Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Taylandi (Thailand)


Boqortooyada Thailand waa dal dhaca koonfur-bari qaaradda Asiya.
Dalkani waxa uu xudduud dhuleed lawadaagaa wadamada Myanmar (Parma), Loas, Campodia iyo Malaysia. Wuxuu xudduud badeed lawadaagaan wadamada India iyo Indonesia.
Baaxadda Guud ee dalkiisu waa 513km oo km oo laba jibaaran, waa dalka 50aad ee ugu baaxadda wayn dunida, waana mid dhaca marin aad muhim u ah.
Taayland waxay ka baaxad wayn tahay wadamada midowga Yurub oo dhan marka laga reebo France.
Tirada dadka wadanka ku nool waa 69Milyan oo qof waa dalka 20aad ee ugu dadka badan dunida.
Thailand waa boqortooyo leh nidaam baarlamaani, dimuquraadi ah, afgambigii 2014-kii dhacay ayaa sababay in awoodda dalku hoostagto Millatariga.
Dalkani waxa uu ka kooban yahay 76 Gobol oo usii qeybsama 878 dagmo. Caasimaddiisu waa Bankook oo ah magaalada ugu wayn dalka.
Thailand waa dal kamida dalalka horumaray oo qaatay nidaamka warshadaha. Wadanku waa mid leh waxsoosaar aad u xooggan.
Dalkani waa kan 26aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida. Sidoo kale waa kan 2aad ee ugu dhaqaalaha badan wadamada Koonfur-bari Asia.
Dhaqaalaha dalku waxa uu marayaa $515Bilion, qaybta PPP-ga ee wadanku waa $1.226 trillion
Thailand waxay ka dhaqaala badan tahay dalal badan oo dunida ah.
Dakhli sanadeedka soo gala qofka Thailand waa $17,750 waana dalka 4aad wadamada koonfur-bari Asiya.
Heerka hormarka aadanaha (HDI) waxa uu kamid yahay wadamada ugu fiican dunida oo kujira qiimaynta sare.
Dhanka waxbarashada waa mid aad u sarraysa, dadka waxbartay waxaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 93%.
Sidoo kale qadka internetka ayaa ah mid aad heer sarreeya, inkaabdan 23kun oo xarumood oo puplic ah ayaa baxsha Internet free ah.
Dadka shaqeeya ee wadanka kunool waa 39Milyan oo qof heerka shaqo la'aantu waa 1.2% waa mid aad u hoosaysa.
Xaddiga dadka saboolka ah ee dalku waa 7% waa dal shaqa la’aantu aad u hoosayso.
Dhaqaalaha ugu badan dalku waxa uu kasoo xarooda warshadaha iyo waxsoosaarka beeraha waxaa soo raaca dalxiiska. Thailand waa mid kamida 10-ka dal ee ugu dalxiiska badan dunida sanadkii hore waxaa soo booqday 32Milyan oo qof.
Sidoo kale Thailand waa mid kamida dalalka ugu Millatariga xooggan dunida waana dalka 16aad dunida iyo kan 2aad koonfur-bari Asia ciidamdiisu waa kuwo ku dhow hal milyan marka la isugeeyo kuwa kaydka iyo kuwa diyaarka ah, dhaqaalaha kubaxa waa $5.1Billion saandkii.
Thailand waxay kamid tahay dalalka naadirka ah ee leh maraakiibta diyaaradaha xambaarta (Aircraft carrier) dalalkaas ayaa lagu tilmaama illaa 10dal dunida oo dhan.
Sawirka: waa Bangkok oo ah caasimadda dalka, waana magaalada 4aad ee ugu dalxiiska badan dunida.
W/Q. C/wali Maxamuud Xasan

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.