Waxtarka Caafimaad ee Qaraha


Faa'iidooyinka caafimaad ee Qaraha/Xabxabka.

(1) wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiig, wuxuna maamula macdanta iyo aashada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa. Hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyihiisa.

(2) Wuxuu ku jirta maadoyin la yiraahdo citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL).

(3) Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah; alcium, magnesium, potassium and sodium. Wuxuuna aad u anfacaa dadka meelaha kulul jooga.

(4) Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah Beta-Carotene, Vitamin A, lycopene, vitamin C, lutein and zeaxanthin. Oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha.

(5) Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha; asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.

(6) Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskexeed ay kacsantahay waayo waxaa ku jira Vitamin B6 oo nidaamiya neerfayaasha shaqadooda, iyo Vitamin C oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah (free radicals).

(7) Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.