Waxtarka Geedka Moringaha iyo Caafimaadka


Moringa Oleifera waa geed kumanaan sano lasoo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba.

Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'iido oo aan halkan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kala duwan, haba u badnaadaan baaritaandaas in lagu tijaabiyay xawayaanka.

Sidaa darteed waxaan halkaan ku sheegaynaa kaliya 6 faa'iido oo la xaqiijiyay inuu u leeyahay bini'aadanka, iskuna waafaqeen cilmibaarisyo kala duwan.

Moringa waa geed aad u nafaqo badan: hal koob oo caleenta geedka markii la shiido waxaa ku jiro 2 gram oo protein ah, Vitamin B6 19%, Vitamin C 12%, Bir 11%, Vitamin A 9% iyo Magnesium 8%. waa geed caleentiisu iyo jiridkiisuba aysan kala yaraysan xaggan nafaqada. waxaa jiro kaniiniyo capsule ah oo laga sameeyay caleenta geedka oo la shiiday, loona adeegsado fitamiin ahaan, waxaana la siiyaa dadka nafaqo darrida hayso.
Moringa waxaa ka buuxo waxa loo yaqaano 'Antioxidant': waa walxo jirka kala dagaallama wixii sun ku ah, sidaas darteed walxahaas uu la dagaallamo waxay keenaan wadna xanuunka iyo sokorta nooca 2, walxaha la dagaallamo sunta oo laga helay geedkaan waxaa loo yaqaanaa "Quercetin" iyo "Chlorogenic acid" kan hore wuxuu hoos u dhigaa dhiig karka, kan dambane wuxuu hoos u dhigaa sokorta khaasatan markii wax la cuno kadib, si marka maadadaan faa'idada leh jirkaaga in ku filan aad u heshid, waxaa lagu taliyaa hal qaado oo budada geedka shiidan in aad maalin walba isticmashid muddo sadax bilood oo isku xiga.

Moringa wuxuu hoos u dhigaa sokorta: dhowr baaritaan oo lagu sameeyay dad qaba sokorta, waxaa la arkay in sokorotoodii aysan u kicin siday u kici jirtay, daawadii ay qaadan jireene cabirkeedii hoos u dhigmay, isbedelka la arkay wuxuu ahaa in sokorta hoos u dhacday boqolkiiba 21% markii la isticmaalay 50 grams muddo 3 bilood ah.
Geedka Moringa wuxuu hoos u dhigaa infekshanka: khaasatan infekshanka qofka muddada dheer soo hayay oo difaaca jirka la qabsaday waxay ku caawisaa in awooda difaaca jirka ay kordhiso si infekshanka heerkisia loo yareeyo, maadada ku jirto geedka oo difaaca kordhiso waxaa loo yaqaanaa "Isothiocyanates"
Moringa wuxuu hoos u dhigaa kolestaroolka: diraasado kala duwan oo lagu sameeyay xayawaanka iyo bini'aadankaba waxaa lagu arkay in kolestarool ama dufanka dhiiga uu hoos u dhacay markii la siiyay geedka Moringa.
Moringa wuxuu jirka ka ilaaliyaa sunta loo yaqaano "Arsenic": suntaan oo siyaabo kala duwan qofka u soo gaari karto, haddii ay dhacdane badin karta fursadda inuu qofka kansar ku dhaco, waxaa la arkay dadka isticmaalka Morniga joogteeyo in ay sunta ka hortag uga tahay.

Haddii aan soo koobo qoraalkaan, Geedka Moringa waa geed asalkiisu ka soo jeedo dalka hindiya, gaar ahaa gobolada waqooyiga, waxayna u isticmaali jireen in ay ku daaweeyaan xanuuno badan, waana geed meelo badan ka bixi karo haddii lagu beero oo ay ka mid tahay dhulalka soomaaliya, wayna jiraan dad guryahooda ku beertay si ay uga faa'iideystaan.

Haddii aad leedahay xanuunka wadnaha, sonkorta, dhiigkarka ama kolestaroolka, waa in geedkaan la saaxiibtaa.
Haddii ay nafaqo darri jirto ama cunnadaada aysan isu dheelli tirnayn iyaduna waa kuu muhiim in aad cunnada ku darsato.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.