oo ku noola Gobolka Kien Giang ee Koonfurta Shiinaha lana Jaar ah dalka Vietman ayaa noloshiisa ku dabari jiray inuu iibiyo dawoonkin dhirta laga sameeyo isagoo ku noola nolol iska caadi ah.

Laakin intuu noola oo uu saxaafadda u waramay u sheegay in timihiisu ay dhibaato ku hayaan isagoo tilmaamay inaanu raaci karin Mootooyinka iyo Tagaasida taasina ay inta badan ku kalifi jirtay inuu lugeeyo.

Sida ay sheegtay Xaaskiisa Nguyen Thi Hao ninkan ayaa Timihiisa aan jarin muddo ku siman 50 Sano iyadoo ku sababaysay inuu bukoon jiray markuu timaha jaro.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.