Waxtarka Caafimaad ee Qumbaha


Waxaan halkan uga hadli doonnaa waxtarka geedka Qumbaha, waxaa la sheegaa waxyaabo badan oo caafimaad muhiim ah in laga helo, laakiin waxaan qoraalkaan ku soo qaadan doonnaa 7 faa'iido oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay,

Qumbaha waxaa ka buuxa saliid caafimaadka u fiican, boqolkiiba 90% saliidaas waxay ka samaysan tahay "Fatty acid", saliidda ka samaysan walxahan faa'iido ayaa ugu jirta bani'aadanka, maxaayeelay unugayda jirka oo idil waxaa laga sameeyaa badankood maadadaan "Fatty acid-ka", dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa ama la kala saaraa, laakiin dufanka qumbaha markii jirka uu galo, waxaa toos loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo.
Markii dufanka qumbaha tamar ahaan loo keydiyo waxay daawo u tahay cudurka laleemada.

Qumbaha waxaa ku jiro aashito loo yaqaano "Lauric Acid" aashitadan waxay awood u leedahay iney disho jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. jeermisyada ay maadadaan disho waxaa ka mid ah bakteeriyo khatar badan oo loo yaqaan "Staphylococcus Aureus", sidaa darteed dadka uu ku soo laalaabto cudurka kasoobaxa ama nabraha caabuq leh ee maqaarka ka soo baxa waa in ay badsadaan cunista qumbaha.

Qumbahu wuxuu kobciyaa dhambaallada maskaxda wuxuuna yareeyaa halista qallalka, sidaas daraadeed dadka qaba cudurka qallalka wuxuu qumbaha ka caawin karaa inuu yareeyo qallalka iyo dhicista, waxaana arrintaa lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay caruur qabtay cudurka qallalka oo cunno looga dhigay geedka qumbaha, caruurtaas waxaa ka mid ahaa kuwo daawada xittaa ay kontaroolli waysay qallalka.

Sida aan kor ku soo xusay, qumbahu wuxuu yareeyaa halista cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga, kaasoo door weyn ka ciyaaro in xididada wadnaha ay xirmaan gaar ahaan dadka qaba cudurka macaanka.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.