Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad oo la filayo inuu dhaco!
Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad ayaa la filayo inuu dhaco! Waxaa la sheegayaa in uu soo socdo dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad, taasoo keenaysa in xitaa la arko meeraha Mars. Dhacdadan ayaa la filayaa inay billaaban doonto Jimce 27-ka bishan Luulyo, saacada Afrikada Bari, markey yahay 20:14 illaa laga gaaro 23:21 saqda dhexe. Waxaa laga arki doonaa, Afrika, Yurub, Aasiya, Australia, iyo qaybo ka mid ah koofur Amerika. Dhamaan Bariga Afrika waa laga arki doonaa.