Posts

Showing posts from April, 2018

MAHATIR MOHAMED IYO KOBICII MALAYSIYA

Image
Mahatir mohamed waa raisul wasaarihii hore ee Malaysia, waxa uu raisul wasaare noqday 16 July 1981, waxaana lagu tiriyaaa inuu yahay hogaamiyaashii hormoodka ahaa xaga siyaasadda iyo kobcinta dhaqaalaha ee Asia, waxaana u suurta gashay inuu bedelo Malaysia isaga oo kasoo bilaabay meel hoose ilaa uu  gaadhsiiyey heer ay Malaysia noqotay dawladaha ugu horreya xaga dhaqaalaha. Lakin Mohatir 31 October 2003 waxa uu gudbiyay istiqaaladiisii waxaanu go'aansaday inuu iskaga dago jagada uu hayay, waxaanu iskaga baxay siyaasadda si uu fursad iyo jaanis u siiyo dhalinyarada dalkiisa si ay usii amba qaadaan horumarka uu dhidibada u taagay ee uu heerka sare gaadhsiiyey. DHALASHADIISII IYO KORNIINKIISII: Mohatir Mohamed waxa uu ku dhashay sannadkii 1925 gobolka keydah ee Malaysia, waxbarashadii kulliyadda Sultan AbdulHamid, kadibna waxa kuu ku biiray kulliyada caafimaadka ee Malay oo ku taala Singapore, waxaanu sidoo kale Dr.Mohatir ka bartay Arrimaha xidhiidhka duwaliga jaamacadda Ha

Qoyska Reer Boqor ee Sacuudigu (سلالة السعودية )Asal Ahaan Waa Yuhuudda is Qarisa (Crypto-Jews)

Image
Qoyska Reer Boqor ee Sacuudigu (سلالة السعودية )Asal Ahaan Waa Yuhuudda is Qarisa (Crypto-Jews) Sannadkii 851-dii H.D (Hijriyada Kadib) baa koox raga oo ka soo jeedday qoladii AL MASALEEKH (المساليخ ), oo ahayd jifo ka tirsanayd Qabiilkii Cansa (Anza Tribe عنزة), safar ku aadday Ciraaq si ay waxyaalaha la cuno sida qamaddi iyo galley uga soo gataan, kadibna ku soo noqdaan meeshay ka tageen oo ahayd Najad oo hadda ka tirsan dalka Sacuudi Carabia. Kooxda waxaa hoggaaminaayay nin la oran jiray SAHMI BIN HATHLOOL سهمي بن هذلول. Safarkii markuu gaaray Basra, waxay xubnihii safarku la kulmeen nin ganacsade ahaa oo Yuhuudi ahaa lana oran jiray MORDAKHAI BIN IBRAHIM BIN MOSHE'. Intii ay badeecadii gorgorinaayeen baa ganacsadihii Yuhuudka ahaa weyddiiyay nimankii: “Xaggee ka timaaddeen? Waxay ku jawaabeen: "Waxaan ka soo jeednaa Qabiilka Cansa; oo ah jifo kamida AL MASALEEKH. "Ninkii Yuhuudka ahaa markuu maqlay intaas buu si beerqaad leh mid walba oo raggii ah gaaddada u saaray

Dhibanaha aan dhalan

Sheekadaan waxaa qoray qoraaga caanka ah ee Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” isagoo xus uga dhigay sheekadaan 37dii ardey iyo 4tii macalin ee sida arxan darrada ah ay ugu xasuuqeen magaalada Boorama diyaaradihii Xabashidu iyo kuwii kale ee ay nolosha ku naafeeyeen 30kii Janaayo 1984tii. ________________________ Qeybta Koowaad “Nin walba halkii bugtaa isagey belbeshaaye, nin hooyadiis oohinteed maqlayow koleyba waa eedaadkaaye adigiyo urugadaa dheh, nin walaashiis ka ag barooraneysow ciishootaye adigiyo ciilkaa dheh, anigana tiiraanyadey iyo taahey dheh, saa gabartaan jeclaa baan ba’aydeeda haweeniyo baroorteed maqlayaa, magaceedu waa Bilan, bil soo baxday weeye, qalbigey bishaa, oo ballan baanu lahayn, quruxdeedu waa dhif, biyo dahab la moodaa, jidhkeedu waa xariir, dun macaan ka bow dheer, anuun baa maleyn kara. Bilan Aw Jaamac abuurkeedu waa yaab, waa murwadii riyadeydee, col ma loo quudhi karaa?” Dunideenu waa yaab badan tahaye, waxaa dhacday gabar labaatan sano jirta oo Bilan Aw