Su'aalo iyo Jawaabo'Aqoon guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Saddexaad.


QAYBTA SADDEXAAD: SU’AALO KU SAABSAN DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED
(85)
S216: Sheeg magaca saddexan ee halgame Xalane, meesha uu ku geeriyooday iyo
            sanadkii  uu geeriyooday?
J216: Waa Max’ed Cabdulle Xalane waxa uu ku geeriyooday Tog Wajaale sanadkii 1964.
S217: Sheeg magaaladii uu ku dhashay halgame C/llaahi Ciise iyo sanadkii uu dhashay?
J217: Waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1922kii.
S218: Sheeg magaaladii uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashayba C/rashiid Cali Sharma’arke?
J218: Waxa uu ku dhashay Magaalada Xarardheere sanadkii 1919kii.
S219: Sheeg Magaaladii uu ku dhashay Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi?
J219: Waxa uu ku dhashay Magaalada Mareeg.
S220: Sheeg magaca hay’addii ay hoos tegi jirtay Kooxdii Fanka ee Xusuus?
J220: Waxa ay hoos tegi jirtay Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed.
S221: Sheeg magaca hay’addii uu hoos tegi jirey Naadigii Jeenyo LLPP?
J221: Waxa uu hoos tegi jirey Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta.
S222: Sheeg magaca Abwaankii curiyey Riwaayaddii “Hablayahaw hadmaad guursan
           doontaan?
J222: Waxaa curiyey Max’uud Tukaale Cismaan.
S223: Sheeg Magaca Abwaankii curiyey Riwaayaddii “Xiddigtii is Xujaysay”?
J223: Waxaa curiyey Axmed Naaji Sacad.
S224: Sheeg magaca Gabyaagii curiyey tuducyada soo socda:
Nin Ugaas walaalkii yahoo eeday baan ahaye
Nin ilo biyood soo arkoo oomman baan ahaye
J224: Waxaa curiyey Raage Ugaas
S225:Sheeg maalintii, bishii iyo  sanadkii ay Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda Carabta?
J225: Waxa ay ku biirtay 14kii Febraayo 1974kii.
S226: Immisa gobol ayey ahaayeen tirada gobollada dalka ka hor xukuumadii Kacaanka?
J226: Waxa ay ahaayeen 8 gobol.
S227: Sheeg Magaca qoraaga Soomaaliyeedbee qoray Buugga “Taariikhda Daraawiishta”
J227: Waxaa qoray Aw Jaamac Cumar Ciise (A.N).
S228: Sheeg magaca aqoonyahankii hindisay qoraalka farta Soomaaliga ee aan adeegsanno?
J228: Waxaa hidisay Axmed Shire Jaamac.
S229: Sheeg magacyada laba dawladood oo ku yaal qaaradda Afrika colaadna ay u
          dhaxeysay, hase yeeshee dawladdii kacaanku ay heshiis dhex dhigtay?
S229: Waa labada dawladood ee Ugaandha iyo Tanzaaniya.
S230: Sheeg magaca gabyaaga tiriyey tuducyada soo socdo:
Dhalashada afkaygiyo
Dhigashada fartaydaan
Kaga baxay dhibaatoon
Hawlihii ku dhaafee
Iyadaa dhaqaalaha
Dhidibbada u aastoo
Dheelliga u diidaye
J230: Waxaa tiriyey Max’ed Ibraahin Hadraawi.
S231: Sheeg magaca guddoomiyihii gobolka Banaadir ee ugu dambeeyey Xukuumaddii
           Kacaanka?
J231: Waxa uu ahaa Sayid Cumar Xaaji Max’ed.
S232: Goorma ayuu dhacay dagaalkii la magac baxay Jidbaale ee u dhaxeeyey
          Dhaqdhaqaaqii daraawiishta  iyo gumeystihii Ingiriiska?
J232: Waxa uu dhacay sanadkii 1904.
S233: Sheeg magacyada saddex dawladood oo loo xilsaaray kormeerka xornimo gaarsiinta Soomaaliya?
J233: Waxa ay ahaayeen dawladaha Masar , Filibiin iyo Kolombiya.
S234: Sheeg sanadkii la diley Kamaaludiin Saalax ergaygii dalka Masar u qaabilsanaa    Xornimo gaarsiinta Soomaaliya?
J234: Waxaa la diley sanadkii 1957kii.
S235: N.P.P.P.P Waxa uu ka mid ahaa xisbiyadii jirey xornimada ka hor. Sheeg erayada
           Luuqadda Ingiriiska ee laga soo gaabiyey?
J235: Waxaa laga soo gaabiyey “Northern  Province People’s Progressive Party”
S236: Sheeg magaca Wasiirkii Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Daakhiliga 1956kii?
J236: Waxa uu ahaa Muuse Boqor Cismaan.
S237: Sheeg magaca guddoomiyihii ugu dambeeyey ee gobolka Bari Xukuumaddii
         Kacaanka?
J237: Waxa uu ahaa Cumar Xaashi Aadan.
S238: Sheeg magaca Naadigii uu u ciyaari jirey Ciyaaryahan Max’ed Ismaaciil?
J238: Waxa uu u ciyaari jirey Naadigii Horseed.
S239: Sheeg magacyada laba goobood oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose oo ay dejisay
           Xukuumaddii Kacaanka dadkii ka soo barakacay abaartii daba dheer?
J239: Waxaa la dejiyey Kurtun waarrey iyo Sablaale.
S240: Sheeg magaca Abwaanka curiyey Riwaayaddii “Waa Maadeys Adduunyadu
          Dadkuna way metalayaan?
J240: Waxaa curiyey Max’uud C/llaahi Sangub.
S241: Sheeg gabyaaga tiriyey tuducyada soo socda:
Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
Gaadiid noo dhaanshuu ahaa gibil ma diidiye
Guraduu na saari jiraan goconayaa mooyi.
J241: Waxaa tiriyey Cali Jaamac Haabiil.
S242: Sheeg Maalintii, bishii iyo sanadkii la aasaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka
           Soomaaliyeed?
J242: Waxaa la aasaasay 1dii July 1976kii.
S243: Sheeg sanadkii lagu qabtay Magaalada Muqdisho Shirweynihii Ururka Midowga
         Afrika isla mar ahaantaana Soomaaliya la wareegtay hoggaanka Ururkaas.
J243: Waxaa lagu qabtay sanadkii 1974kii.
S244: Sheeg magaca Safiirkii ugu dambeeyey ee Xukuumaddii Kacaanka u fadhiyey dalka
          Jarmalka Galbeed?
J244: Waxaa u fadhiyey Xasan Abshir Faarax.
S245: Sheeg magaca guddoomiyihii Baarlamaanka Dawladdii 1968kii?
J245: Waxa uu ahaa Sh. Mukhtaar Max’ed Xuseen.
S246: Sheeg Magaca Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xukuumaddii 1964kii?
J246: Waxa uu ahaa C/llaahi Ciise Max’uud
S247: Sheeg sanadkii ay kala saxiixdeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya heshiiskii  ahaa in la joojiyo dagaalka xuduudaha iyo in la soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal?.
J247: Waxa ay kala saxiixdeen sanadkii 1964kii.
S248: Sheeg Magaca Wakiilkii ugu dambeeyey ee xukuumaddii Kacaanka u fadhiyey
            Qaramada Midoobay?
J248: Waxaa u fadhiyey C/llaahi Siciid Cismaan.
S249: Sheeg magaca gabyaaga tiriyey tuducyada soo socda:
Nin salaadda awqaadda faral u addimoonaaya.
Oo dagada oofinayahoo ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku waa bilaha iideede
J249: Waxaa tiriyey Sayid Max’ed Cabdulle Xasan.
S250: Sheeg Magaca qoraaga buugga “Taariikhdii hore ee Muqdisho iyo haatan”?
J250: Waxaa qoray Aw Jaamac Cumar Ciise.
S251: Sheeg Magaca hay’addii uu hoostegi jiray Naadigii Kubbadda Cagta ee Waxool?
J251: Waxaa uu hoos tegi jiray Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.
S252: Sheeg magaca Abwaankii curiyey Riwaayaddii “Kibirkii beertaa karfan saaray
            jacaylka”
J252: Waxaa curiyey Axmadey Cabdi Gaashaan.
S253: Sheeg magaca gabyaaga tiriyey gabayga “Shinni Kaaluf galay”
J253: Waxaa tiriyey Raage Ugaas.
S254: Sheeg magaca Naadigii uu gool hayaha u ahaa Karaama?
J254: Waxa uu u ahaa Naadigii Madbacadda.
S255: Sheeg magaca saddexan ee Abwaankii curiyey Riwaayaddii “Yaa u wanqalay waqtiga”?
J255: Waxaa curiyey Yuusuf Max’ed Muumin
S256: Sheeg Sanadkii uu halgame Max’uud Xarbi ku geeriyooday shilka diyaaradeed?
J256: Waxa uu ahaa sanadkii 1960kii.
S257: Sheeg sanadkii uu dhul mareenkii Ibnu Batuuta yimid Soomaaliya?
J257: Waxa uu yimid sanadkii 1331kii.
S258: Sheeg bishii iyo sanadkii la soo gabagabeeyey Ololihii Horumarinta Reer Miyiga?
J258: Waxaa la soo gabagabeeyey bishii Maarso sanadkii 1975kii.
S259: Sheeg sanadkii uu dhacay dagaalkii lagu magacaabi jiray Cagaar weyne ee u dhaxeeyey Daraawishta iyo gumeystihii Ingiriiska?
J259: Waxa uu dhacay sanadkii 1903.
S260: Immisa qof ayaa magacooda koowaad ka billowdaa Max’ed 13kii dhallinyaro
        ee aasaastay Ururkii S.Y.L? Sheegna mid kasta magaciisa oo saddexan.
J260: Waa lix qof waxa ayna kala yihiin:
Max’ed Cismaan Baarbe
Max’ed Cali Nuur
Max’ed Faarax Hilowle
Max’ed C/llaahi “Xayeesi”
Max’ed Xuseen Xaamud
Max’ed Xirsi Nuur “Siidii”
S261: Sheeg magaca saddexan ee Wasiirkii Arrimaha Gudaha Xukuumaddii 1965kii?
J261: Waxa uu ahaa C/qaadir Max’ed Aadan “Zope”
S262: Sheeg magaca saddexan ee Abwaankii allifay Riwaayaddii “Cilmi iyo Caado”
J262: Waxaa allifay Yuusuf Aadan Allaale.
S263: Sheeg magacyada Arbihii iyo Qalanjadii Riwaayaddii “Qabrigii Jacaylka”?
J263: Waxa ay kala ahaayeen Salaad Derbi iyo Seynab Cige.
S264: Sheeg magaca gabyaagii billaabay Silsaladdii Halac – Dheere?
J264: Waxaa uu ahaa Cali Sharma’arke.
S265: Sheeg magaca Abwaankii allifay Riwaayaddii “Carro edeg”
J265: Waxaa allifay Max’ed Nuur Shareeco.
S266: Sheeg magaca Abwaankii allifay Riwaayaddii “15Kii Shumey”?
S266: Waxaa allifay Axmadey Cabdi Gaashaan.
S267: Sheeg magaca Naadigii uu u ciyaari jiray Ciyaaryahan Muriidi Abati iyo lambarkii
          uu xiran jiray?
J267: Waxa uu u ciyaari jiray Naadigii Madbacadda (MBC) waxa uuna qaadan jiray
          lambarka 10aad.
S268: Sheeg magaca Abwaankii allifay Riwaayaddii “Dab jacayl kari waa”
J268:173: Waxaa allifay Xasan C/llaahi Ganey.
S269: Sheeg magaca Naadigii u u ciyaari jiray ciyaaryahan Cumar Calasow iyo lambarkii
           uu xiran jiray?
J269: Waxa uu u ciyaari jiray Naadigii Muqdisho (Munishiibiyo), waxaa uu qaadan jiray
          lambarka 8aad.
S270: Sheeg magaca Abwaankii allifay Riwaayaddii “Xuud baa laqay jacaylkii?
J270: Waxaa allifay Max’uud C/llaahi Snagub.
S271: Sheeg sanadkii uu dhacay dagaalkii Daratoole ee u dhaxeeyey daraawiishtii iyo
          gumeystihii Ingiriiska?.
S271:Waxa uu dhacay sanadkii 1903.
S272: Sheeg labada Naadi ay u kala ciyaari jireen labada Ciyaaryahan ee kala ah Max’ed
         Ibraahin Yarow (Falkaawa) iyo Khaliif (Riiko)?
J272: Max’ed Ibrahin Yarow (Falkaawa) waxa uu u ciyaari jiray Naadigii Batroolka Khaliif
         Riikana waxa uu u ciyaari jiray Naadigii Badda.
S273: Sheeg sanadkii uu dhacay dagaalkii loo yaqaanay Af Bakayle ee u dhaxeeyey
           Daraawiishta iyo gumeystihii Ingiriiska?
J273: Waxaa uu dhacay sanadkii 1901.
S274: Sheeg sanadkii ay mamnuucday xukuumaddii kacaanka cunidda iyo ka ganacsiga
          qaatka?
J274: Waxay mamnuucday sanadkii 1983kii.
S275: Sheeg xubnihii saraakiisha ee dhaliyey Kacaankii Hanti Wadaagga ee Soomaaliya?
          Immisa ayaa ciidanka Milaterga ahayd imisaase Boolis ahayd?
J275: Waxa ay ahaayeen 25 sarkaal, waxaa milateri ahaa 19 xubnood halka 6da kale ay ahaayeen ciidanka booliiska.
S276: Sheeg sanadkii gumeystihii Ingiriisku la wareegay dhulkii soomaalida ee Talyaanigu gumeysanayey?
S276: Wuxuu la wareegay sanadkii 1941kii.
S277: Sheeg sanadkii la aas aasay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (S.Y.L)?
J277: Waxaa la aasaasay 15/05/1943kii.
S278: Sheeg maalintii bishii iyo sanadkii la aasaasay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed?
J278: Waxaa la aasaasay 20/12/1943kii
S279: Sheeg sanadkii gumeystihii ingiriisku Itoobiya ku wareejiyey dhulkii Somaaliyeed ee Hawd?
J279: Waxuu ku wareejiyey sanadkii 1955kii.
S280:Sheeg maalintii ugu horreysay ee la saaray calan soomaaliyeed?
J280: Waxay ahayd 12/10/1954kii.
S281: Sheeg maalintii bishii iyo sanadkii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?
J281: Waxaa la aasaasay 12/04/1960kii.
S282: Sheeg xilligii uu madaxweynaha ahaa Aadan Cabdulle Cismaan?
J282: Waxa uu ahaa intii u dhaxeysay 01/07/1960 – 10/07/1967
S283: Sheeg magaca hoggaamiyihii afgembigii dhicisoobay ee Jamhuuriyaddii cusbayd ee Soomaaliya sanadkii 1961kii?
J283: Wuxuu ahaa Xasan Cabdulle “Xasan Kayd”
S284:Sheeg sanadkii uu dhacay dagaalkii ugu horreeyey ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya?
J284: Wuxuu dhacay sanadkii 1964kii.
S285: Sheeg xilligii uu Madaxweynaha ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke?
J285: Wuxuu ahaa intii u dhaxeysay 10/07/1967 – 15/10/1969
S286: Sheeg xilligii uu madaxweynaha ahaa Max’ed Siyaad Barre?
J286: Waxuu ahaa intii u dhaxeysay 21/10/1969 – 26/01/1991.
S287: Sheeg  sanadkii la aasaasay Jabhaddii SSDF iyo dalkii lagu aasaasay?
J287: Waxaa la aasaasay sanadkii 1978kii, waxaana lagu aasaasay dalka Itoobiya.
S288: Sheeg sanadkii la aasaasay Jabhaddii SNM iyo dalkii lagu aasaasay?
J288: Waxaa la aas aasay sanadkii 1981kii, waxaana lagu aasaasay dalka Ingiriiska.
S289:Sheeg sanadkii uu shilka gaari ku dhaawacmay madaxweynihii dalka Max’ed Siyaad Barre?
J289: Waxa uu ku dhaawacmay sanadkii 1986kii.
S290: Sheeg sanadkii uu orodyahan Cabdi Bile Cabdi noqday horyaalka oradka 800 mitir ee caalamka?
J290: Waxa uu noqday sanadkii 1987kii.
S291: Sheeg sanadkii la aasaasay Jabhaddii USC iyo dalkii lagu aasaasay?
J291: Waxaa la aasaasay sanadkii 1989kii, waxaana lagu aasaasay dalka Talyaaniga.
S292: Sheeg sanadkii la aasaasay Jabhaddii SPM iyo dalkii lagu aasaasay?
J292: Waxaa la aasaasay sanadkii 1989kii, waxaana lagu aasaasay dalka Itoobiya.
S293: Sheeg maalintii, bishii iyo sanadkii la saxiixay bayaankii la magac baxay “Maana feesto” iyo tirada saxiixayaasha?
J293: Waxaa la saxiixay 30/05/1990, waxaana saxiixay 114 qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
S294: Sheeg maalintii, bishii iyo sanadkii uu magaalada Muqdisho ka billowday dagaalkii sokeeye ee loo yaqaanay afar biloodka?
J294:Wuxuu ka billowday 17/11/1991.
S295: Sheeg maalintii, bishii iyo sanadkii Cali Mahdi Max’ed Shirkii Jabuuti loogu doortay Madaxweynaha dalka?
J295: Waxay ahayd 20/07/1991.
S296: Sheeg sanadkii ay Ciidamadii UNISOM soo galeen dalka Soomaaliya iyo sanadkii ay ka baxeen?
J296: Waxa ay dalka soo galeen bishii disembar 1992, waxayna ka baxeen 05/03/1995.
S297:Sheeg xilligii uu Madaxweynaha ahaa C/qaasim Salaad Xasan?
J297:Wuxuu ahaa intii  u dhaxeysay 27/08/2000 – 14/10/2004
S298: Sheeg xilligii uu Madaxweynaha ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed?
J298: Waxa uu ahaa intii  u dhaxeysay 14/10/2004 – 29/12/2008
S299:Sheeg xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shariif Sh. Axmed?
J299:Wuxuu ahaa intii  u dhaxeysay 31/01/2009 – 20/08/2012.
S300: Sheeg maalintii, bishii iyo sanadkii Xasan Sh. Max’uud loo doortay Madaxweynaha dalka?
J300: Waxaa loo doortay 16/09/2012.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.