Faa'iidooyinka Toonta (Tuunta)
Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhanna loogu yeelo cuntooyinka aannu isticmaalno. Dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah. Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, fanguska iyo iyadoo jirka sunta ka saarta. Faa’iidooyinka caafimaad ee lagu tilmaamay toonta waxaa ka mid ah. 1- Jirka ayay ka ilaalisaa sunta iyo jeermiska. 2- Caloosha ayay nadiifisaa marka lagu darsado malab. 3- Dhiig-karka ayay u fiican tahay waana dejisaa. 4- Kaadida ayay socodsiisaa, iyadoo furta wadooyinka ay marto. 5- Hargabka way ka hortagtaa. 6- Calool xanuunka dawo ayay u tahay. 7- Qufaca way joojisaa. 8- Kansarka ayay la dagaalantaa, illaa xad. 9- Gooryaanka ayay dishaa. 10- Qofka caradiisa way yaraysa. 11- Maskaxda ayay u fiican tahay. 12- Ciridka iyo ilkaha way xoojisaa. 1