Sanad Muslimiintu Xajin Doonto Laba Jeer!..Tolow Waa Kee Sanadkaasi?..


Iyadoo muslimiinta dunida sanadkii hal mar ay gutaan waajibaadka Xajka ayaa waxaa la saadaaliyey in sanadka 2039 haddii ALLE idmo ay muslimiinta dunida laba jeer xajin doonaan, sanadkaasi bilaha Janaayo iyo Disembar.

Prof. Abdullah Al Misnad oo ka ah macalin Jaamacad ku taalla gobokka Al-Qasiim ee bartamaha wadanka Sacuudiga isla markaana ah aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga xidigiska ayaa sheegay in Muslimiinta dunida bisha Janaayo 10-ka maalmood ee ugu horeeya sanadka 2039 ay gudan doonaan Xajka, halka isla sanadkaasi bisha Disembar 10-ka maalmood ee ugu dambeysay uu ku soo aadayo markale gudasha Xajka.

Prof. Al Misnad oo wareysi siyey wargeyska Daily Sabq wuxuu sheegay in taasi macnaheedu in sidoo kale uu yahay in Muslimiintu sanadka 2039 ay sadex jeer Ciidi doonaan (Eid Al Adha iyo Eid Al-Fitr) waxaana laba mar sanadkaasi gudihiis soo laabanaya laba ciid oo ah Cidul Adhaxa hadii EEBE aqbalo.

Xisabta Sanad tirayaha Islaamka ama Hijriyada oo ku saleysan bisha, waxaana uu ka kooban 12 bilood oo tiro ahaan ka kooban 354 ama 355 waxaana uu ka yar yahay 11 ilaa 12 maalmood sanadka Miilaadiga oo caadiyan ka kooban 365 maalmood, waana taasi midda culimada ku xeesha dheer cilimiga xidigiska ama Sayniska ay ugu fariisiyeen sanadka 2039 in laba jeer Xajka la gudan doono sadex jeerna la ciidi doono sanad gudihiis idinka EEBE.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.