Waxtarka Caafimaad ee Raqayga La Helo


Raqaygu waa miro dhanaan oo ka baxa dhulka kulaalaha ah oo soomaaliya ka mid tahay dalalka dhaca, waxay carabtu u yaqaanaan "Tamar hindi" inkastoo isla magaciisii asalka ahaa ay u yaqaanaan ee "Xamar", ingiriiskune isla magacii carabta ayey qaateen ee "Tamarindi".

Geedkani asal ahaan wuxuu ka jeeda Afrika gaar ahaan bariga afrika iyo Madagaskar waxa uuna kusii faafay dalalka Hindiya iyo Bakistaan kadib waxaa loo dhoofiyay jasiiradaha kiribiyaanka.

Raqayga waxaa ku jira macaadin fara badan oo jirka aadanaha muhiim u ah
Waxaa kamida;

. Magnesium: 28% of the RDI.
. Potassium: 22% of the RDI.
. Iron: 19% of the RDI.
. Calcium: 9% of the RDI.
. Phosphorus: 14% of the RDI.
. Vitamin B1 (thiamin): 34% of the RDI.
. Vitamin B2 (riboflavin): 11% of the RDI.
. Vitamin B3 (niacin): 12% of the RDI.
.  Trace amounts of vitamin C, vitamin K,          vitamin B6 (pyridoxine), folate, vitamin        B5 (pantothenic acid), copper and                    selenium.

Waagii hore boqortooyadii faraacinada ayaa sabab u ahayd inay ka dhoofiyaan bariga Afrika, waxayna u isticmaali jireen daawo ahaan khaasatan xanuunada caloosha ku dhaca.

FAA'IIDOOYINKIISA CAAFIMAAD:

Cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay miraha raqayga waxaa lagu ogaaday waxyaabaha soo socda:
Raqaygu wuxuu leeyahay awood qallajiye, wuxuu dilaa jeermisyo kala duwan oo bini'aadamka ku dhaca khaasatan bakteeriyada.

Raqaygu waa calool jilciye degdeg ah, wuxuuna hoos u dhigaa aashitada caloosha.
Raqayga waxaa ku jirto maaddo qandhada jebisa, shirkadaha qaarkood oo sameeya daawada caruurta waxay ku soo daraan raqayga.

Raqaygu wuxuu u roon yahay dheefshiidka, wuxuuna yareeyaa dibbirada iyo hawada caloosha gasha.

Raqaygu wuxuu u roon yahay hargabka, wuxuuna furaa rabitaanka cuntada.

Raqaygu wuxuu yareeyaa lalabada, wuxuuna ka hortagaa matagga, wayna cuni karaan haweenka wallaca ah.

Raqaygu wuxuu si dhakhso ah ku baab'iyaa oonka, waana sababta ay umado badan u isticmaalaan xilliga soonka, wuxuuna cunnada u furaa qofka, wuxuuna yareeyaa daacada iyo dibbirada, wuxuuna hoos u dhigaa aashitada caloosha, sidaa ayuu ku noqday cabitaanka ugu haboon ee la cabo bisha Ramadaan.

Waxaa intaa usii dheer geedka Raqygu ka baxo wuxuu leeyahay har oo waa geed kamida geedaha guryaha lagu tallaasho, Gurigii aan ku dhashay xitaa wuu ku yiil, ee Muqdisho.

W/Q: Kabtan Basso

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.