Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Isbayn

Dalka Spain wuxuu Dhacaa jasiirad u’ekaha Aybeeriya - Iberian peninsula, ee qaaradda Yurub. Waxa kaloo jira jasiirado ka baxsan dhulka qaaradda Yurub oo katirsan dalka Spain oo kala ah, jasiiradaha Kanari  (Canary Islands) oo dhaca xeebaha galbeed ee qaaradda Afrika iyo jasiiradaha Baleerik (Balearic islands) oo dhaca  badda Medetereniyaanka.
Waxaa kaloo jira laba magaalo oo katirsan Spain oo ku yaalla gudaha dhulka xeebaha ah, ee wadanka Morocco, waana Siyuta iyo Melliila (Ceuta and Melilla). Spain waa dalka kaliya ee Yurub ah, ee xuduud dhuleed la leh, dal dhaca qaaradda Afrika. Waxaa kaloo jira jasiirado yaryar oo dhaca badda Alboran ee u dhaxaysa Spain iyo Morocco.
Dhulka Spain, waxaa koonfurta iyo bariga ka xiga, badda madetereeniyaanka. Waxaa sidoo kale koonfur ka xiga Gibraltar oo ah dhul uu Ingiriisku ka haysto boqortooyada Spain.
Waqooyi iyo waqooyi bari waxaka xiga Faransiiska iyo Andora, galbeed waxa ka xiga Bortaqiiska iyo badwaynta Atlaantiga - Atlantic ocean.
Baaxadda dhulka Spain waa 505,990km oo laba jibaaran. Spain waa dalka ugu wayn koonfurta qaaradda Yurub, sidoo kale waa kan labaad ee ugu wayn galbeedka qaaradda Yurub iyo guud ahaan Midowga Yurub. Waana kan afaraad ee ugu dhul wayn guud ahaan qaaradda Yurub.
Tirada dadka ku nool Spain waa 46 milyan oo qof, waana dalka lixaad ee ugu dadka badan guud ahaan qaaradda Yurub, waana kan shanaad ee ugu dadka badan gaar ahaan midowga Yurub. Madrid waa caasimadda iyo magaalada ugu dadka badan dalka, halka magaalooyinka xiga ay kamid yihiin Barcelona, Valencia, Seville, Malaga iyo Bilbao.
Boqortooyada Spain waxa lagu tilmaama inay ahayd boqortooyadii ugu horraysay ee taariikhda casriga ah, taaso noqotay qarniyadii 16aad iyo 17aad tan ugu xoogan dunida, kana talisay dhul aad u ballaaran oo ah inta badan koonfur Amerika halkaas oo ay ku faafisay dhaqankeeda iyo afkeeda. Waxaana taas astaan u ah in luuqadda Isbaanishku  noqoto tan labaad ee ugu ballaaran dunida, marka laga hadlayo dadka uu u yahay afkooda Hooyo (Native speakers).
Wadanka Spain waa mid nidaamkiisu yahay boqortooyo baarlamaani ah, dimuquraadiyadduna gundhig u tahay. Boqorku waa hogaanka guud ee dalka, halka raysalwasaaruhu yahay hogaamiyaha dalwadda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.
Isbaanishku waa dal kamida kuwa horumaray, oo dakhligiisu aad u sarreeyo. Dhaqaalaha dalku waa $1.6Trillion, waana kan 5aad ee ugu dhaqaala xooggan midowga Yurub, ahna kan 13aad ee dunida ugu ballaaran. Celcelis ahaan, dakhli sanadeedka soogala qofka Isbaanishka ah, waa $32kun sannadkii.
Heerka hormarka aadanuhu waa dal aad u sarreeya waana 26aad. Lacagta dalka laga isticmaalo waa Yuurada - €Euro. Dalku nidaamkiisa waxbarasho waa mid aad u tayo sarreeya.
Spain waa dal dalxiisayaal badani soo booqdaan sanad walba. Waa dalka labaad ee ugu dalxiiska badan dunida, in kabadan 82 milyan oo qof ayaa soo booqday sanadkii tegay. Waa in kabadan 30milyan oo qof, dalxiisayaasha soo booqda guud ahaan qaaradda Afrika.
Kataluuniya (Catalonia) waa gobol dhaca waqooyi bari xeebaha Spain, waa gobol ay dagan yihiin dadka Katalanku (Catalan) waana gobol hodan ah, oo ay dalxiisayaal badani booqdaan. Dhaqaalaha Katalanku waa $340 billion,waana midka ugu badan Spain. Barcelona waa magaalada ugu dalxiiska badan dalka, soona xereysa daqliga ugu badan dalxiiska guud ahaan dalka. Maamulka Kataluuniya waa mid doonaya inuu ka baxo dalka Spain.


Sawirka magaalada; Madrid, Spain.

W/Q: C/Wali Maxamuud Xasan  (Kabtan Basso)

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.