Su'aalo iyo Jawaab, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Afaraad.

QAYBTA AFRAAD: SU’AALO AQOON GUUD AH:
(170)
S301: Sheeg magaca qofkii carbeed ee ugu horreeyey ee ku guuleysta abaalmarinta
           caalamiga ee Nabadda (Nopel Peace Prize)?.
J301: Waxa uu ahaa Max’ed Anwar Al- Saadaat Madaxweynihii hore ee dalka Masar.
S302: Sheeg magaca dal ku yaal qaaradda yurub oo aan lahayn ciidan Milateri?
J302: Waa dalka Switzerland.
S303: Sheeg magaalada ay ku taal buurta loo yaqaan Buurta Naxariista?
J303: Waxa ay ku taal Magaalada Maka.
S304: Sheeg xayaawanka ugu xusuusta badan xayawaannada?
J304: Waa Geela.
S305: Sheeg xayawaanka ugu caqliga badan xayawaannada?
J305: Waa Daanyeerka.
S306: Sheeg dawladdii ugu dambaysay ee ku biirta dawladaha leh codka diidmada
          qayaxan ee Veto?
J306: Waa dawladda Shiinaha.
S307: Sheeg halka uu ka soo jeedo asal ahaan erayga Atlas?
J307: Waxa uu ka soo jeedaa Giriigga.
S308: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee qalin wax ku qora?
J308: Waxa uu ahaa Nebi Idiris (C.S)
S309: Sheeg dalka lagu sameeyey Madbacaddii ugu horreysay caalamka?
J309: Waxaa lagu sameeyey dalka Jarmalka.
S310: Sheeg magaca magaalo ku taal laba qaaradood dhexdooda?
J310: Waa magaalada Istanbuul.
S311: Sheeg magaalada ugu weyn qaaradda Yurub?
J311: Waa magaalada London.
S312: Waa immisa tirada dalalka carabta ee ku yaal qaaradda Aasiya?
J312: Waa 12 dawladood.
S313: Sheeg magaca qofkii ka dhisay qaaradda Afrika Masaajidkii ugu horreeyey?
J313: Waxa uu ahaa Saxaabigii Camar Bin Al- Caas (A.R).
S314: Sheeg magaca saddexan ee ninkii aasaasay Jamhuuriyadda Bakistaan?
J314: Waxa uu ahaa Max’ed Cali Janaax.
S315: Sheeg dawladdii ugu horreysay dawladaha Islaamka ee dumarka u oggolaatay
           inay wax doortaan?
J315: Waa dawladda Turkiga.
S316: Sheeg dalka uu u dhashay qofkii ugu horreeyey ee soo saaray aaladda wax lagu
            xisaabiyo ee Kalkalootarka?
J316: Waxaa uu u dhashay dalka Ingiriiska.
S317: Sheeg magaca dalkii ugu horreeyey caalamka ee jaamacad laga furo iyo magaca
            Jaamacaddaas?
J317: Waa dalka Marooko , jaamacadduna waxa ay ahayd Qazwiin.
S318: Immisa lugood ayey leedahay caaracaaradu?
J318: Waxa ay leedahay 8 lugood.
S319: Immisa lugood ayey leedahay Shinnidu?
J319: Waxa ay leedahay 6 lugood.
S320: Sheeg dalka laga leeyahay Wakalaadda wararka ee Associate Press?
J320: Waxaa laga leeyahay dalka Maraykanka.
S321:  Sheeg magaalada ay ku taal Xarunta Ganacsiga Adduunka?
J321: Waxa ay ku taal magaalada Geneva.
S322: Sheeg magaca qofkii aasaasay Maktabaddii Cilmiga ee Beyt Al- Xikma?
J322: Waxaa aasaasay Haaruun Al- Rashiid.
S323: Sheeg magaca lacagta laga adeegsado dalka Arjantina?
J323: Waxaa la yiraahdaa Pesso.
S324: Sheeg macnaha erayga Anadol?
J324: Macnaha erayga Anadol waa qorrax ka soo bax.
S325: Sheeg magaca dawladdii ugu horreysay ee u adeegsata dhererka halbeegga
           Mitirka?
S325: Waa dawladda Faransiiska.
S326: Sheeg magaca magaalada uu ku yaal jidka ugu dheer caalamka?
J326: Waxa uu ku yaal magaalada Toronto.
S327: Sheeg magaca Madaxweynihii Maraykanka ee xukunka ugu degay fadeexaddii
          Water gate darteed?
J327: Waxa uu ahaa Nickson.
S328: Sheeg magaca dalka uu u dhashay qofkii ugu horreeyey ee soo hindiso Faranjiyeerka?
J328: Waxa uu u dhashay dalka Switzerland.
S329: Sheeg magaca halka uu ka soo jeedo qofkii hindisay Taleefoonka?
J329: Waxa uu ka soo jeedaa Scotland?
S330: Sheeg magaca magaalada ay ku taal Xarunta Ururka Shaqaalaha Adduunka?
J330: Waxa ay ku taallaa magaalada Geneva.
S331: Sheeg magaca magaalada loo yaqaan Caasimaddii Khamaarka?
J331: Waa magaalada Lasvegas.
S332: Sheeg magaca magaalo ku taal qaaradda Afrika oo loo yaqaan Caasimaddii
         Fal dambiyeedka?
J332: Waa magaalada Cape town.
S333: Sheeg xayawaanka dhasha isaga oo lugo la’aan ah?
J333: Waa xayawaanka Raha
S334: Immisa Maalmood ayey Bisaddu uurka siddaa?
J334: Waxa ay ku siddaa 63 maalmood.
S335: Sheeg magaca xayawaanka ugu cimriga dheer xayawaannada?
J335: Waa xayawaanka Jeerta.
S336: Sheeg magaca dalka aan lahayn qaanuun qoran?
J336: Waa dalka Ingiriiska.
S337: Sheeg magaca Caasimadda loo yaqaan Caasimadda Saddex xagalka?
J337: Waa Caasimadda Khartuum.
S338: Sheeg magaca magaalada ugu weyn dalalka ku yaal Laatiin Ameerika?
J338: Waa magaalada Boonis Ayris.
S339: Sheeg dalka loo aqoon jiray Xeebtii Dahabka?
J339: Waa dalka Gaana.
S340: Sheeg dalka uu ku yaal biyo xireenka ugu weyn Adduunka?
J340: Waa dalka Bakistaan.
S341: Sheeg magaca Madaxweynihii ugu horreeyey dalka Suudaan xornimada ka dib?
J341: Waxa uu ahaa Ismaaciil Al- Azhari.
S342: Sheeg magaalada ay ku taal Qalcadda Salaaxudiin?
J342: Waxa ay ku taal magaalada Qaahira.
S343: Sheeg magaca dalka uu ka soo baxo Joornaalka Al- Mujtamac?
J343: Waxa uu ka soo baxaa dalka Kuweyt.
S344: Sheeg magaalada ay ku taal Xarunta Raabiddada Caalamka Islaamka?
J344: Waxa ay ku taal magaalada Maka.
S345: Sheeg magaca waddan ka tirsan qaaradda Yurub oo aan ka qayb gelin Shirkii
        Baarliin ee qaaradda Afrika lagu qaybsaday?
J345: Waa waddanka Switzerland.
S346: Sheeg tirada waddamada Afrika ee uu maro webiga Niil?
J346: Waa 9 waddan.
S347: Sheeg dalka ay ku taal magaalada Ceyn Jaaluut?
J347: Waxa ay ku taal dalka Falastiin.
S348: Sheeg magaca badda labaad ee ugu cusbada badan?
J348: Waa badda dhexe.
S349: Waa immisa Kilomitir dhererka Kanaal Suweys?
J349: Waa 170km.
S350: Sheeg macnaha Pakistan?
J350: Waa dhulkii daahirsanaa.
S351: Sheeg magaca dhabta ah ee caalimkii Ibnu Siinaa?
J351: Waa Xuseen Bin C/llaahi.
S352: Sheeg magaca madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Bakistaan?
J352: Waxa uu ahaa Max’ed Iqbaal.
S353: Sheeg magaca dalka ay ku yaallaan buuraha loo yaqaan buurihii dhagaxa?
J353: Waxa ay ku yaallaan dalka Aljeeriya.
S354: Sheeg magaca dalka ay ku taal dekedda Cuka?
J354: Waxa ay ku taal dalka Falastiin.
S355: Sheeg magaca ninkii aasaasay dalka Afgaanistaan?
J355: Axmed Shaah Daraani.
S356: Sheeg magaca laba dawladood oo carbeed kuna dherersan badweynta Atlaantiga?
S356: Waa labada dawladood ee kala ah Morooko iyo Muritaaniya.
S357: Sheeg magaca badda uu biyaha ku shubo Webiga Niil?
J357: Waa badda dhexe.
S358: Sheeg labada caasimadood ee ay isku xirto waddada tareenka ugu dheer caalamka?
J358: Waa labada magaalo ee Moosko iyo Bakiin.
S359: Sheeg magaca badda kala qaybisa laba qaaradood una dhaxaysa laba badood?
J359: Waa badda cas.
S360: Sheeg magaca magaalada ugu weyn qaaradda Aasiya?
J360: Waa magaalada Tookiyo.
S361:Sheeg magaca dalkii ugu horreeyey ee lagu sameeyey qalliinka wadnaha?
J361: Waa dalka Koofur Afrika.
S362: Sheeg magaca labada dawladood ee uu dhex maray dagaalkii ugu dheeraa inta la
           og yahay?
J362: Waa labada dawladood ee kala ah Ingiriiska iyo Faransiiska.
S363: Waa immisa Mayl dhererka badda cas?
J363: Waa 1400 mayl.
S364: Sheeg magaca magaalada lagu naanayso Ummu Rabiicayn? S364: Waa magaalada Mawsil.
S365: Sheeg magaca qofkii ugu horreeyey ee lacagta ku qora Towxiidka?
J365: Waa Xajaaj Bin Yuusuf.
S366: Sheeg magaca aasaasihii nidaamka fashiistaha ee Talyaaniga?
J366: Waxaa uu ahaa Benito Mussolini.
S367: Sheeg magaca qoraaga kitaabka Fiqhi Sunna?
J367: Waa Sayid Saabiq.
S368: Sheeg eray haddii eray kale gadaal looga daro uu boqol mar ka yaraanayo?
J368: Eraygu waa Senti, haddii Mitir gadaal laga raaciyo waxa uu ka yar yahay 100 mar.
S369: Sheeg magaca dalka uu qaybta ugu weyn uu ka maro Webiga Niil?
J369: Waa dalka Suudaan.
S370: Sheeg sanadkii uu gumeystihii Talyaanigu dilay halgamaagii dalka Liibiya Cumar
          Mukhtaar?
J370: Waxaa la dilay sanadkii 1931.
S371: Sheeg magaca dalka labaad ee soo saara Macdanta Yuuraaniyamka?
J371: Waa dalka Spain.
S372: Sheeg magaca dalka loo yaqaan dhulkii Macdanta Qalinka?
J372: Waa dalka Arjantiin.
S373: Sheeg halka ay ka soo unkantay dawladdii Ayuubiyada?
S373: Waxa ay ka soo unkantay labada dal ee Masar iyo Shaam (Suuriya).
S374: Sheeg macaha Hong Kong?
J374: Waa Waadigii Udugga.
S375: Sheeg magaca badweynta labaad ee ugu dheer adduunka?
J375: Waa badweynta Atlaantik.
S376: Sheeg magaca dalka ay ku taal dekadda Al- Caqaba?
J376: Waxa ay ku taal dalka Urdun (Jordan).
S377Sheeg magaca qoraaga Kitaabka “Miisaan Al- Ictidaal”
J377: Waa Xaafid Al- Dahabi.
S378: Sheeg dalka uu ku yaal Baarlamaanka ugu faca weyn adduunka?
J378: Waxa uu ku yaal dalka Iceland.
S379: Sheeg magaca dalka ay ku yaallaan Jasiiradaha u eg sida bisha?
J379: Waa Jasiiradaha Komoros.
S380: Sheeg magacyada labadii Caalim ee soo saari jiray joornaalkii Al Curwatu
          Al- Wuthqaa?
J380: Waxa ay kala ahaayeen Jamaaludiin Al- Afgaani iyo Max’ed Cabdoow.
S381: Sheeg muddada xayawaanka Farasku dheddig uu uurka ku sido?
J381: Waxa uu ku sidaa 11 bilood.
S382: Waqti intee la’eg ayuu qiyaastii noolaan karaa Xayawaanka Libaaxa?
J382: Wuxuu noolaan karaa 40sano.
S383: Sheeg tirada dadka ku dhintay bamkii Hiroshiina lagu qarxiyey dagaalkii 2aad
            ee adduunka?
J383: Waxaa ku dhintay 80,000 (Siddeetan Kun) oo qof.
S384: Sheeg magaalada uu ku dhashay caalimkii Ibnu Xazam?
J384: Waxa uu ku dhashay Magaalada Qurduba.
S385: Sheeg caalimkii qoray Kitaabka “Al- Bukhalaa”
J385: Waxaa qoray Al- Jaaxit.
S386: Immisa Litir oo biyo ah ayuu Geelu cabi karaa halkii mar?
J386: Waxa uu cabi karaa 100 litir.
S387: Sheeg magaca harada ugu weyn caalamka?
J387: Waa harada Fiktooriya.
S388: Sheeg magaca badweynta uu dhaco saddex xagalka Barmuuda?
J388: Waa badweynta Atlaantik.
S389: Sheeg inta maalmood ee goosha oo ah Libaaxa dheddeig ay uurka ku siddo?
J389: Waxa ay ku siddaa 105 maalmood.
S390: Sheeg magaca dalka labaad ee laga dhisay khadka tareenka?
J390: Waa dalka Masar.
S391:Sheeg macnaha Caasimadda dalka Arjantina ee Boonis Ayris?
J391: Waa hawadii qurxanayd.
S392: Sheeg magaca dalkii lagu magacaabi jiray Imbiraadooriyaddii aysan qorraxdu
 Ka dhacayn?
J392: Waa dalka Ingiriiska.
S393: Sheeg inta maalmood ee uu Maroodiga dheddig uurka ku sido?
J393: Waxa uu ku sidaa 265 maalmood.
S394: Sheeg inta maalmood ee uu Libaaxa dheddig uurka ku sido?
J394: Waxa uu ku sidaa 108 maalmood.
S395: Sheeg macnaha Spain?
J395: Waa dhulkii Bakaylayaasha.
S396: Sheeg magaca qofkii dhisay magaalada Baqdaad?
J396: Waxaa dhisay Abuu Jacfar Al- Mansuur.
S397: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee Muslim ah oo dhisa Xabsiyo?
J397: Waxaa uu ahaa Cali Bin Abii Dhaalib (A.R).
S398: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee faras fuula?
J398: Waxa uu ahaa Nebi Ismaaciil (C.S).
S399: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee billaabay Isbitaal lagu daaweeyo cudurrada dhimirka?
J399: Waxa uu ahaa Waliid Bin C/Malik.
S400: Sheeg magaalada lagu magacaabo magaalada leh boqolka albaab?
J400: Waa magaalada Qaahira.
S401: Sheeg magaca madaxweynihii ugu horreeyey dalka Ciraaq?
J401: Waxa uu ahaa C/kariim Qaasim.
S402: Sheeg magaca hoggaamiyihii carbeed ee furtay dalka Shiinaha?
J402: Waxa uu ahaa Quteyba Bin Muslim.
S403: Sheeg Luuqadda looga hadlo dalka Baraasiil?
J403: Waxaa looga hadlaa afka bortaqiiska.
S404: Sheeg magaca qofkii helay qaaradda Ameerika?
J404: Waxa uu ahaa Kiristoofar Kolombos.
S405: Sheeg magaca caasimaddii hore ee dalka Yemen?
J405: Waxa ay ahayd Ticis.
S406: Sheeg magacyada laba dal oo carbeed oo Talyaanigu gumeystay?
J406: Waa labada dal ee kala ah Soomaaliya iyo Liibiya.
S407: Sheeg dalka uu u dhashay ninkii hindisay aaladda wax lagu sawiro ee Kaamirada?
J407: Waxa uu u dhashay dalka Maraykanka.
S408: Sheeg dalka ay ku taal buundada ugu dheer caalamka?
J408: Waxa ay ku taal dalka Ingiriiska.
S409: Sheeg magaca dalka loo yaqaan Malyuun Shahiid?
J409: Waa dalka Aljeeriya.
S410: Sheeg dalka laga furay Matxafkii ugu horreeyey caalamka?
J410: Waxaa laga furay dalka Masar.
S411: Sheeg dalkii ugu horreeyey ee adeegsada T.V?
J411: Waxa uu ahaa dalka Maraykanka.
S412: Waa immisa dhererka derbiga weyn ee Shiinaha?
J412: Waa 2400 km.
S413: Sheeg magacii hore ee loo yaqaanay dalka Maali?
J413: Waxaa loo yaqaanay Suudaanta Faransiiska.
S414: Sheeg dalka ay ku yaallaan qabuuraha ugu weyn adduunka?
J414: Waa qabuuraha Taaj Al- Maxal, waxa ayna ku yaallaan dalka Hindiya.
S415: Sheeg magaca gabyaagii hooyada ku tilmaamay inay tahay dugsi?
J415: Waxa uu ahaa Xaafid Ibraahim.
S416: Sheeg macnaha Ibraahim ee Luuqadda Cibriga?
J416: Waa aabbe Naxariis badan.
J417: Sheeg macnaha Rooma?.
J417: Waa Jacayl.
S418: Sheeg dalka loo yaqaan dalkii shanta Xayawaan?
J418: Waa dalka Mangooliya.
S419: Sheeg magaca qofkii hindisay Mobileka iyo dalka uu u dhashay?
J419: Waxaa hindisay Martin Cooper, waxa uuna u dhashay dalka Maraykanka.
S420: Sheeg caasimaddii hore ee Talyaaniga?
J420: Waxa ay ahayd magaalada Torino.
S421: Sheeg dalka uu u dhashay xoghayihii guud ee ugu horreeyey qaramada midoobay?
J421: Waxa uu u dhashay dalka Norway.
S422: Sheeg magaca xoghayihii guud ee ugu horreyey Golaha Iskaashiga Khaliijka?
J422: Waxa uu ahaa C/llaahi Bushraa.
S423: Sheeg dal ka mid ah qaaradda Yurub oo xukuumaddiisu aysan ku shaqayn Caasimadda dalkaas?
J423: Waa dalka Holand, xukuumadda dalkaasi waxay ku shaqaysaa magaalada laahaay.
S424: Sheeg dal ka mid ah qaaradda Yurub oo kooxihiisa Muusikada tuma ay ka badan yihiin ciidankiisa?
J424: Waa dalka Monaco.
S425: Sheeg dalka caalamka ugu soo saarista badan bunka?
J425: Waa dalka Baraasiil.
S426: Sheeg labada dawladood ee uu dhex maray dagaalkii loo yaqaanay Afyoon iyo goortuu dhacay?
J426: Wuxuu dhex maray labada dawladood ee Shiinaha iyo Ingiriiska wuxuuna dhacay 1839 -1842.
S427: Waa immisa dhererka webiga Nile?
J427: Waa 6648km.
S428: Sheeg dawladda ugu yar dawladaha caalamka xorta ah?
J428: Waa dawladda Faatikaanka.
S429: Sheeg markii ugu horreysay ee ay hawada soo gashada Idaacadda BBCda?
J429: Waxay soo gashay 1922kii.
S430: Sheeg magaca iyo dalka ay ku taal dekadda ugu weyn dekadaha ku yaal qaaradda Yurub?.
J430: Waa dekadda Roterdam, waxayna ku taal dalka Holland.
S431: Sheeg luuqadda uu ka soo jeedo erayga VETO oo ay adeegsadaan shanta dawladood ee awoodda ku leh Golaha Ammaanka iyo macnaha eraygaas?
J431: Waxa uu ka soo jeedaa luuqadda Laatiinka macnahiisuna waa “Waan diiday”.
S432: Sheeg dalka uu ku yaal waadiga loo yaqaan Waadiga Xariirta?
J432: Waxa uu ku yaal dalka Suuriya.
S433: Sheeg nooca Khudaar ee loo yaqaan cuntadii faylasuufyada?
J433: Waa Mooska.
S434: Kummuu ahaa Madaxweynihii Maraykanka ee saddexda mar la soo doortay?
J434: Wuxuu ahaa Franklin Roselft (1933 – 1945)
S435: Sheeg dalka laga qoday ceelkii shidaal ee ugu horreeyey caalamka iyo sanadkii la qoday?
J435: Waxaa laga qoday dalka Maraykanka sanadkii 1860kii.
S436: Sheeg sanadkii la aasaasay gaashaanbuurta NATO iyo halka ay xarunteedu ku taal?
J436: Waxaa la aasaasay sanadkii 1948kii, xarunteeduna waa dalka Biljam.
S437: Sheeg magaalada ay ku kulmaan Niilka cad iyo midka Buluugga?
J437: Waxay ku kulmaan magaalada Khartuum.
S438: Sheeg magaca qofkii u doortay in magaalada Otawa noqoto caasimadda dalka Kanada sanadkii 1858kii?
J438: Waxaa u dooratay boqoraddii Fiktooriya.
S439: Sheeg magacii hore ee loo yaqaanay magaalada New York?
J439: Waxaa loo yaqaanay New Amstardam.
S440: Sheeg dalka ugu xeebta dheer caalamka?
J440: Waa dalka Kanada.
S441: Sheeg saddex magaalo oo ka tirsan  qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Ameerika oo isku macno ah? Iyo waxa uu macnahoodu yahay?
J441: Addis ababa, New delhi iyo New York macnahooduna waa Ubixii Cusbaa.
S442: Goorma ayuu curtay Kacaankii Wershadaha?
J442: Waxa uu curtay 1750kii.
S443: Sheeg magaalada ugu faca weyn inta la og yahay?
J443: Waa magaalada Ariixa oo ku taal dalka Falastiin.
S444: Sheeg magaca Xoghayihii guud ee ugu horreeyey Jaamacadda Carabta?
J444: Waxa uu ahaa C/raxmaan Casaam.
S445: Sheeg sanadkii la soo saaray Kumbuyuutarkii ugu horreeyey?
J445: Waxa la soo saaray sanadkii 1948kii.
S446: Sheeg dalka ugu miisaaniyadda badan dalalka caalamka?
J446: Waa dalka Maraykanka.
S447: Sheeg sanadkii la aasaasay Jaamacadda Carabta?
J447: Waxaa la aasaasay sanadkii 1945kii.
S448: Sheeg magaca loo yaqaan sirdoonka Maraykanka?
J448: Waxaa loo yaqaan C.I.A.
S449: Sheeg magaca loo yaqaan sirdoonka Ruushka?
J449: Waxaa loo yaqaan K.J.B
S450: Sheeg qofkii ugu horreeyey ee dejiyey Naxwaha afka carabiga?
J450: Waxaa dejiyey Abuu Al-Aswad Al- Du’ali.
S451: Sheeg dalka ugu dhaqashada badan caalamka xoolaha ariga?
J451: Waxaa ugu dhaqasho badan dalka Australia.
S452: Sheeg dalka ugu horreeya caalamka ee soo saara macdanta Yuuraaniyamka?
J452: Waa dalka Kanada.
S453: Sheeg magaca kanaal isku xira laba badweyn?
J453: Waa kanaalka Baanama.
S454: Sheeg  dalka ay ku taal magaalada loo yaqaan magaalada sanamyada?
J454: Waxa ay ku taal dalka Aljeeriya.
S455: Sheeg magaca qofkii ugu horreeyey ee jideeyey adeegsiga taariikhda hijriga?
J455: Waxa uu ahaa Khaliifkii Cumar Bin Khidaab (A.R).
S456: Sheeg sanadkii uu dalka Bakistaan ka go’ay Hindiya?
J456: Waxay ka go’day sanadkii 1947kii.
S457: Sheeg sanadkii ay Yuhuuddu qabsatay magaalada Qudus?
J457: Wax ay qabsatay sanadkii 1967kii.
S458: Sheeg magaca qofkii hindisay Faranjiyeerka?
J458: Waxaa hindisay Ferdinard Carre’
S459: Sheeg qofkii hindisay aaladda wax lagu xisaabiyo ee Kalkalootarka?
J459: Waxaa hindisay Balise Pascal.
S460: Sheeg qofkii hindisay halbeegga Feeranhaytka?
J460: Waxaa hindisay Danial Gabriel Fahranheit.
S461: Sheeg magaca ninkii hindisay feerada korontada?
J461: Waxaa hindisay Henery W. Seeley.
S462: Sheeg magaca ninkii hindisay qalin qoriga (qalin rasaaska) iyo sanadkii la hindisay.
J462: Waxaa hindisay Jack Conte, wuxuuna hindisay sanadkii 1792kii.
S463: Sheeg magaca dalka soo saara 70% dahabka adduunka?
J463: Waxaa soo saara dalka Koofur Afrika.
S464: Sheeg magaca harada ugu gunta dheer harooyinka caalamka?
J464: Waa harada Tanganiinka.
S465: Sheeg shanta dal ee la isku yiraahdo shanta shabeel ee qaaradda Aasiya?
J465: Waa dalalka Taywan, Singabuur, Hong Kong, Kuuriyada Koonfureed, Malaysiya.
S466: Sheeg magaca webiga ugu dheer webiyada caalamka?
J466: Waa Webiga Niil.
S467: Sheeg magaca webiga labaad ee ugu dheer webiyada caalamka?
J467: Waa webiga Amazon.
S468: Sheeg magacii hore ee loo aqoon jiray dalka Zimbabwe?
J468: Waxaa loo aqoon jiray Roodhiisiya.
S469: Sheeg dalka ugu bedka weyn caalamka?
J469: Waa dalka Ruushka.
S470: Sheeg dalkii ugu horreeyey ee soo saara Shidaal?
J470: Waa dalka Maraykanka.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.