Waxtarka Caafimaad ee Moosku u Leeyahay Jirka


Moosku wuxu ka mid yahay miraha ugu caansan aduunka. Qudrada mooska oo ka mid ah miraha sida joogtada ah ay soomaalidu u cunaan ayaa leh Faa'iidooyin farabadan kuwaas oo badankoodu kobciya caafimaadka Jirkeenna. Halkan waxaan ku soo koobi doona Faa'iidooyinka ugu muhimsan mooska.

1. Moosku wuxuu ka kooban yahay 3sedax sonkorood (SUGAR) oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano fiber waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii tamar loo siin lahaa Jirka.

2. Moosku wuxuu daawo u yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysaa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani'aadamka.

3. Mooska waxaa ku jira vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucose-ka ku jirja dhiigga dawana u ah cudurka loo yaqaan PMS.

4. Moosku wuxu daawo u yahay cudurka Anemia ama birta oo ku yaraata dhiigga isagoo kordhiya soo saarka Hemoglobinka.

5. Moosku wuxu daawo u yahay kor u kaca cadaadiska dhiigga waxaa ku badan maadada loo yaqaan Potassium oo ay ku yartahay cusbadu taas oo aad u yaraysa kor u kaca cadaadiska dhiigga.

6. Moosku wuxuu awood badan siiya maskaxda isago kor u qaada energyga maskaxda.


7.  Cunista mooska oo aad joogtaysaa waxay hoos u dhigtaa qatarta aad ku qaadi karto cudurka kansarka (Cancer)

8.  Cunista moosku waxa ay daawo wayn u tahay la tacaalida earwarka, isku-buuqa ama stresska

9. Cunista kaliya laba xabo oo moos ah waxa ay siiyaan qofka energy ama tamar uu ku shaqayn karo mudo 90 daqiiqo ah waa saacad iyo bar isagoon wax kale cunin.

10. Mooska waxaa ku jira maaddo dabiici ah oo la mid ah PROZAC taas oo la isticmaalo si loo helo Farxad badan.

11.  Sidoo kale joogtaynta cunista mooska ayaa hoos u dhigta qatarta cudurka Faalliga iyo wadne xanuunka

12. Moosku waxaa uu ka kooban yahay 75% biyo kuwaas oo waxtar wayn u leh jirka, isagoo qayb wayn ka qaata habdhiska dheefshiidka.

13. Mooska waxaa laga helaa vitamin C, Potassium, Bir iyo Vitamin B6 kuwaas oo dhamaantood waxtar wayn u leh jirka.

14. Moosku malaha wax dux ah iyo Sodium ahba waxaanu hoos u dhigaa kor u kaca wareega dhiiga iyo Baruurta.

15.  Ugu danbayn waxaa la caddeeyey inuu kordhiyo ama firfircooni geliyo fareenada jirka aadanaha.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.