Posts

Showing posts from October, 2017

Daawo wiil jaamacada Hargaysa ka baxay oo Xamar ka ah kabalyeeri Hoteel

Mustaf Xusen Maax oo wax ku bartay jaamacada Hargaysa ayaa hadda ah shaqaale ka tirsan hoteelka Jariisa ee caasimada Somalia ee Muqdisho. Mustaf ayaa waxa uu ku shaqeeyaa kabalyeerino, waxa uu ka sheekaynaaya sida uu shaqadan ku bilaabay iyo waxa uu raadsan waayey sahqo kale maadaama oo uu jaamacad ka soo baxay.

Nin Maxkamad La Tiigsaday Xaaskiisa oo uu Ku eedeeyey in ay Markii Labaad u Dhashay ilmo Fool Xun

Image
Waxa ay noqotay qiso layaab leh oo markii labaad ku soo noqotay dhegaha dadka caalamka ku nool, gaar ahaan wadanka Shiinaha kadib markii nin lagu magacaabo Jan Fing uu xaaskiisa maxkamad la tiigsaday sidaana ku dalbaday in laga furo maadaama ay dhalayso caruur muuqaal ahaan aad u fool xun aadna uga duwan dhammaanba dadka ehelkooda ah labada dhinacba iyaga oo aan haba yaraatee qofna uga ekayn labada qoys ee ka soo jeedaan ubadkani. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Huffington Post, Jan Fing oo ku nool deegaan ku yaalla Woqooyiga wadanka Shiinaha ayaa waxa uu isu diyaarinayay todobaadkan in uu helo ilmihiisii labaad kaasi oo markii uu dhashay madax xanuun ku riday isaga oo aad uga carooday muuqaalka ilmaha yar oo uu ku tilmaamay mid aad u fool xun. Hore ayay sannadkii 2011 u dhacday in ilmihiisa hore ninkani sidan oo kale uga cawday fool xumo isaga oo waqtigaasi maxkamad geeyey xaaskiisa kuna eedeeyey in aanu isagu dhalin ilmahaasi yar ee foosha xun balse m

Buugga dhacdooyinka layaabka leh ee Genius World Record oo shaaciyey haweenayda Adduunka ugu garka weyn

Image
Buugga dhacdooyinka layaabka leh lagu ururiyo ayaa ku daray daray layaabka dunida sannadkii 2016kii haweenayda loo aqoonsaday midda ugu gerka weyn haweenka adduunka wakhtigan ee ugu da’da yar. Inkasta oo ay jiraan haween ger weyn lihi haddana waxa ay Harnaam Kaur  noqotay oo loo aqoonsaday haweenayda ugu da’yar ee ugu gerka weyn. Harnaam Kaur oo 26-jir ah ayaa noqotay haweenay la baxday garka ragga oo kale kadib markii timo aad u badani garkeeda ka soo baxeen oo ay in muddo ahna dhaqaalaynaysay oo aanay tin kali ah ka xiirin kadib markii la sheegay in khalal ku yimid hormoonadeedu sababeen in timo saa’id ahi ka soo baxaan wajigeeda iyo laabteeda. Harnaam Kaur oo ka soo jeeda deegaanka Slough Berkshire ee dalka Ingiriiska ayaa dhalatay sannadkii 1990-kii waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in jirkeeda uu ku badan yahay hormoonka kobciya timaha waxaana jirkeeda ku badan timo badan illaa garkeedu la mid noqday garka ragga. Haweenaydan oo u warramaysay idaacadda BBC iyo wargeyska Daily M

Nin ilaaliyaha gurigiisa ee gaarka ah u doortay yaxaas aad u weyn oo dad cun ah.

Image
Sida badan dadku marka ay doonayaan in ay ilaaliye u doortaan hoyga ay degan yihiin waxa ay adeegsadaan eeyaha ama walxo qayliya haddiiba agagaarkaasi laga soo dhawaado sida qalabka firinbiga ama siidhiga ah iyo Kamarado wax duuba amabase rag shaqaale ah balse waxa ay shucuubta adduunku inta badan ka siman yihiin baadiye iyo magaalaba isticmaalka eeyaha oo ay u adeegsadaan waardiye ahaan oo ay guryahooda ku dhaqdaan si uu u ilaaliyo wixii guryahooda ku soo xad gudba. Akhrise waxa arrin aad loola yaabay noqotay nin u dhashay wadanka Taiwan ayaa markii ugu horraysay taariikhda waxa uu ilaaliye guri ka dhigtay yaxaas ka mid ah noocyada adduunka ugu xajmiga weyn ee dad cunka ah si uu hoygiisa ugu ilaaliyo. Muuqaal la soo galiyay barta Yutube-ka ayaa muujinaya yaxaaskan oo si habsami leh u gaaf wareegaya guriga uu saaxiibkii leeyahay kana ilaalinaya wax kasta oo soo gala. Oriyut Natheb oo ah muwaadinkan Taiwan u dhashay ayaa ah nin muddo badan dhaqan jiray yaxaasyada kana ganacsan jir

Ilmo ku jira uurka hooyadii oo haraati ku halgaaday caloosha hooyada ay sababi gaartay geeri ku timaada haweeyneyda!

Image
Haweeney uur lahayd oo u dhalatay dalka Shiinaha aya ku sigaytay in ay u geeriyooto haraanti uu ku dhuftay canug ay caloosha ku sidday. Haweeneydan oo lahayd uur 35 toddobaad ah ayaa waxaa dillaacay ilma galeenka (Minka) ka dib markii ilmihii ay caloosha ku sidday uu lugta ka dhex bixiyay makaankeeda. Hooyadaas oo magaceeda lagu sheegay Zhang, ayaa waxa ay tagtay isbitaalka  Peking University Shenzhen waxana ay ka sheeganeysay xanuun daran oo ka hayay caloosha, dhiiggeeda oo kacsanaa, wadne garaac iyo neeftuur. Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa baaritaan ku sameeyay hooyadaas iyagoo adeegsanaya Ultra-sound waxaana u soo baxday arrin naxdin leh taasoo ahay in canuggii caloosha ku jiray uu dillaaciyay ilmo galeenkii uu ku jiray, taasoo keentay in dhaqaatiirtii ay qalliin deg-deg ah ku sameeyaay haweeneydii si ay u joojiyaan dhiigbax ka jiray minka hooyada ayna u badbaadiyaan iyada iyo ilmihii caloosha ku jiray. Dhaqaatiirta ayaa sheegtay in dillaac 7cm ah uu soo gaaray ilmo galeenka

Inaad Gacanta Ku Haysato oo Qura ayaa Ku Filan Inuu Garaadkaaga Hoos u Dhigo.. Xitaa Haddii aanuu Shidneyn

Image
Awooddaada garasho ayaa si weyn hoos ugu dhacaysa marka mobilka Smartphone ah uu gacantaada soo galo, xitaa haddii uu dansan yahay. Waa natiijo kasoo baxday daraasad cusub oo ay sameysay kulliyadda ganacsiga McCombs ee jaamacadda Texas ee ku taallada gudah Austin. Kulliyadda McCombs ayaa sameysay tijaabooyin ay ka qaadday 800 oo ah dadka adeegsada mobillada Smartphone ka ah, isku day lagu eegayay sida ay dadku shaqadooda u qabtaan marka uu ganactooda ku jiro Smartphone, Cilmibaarayaashu waxay arkeen in dadka mobilladooda Smartphone ka ah kaga yimid meel kale ay ka howlqabad fiicnaadeen, marka loo eego dadk mobilkooda jeebka ku watay amaba uu boorsada gacanta ugu jiro. Daraasadda ayaa tilmaameysa in mobillada Smartphone ka ah ay yareeyaan garaadka qofka marka uu kaa agdhaw yahay, iyadoo dadbadani ay sheegaan inaan mobilku saameyn ku lahayn shaqdooda howlahoodana ay si fiican uga soo dhalaalaan. Tijaabo kale ayay cilmibaayaashu ku tijaabiyeen heerka ay gaarsiisan tahay la qabsiga dad