Faa'iidooyinka Caafimaad ee Yaanyada



Qolofta yaanyada sida qolofta tufaaxa waxaa ka buuxa faaidooyin iyo vitamino badan oo jirku u baahan yahay,waxana ay ka difaacda xanuuno badan iyada oo waliba jirka ay ka bad baadiso halista xanuunada wadnaha.

Waxaa intaa oo dhan sabab u ah maadada cajiibka ah ee kujirta yaanyada taaso ah maadada loo yaqaano Lycopene.



Kama shaqayso oo kaliya in maadadani ay ka dhigto yaanyada midabkeeda casaan balse waxaa kale oo ay ku biirisaa yaanyada vitamino badan oo jirka siiya faaidooyin badan oo caafimaad.

Maadada ’’Lycopene’’ waxa ay kamid tahay qoyska ’’Carotenoids’’ waxana ay ka shaqaysaa ka hortaga dhaawaca ku yimaada unugyada jirka isla markaana waxay ilaalisaa unugyada jirka.

Maadadan ayaa sido kale gargaar ka gaysata daawaynta Cholesterol-ka xun ee loo yaqaano”Cholesterol(LDL)”,waxana ay hoos u dhigtaa heerka Cholesterol-kaan ee dhiiga kujirta, iyada oo sido kale ka caawisaa ka hortaga cudurka Prostate Cancer.

Maadadan Lycopene waxa kale oo ay kujirtaa, qaraha iyo labada nooc ee khudradaarta sida tan tooska loo cuno iyo tan la karsado , tusaale ahaan waxa ay kujirta Carrots iyo basbaaska guduudan ,laakiin yaanyada ayaa ah khudarada kaliya ee asal ahaan maadada Lycopene ku ay qaniga ku tahay.

Yaanyada ayaa la cuni karaa iyada oo la shiilo, la dubo ama maraq laga sameeyo, iyada oon wax welwel ah laga qabin in la seego ama ay baaba’do maadada ”Lycopene” ka ee ku jirta yaanyada, iyada oo maadadani faa’idadeedu ay jirayso kadib xitaa hadii la shiilo ama la dubo yaanyada.

Yaanyadu gabi ahaantii waxa ay faa’iido u tahay jirka, arintuna kuma koobna qolofteeda oo kaliya ee waxa gabi ahaan aanan kujirin kalooris (calories) oo ah tamarta cuntadu dhaliso oo badankeedu waxa ay keento ay ugu horeyso buurnida ama cayilka, waxaana ay ka samaysan tahay yaanyadu 90% biyo.

Waxaa jira daraasado dhowr ah oo muujiyay in yaanyadu ay horumariso caafimaadka lafaha.

Yaanyady ayaa waxa ay sido kale hodan ku tahay vitamine ”C” ga, Calcuim ka iyo  ’fiber-ka oo ah maadada fudaydisa habka dheef-shiidka(digestive).

Source: Deutsche Welle

Xigasho: Daryeelmagazine.com

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.