Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.
QAYBTA KOOWAAD: SU’AALO DIINI AH: (165) S1: Sheeg Magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Maka mid kastana aayadaheedu yihiin 88 aayadood? J1: Waa Al- Qasas , Saad S2: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Madiina mid kastana aayadaheedu yihiin 78 aayadood? J2: Waa Al- Xaj , Arraxmaan. S3: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku billowda mucjiso ka mid ah mucjisooyinka nebiga s.c.w? J3: Waa Al- Israa iyo Al- Qamar. S4: Sheeg magacyada laba suuradood oo loo yaqaan Azahrawaan? J4: Waa labada suuradood ee kala ah Al – Baqra iyo Aal Cimraan. S5: Sheeg magacyada laba suuradood oo lagu sheegay Axkaamta Xajka? J5: Waa labada suuradood ee kala ah Al- Baqra iyo Al- Xaj. S6: Sheeg magacyada laba suuradood oo ay ku jiraan laba aayadood oo ay ku idil yihiin dhammaan xuruufta luuqadda carabiga?. J6: Waa labada suuradood oo kala ah Al- Fatxi (aayadda 29aad) iyo Aal- Cimraan (aayadda 154aad). S7: Sheeg magacyada laba suu
Comments