Dhowr Xabbo oo Timir ah Maalintii Waxa ay Ku Siin kartaa Faa’iido badan

Waxa aad u tiro badan  daraasadaha xaqiijiyay faa’iidooyinka aadka u wayn ee timirtu ay u leedahay  caafimaadka, waxaana mirahan qaab dhismeedka yar ay u wanaagsan yihiin caafimaadka wadnaha iyo habka difaaca jirka.

Dad badan ayaa ku dadaala cunista timirta maalin kasta gaar ahaan kuwa ku nool dalalka Carabta, waana dhaqan soo jireen ah oo kummanaan sano soo jiray.

Timirtu waa mid kamid ah cuntooyinka ugu badan ee waxtarka u leh caafimaadka, waxa ku jira macdano muhiim u ah jirka iyo sidoo kale vitaminada nafaqada ee dhirta.

Timirta waxa ku jira macdanaha kala ah copper, iron, magnesium, manganese, iyo sidoo kale tiro vitamino ah sida vitamin “B” iyo sido kale “B6”, niacin, pantothenic acid, riboflavin, waxa kale oo ay hodanka ku tahay vitamin “A” iyo “K” iyo maadooyinka carotene, lutein iyo zeaxanthin ee dhirta laga helo,waxa kale oo kujira nidaamka dheef-riddiqa.

Daraasad cusub oo dhawaan lagu daabacay  majalad cilmiyeed gaar u ah caafimaadka cuntada oo Maraykanka kasoo baxda ayaa xaqiijisay in timirta ay ku jirto tiro aanan ka yarayn 15 nuuc oo ah macdano muhiim ah, iyo sidoo kale selenium oo ah maado ka hortagta kansarka, isla maarkaana caawisa xoojinta difaaca jirka.

Waa in aad ka faa’iidaysato mirahan, mana kaaga baahna in aad wax badan cunto, cunitaanka 3 xabadood oo timir ah maalintii way kaaga filan tahay si aad u hesho faa’iidada mirahan, sida qaar ay aaminsan yihiin halka qaar kalena ay doorbidaan in ay cunaan in badan si ay ugu raaxaystaan dhadhanka aadka u macaan ee ay leedahay  iyo si ay uga helaan  faa’iidooyinka badan oo dheeraad ah.

Cadaymo badan ayaa xaqiijiyay in badsashada cunista timirtu ay u fiican tahay wadnaha, tirada badan ee maadada potassium ee ku jirta timirta ayaa ka dhigaysa cunisteeda mid u wanaagsan wadnahana, sida uu qoray wargayska “Gazundhaat”, iyada oo daraasado badan ay xaqiijiyeen in cunista timirtu hoos dhigto halista baaralayska ama faalliga iyo cudurada kale ee wadnaha.

Waxa sidoo kale miraha timirtu ay kaa caawin karaan yareeynta heerarka ” cholesterol LDL” ka oo ah baruur xun oo waxyeello u leh caafimaadka, sida ay u arkaan dhakhaatiirtu in ay tahay sababaha ugu weyn ee keena  dhibaatooyinka wadnaha iyo baaraleyska ama faalliga.

Habka ugu fiican ee loo daryeeli karo tirmirta,waa iyada oo lagu kaydiyo  weel si adag loo daboolay oo la dhigo meel mugdi ah, taas oo suurto gal ka dhigi karta in la isticmaali karo mudo sannad ah.
W/Q:  C/weli Macamuud Xasan

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.