Faa'iidooyinka Toonta (Tuunta)

Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhanna loogu yeelo cuntooyinka aannu isticmaalno.

Dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah.

Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, fanguska iyo iyadoo jirka sunta ka saarta.

Faa’iidooyinka  caafimaad ee lagu tilmaamay toonta waxaa ka mid ah.

1- Jirka ayay ka ilaalisaa sunta iyo                      jeermiska.

2- Caloosha ayay nadiifisaa marka lagu              darsado malab.

3- Dhiig-karka ayay u fiican tahay waana           dejisaa.

4- Kaadida ayay socodsiisaa, iyadoo furta          wadooyinka ay marto.

5- Hargabka way ka hortagtaa.

6- Calool xanuunka dawo ayay u tahay.

7- Qufaca way joojisaa.

8- Kansarka ayay la dagaalantaa, illaa xad.

9- Gooryaanka ayay dishaa.

10- Qofka caradiisa way yaraysa.

11- Maskaxda ayay u fiican tahay.
         
12- Ciridka iyo ilkaha way xoojisaa.

13- Awoodda galmada ayay badisaa.

14- Madax xanuunka waa u dawo.

15. Finanka wajiga ay baabi’isaa.


Dadka wadna-xanuunka qaba talada ugu habboon ee la siin karaa waa calalinta (In uu calashado) afar ilaa shan xabbo oo toon ah marka oo wadna-xanuun ku soo boodo, taas oo ka badbaadin karta in wadnuhu istaago, gurmad caafimaadna loo raadiyo.

Caabuqa sanbabka

Toonta iyo basasha oo la isku ridqay oo laabta la iska mariyaa way daweeysaa caabuqa ku dhaca sanbabada waxayna yaryasaa laab xanuunka iyo neefta oo qofka qabta.

Xabeebta

Ku luqluqasho biyo kulul oo lagu daray dhawr dhibcood oo dheecaanka toonta ah waxay baabiyaan xabeebta.

Hindhisada

Dheecaanka 5 ilaa 7 xabbo oo toon ah ku mil biyo kulul ka dibna cab, waxay joojiyaan hindhisada.

Duumo

Bukaanka oo aan xummad lahayn, cidiyaha gacmaha iyo lugaha ka mari dheecaanka toonta, sii qaaddo dheecaanka toonta ah iyo qaaddo biyo sifaysan ah saddex jeer maalintiiba, way bogsiisaa xanuunka.

Jooniska

Afar xabbo oo toon tuman ah ku qas koob barkii oo caano kulul ah afar jeer maalintiiba.

Hammad La'aanta

Isku dar 200gm oo toon ridqan ah iyo 600gm oo Malab saafi ah kuna shub dhallo ama quruurad, dabadeedna dhexgali kiish qamadi ah, dhaladii malabka iyo toontu ay ku jireen kuna daa 21 ama 31 maalmood, intaa ka dib la soo bax dhalladii subaxa hore ka cab 10gm kana dambaysii cabbitaanka caano diirran ah muddo dhan 21 ama 31 maalmood, waxay samaysaa ama keentaa quwad badan, hammad yaraantana way dawaysaa.

Tartiib u calasho ama u ruug 4 xabbo oo toon ah subaxa hore dabadeedna cab caano diiran, xilliga jiilaalka oo joogto ahi ragga waxay u yeeshaa quwad aan caadi ahayn, dumarkana dhalmo la’aanta way ka dawaysaa.

Cunitaanka 3 xabbo oo toon ah, mar kasta oo aad hawshan fuliso dabadeed waa hammad kordhiye.

Bararka iyo xanuunka xubnaha

Ku duug xubnaha saliidda ka soo baxda marka aad isku shiisho 250gm oo Toon tuman ah iyo 500gm oo Saliid ah.

Cunitaanka 3 ilaa 4 xabbo oo toon ah oo caano lagu kariyey oo la cabaa inta aan la seexan xanuunka ayey bi'iyaan.

Nabar-calooleedka

Raashinka ka dambaysii liqitaanka xabbad Toon ah oo aad jar jartay kuna liq 2 ilaa 3 kabasho oo biyo ah si joogto ah, waxay dawaysaa nabar calooleedka, laab jeexa, dhiig-karka, iyo xanuunada kale ee la socda is badelka cimilada iyo biyaha aan sifaysnayn.

Shubanka

Cunitaanka 2 illaa 3 xabbo oo toon ah iyo biyo aad ayey waxtar badan ugu leeyihiin daawaynta.

Comments

Unknown said…
Aad iyo aad ayaan ula dhacay qaab sharaxeedka faah faahsan ee usoo dhigteen waxtarka ay leedahay toontu
Lkn walaalayaal ani shaqsi ahaan tayda waxaan y isticmaalaa inaan calaliyo hal amaba labo xabo oo yar yar oo toon ah
Taas ma ka helayaa faa iidooyinkan faraha badan ee aad ku sheegaysaan
Unknown said…
Asc wll aad ayaad u mahadsantihiin, su,al,? Dumarku dareen maka helaan tuunta
Murti100 said…
Mash allh wad nahdsantahy

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.