WAX KA BARRO TAARIIKHDA DALKA SINGABUUR

Dalka Singabuur waxa uu ku yaalaa koofur
bari ee qaarada aasiya,
Jamhuuriyadda singabuur waxaa loo kala
qeybiyaa taariikhdeeda sadex marxaladood oo kal ah:-
1. Marxaladii gumeysga.  Meesha juquraafi ahaan ee ku taalo Singabuur aawadeed oo ah meel xiriirisa shiinaha iyo hindiya waxay quwadihii barigaa jiray u kala
tartameen sidii ay u qabsan lahaayeen
meeshaasi istaraatiijaga ah qarniyadii 16aad
iyo kii 17aad, waxaana ka mid ahaa quwadihii
ku loolamayey boqortooyadii bortaqiiska iyo
boqortooyadii holan.
2. Marxaladii isticmaarka ingariiska.
Bilawgii qarnigii 18aad qaas ahaan sanadku
marka uu ahaa 1819 ayaa ninkii lagu
magacaabi jiray Raffles Thomas Stamford
qabsaday wadanka Singapore halaasi oo ka
aas-aasyay dakkad weyn sababo ganacsi
aawgeed,kadib waxa ay ka mid noqotay
mustacmarooyinki ama meelihii uu
gumeysanaye ingariiska halkaasi oo qiimo aad
u weyn u laheyd mandiqada koofur bari
eeshiya hadee ahaan laheyd dhanka ganacsiga
iyo milatariga.
Waqti kadib qaas ahaan dhamaadkii qarnigii
19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad waxaa aad u
ziyaaday ahmiyadda Singapore ee dhanka isku
socodka ganacsiga iyo dhoofinta
badeecooyinka ceyriin qaas ahaan birta iyo
rabadhka ayadoo laga keenayo wadamada
bariga kuna sii jeeda wadamada reer
galbeedka, markii u


u ziyaaday dhaqaalaha
waxaa ziyaaday dadkii u soo hijroonaye
Singapore si ay nolol fiican u helaan ayagoo
dadkaasi ka imaanayey shiinaha iyo hindiya.
Japan ayaa awood u yeelatay in ay qabsadaan
wadanka Singapore intii lagu guda jiray
dagaalkii 2aad ee aduunka (1942-1945) laakiin
ingariiska ayaa dib ula wareegay Singapore
sanadku marka uu ahaa 1945.
3. Marxaladii gobanimadda.
Singapore ayaa xornimadii ka qaadatay
wadanka ingariiska sanadka marka uu ahaa
1959. Sanadkii 1963 ayaa Singapore ku biirtay
midawgii Malaysia waxa ayna noqotay qeyb ka
mid ah. Sanadkii 1965 ayaa Singapore dib ugu
noqotay la midowgii Malaysia waxala aasaasay
jamhuuriyad oo madax ka noqday raiisul
wasaarihii hore Lee KuanYew.
Tirada dadka Singapore:
Dadka wadanka Singapore waxaa lagu qiyaasaa
5,312,000 oo qof, waxuuna ka mid yahay
wadamada cufnaanta dadweynaha ku
badanyihiin ayadoo lagu qiyaaso in halkii km
ku noolyihiin dad dhan 6112 qof.
Asalka dadka Singapore:
Dadka Singapore waxa ay ka kala yimaadeen
markii laga reebo dadkii horey u daganaa oo
kalluumeysato malaay ahaay wadamada
shiinaha,hindiya,Pakistan,Indonesia, sirilanka
bariga dhexe.
Luuqada Singapore:
Wadanka Singapore waxaa looga hadlaa 4
luuqadood oo kala ah malaay,mandarin,
teymal iyo English.
Luuqada rasmiga ee xafiisyada dowlada,
iskuulada,jaamacadaha waa English .
Diimanka ay dadka haystaan:
Diimanka ay dadka aaminsanyihiin dalka
Singapore waxaa ugu weyn budistaha waxaa
xiga islaamka kaalinta 3aadna waxaa ku jira
armin 4aadna masiixiga ama kirishtanka.
Dhaqaalaha:
Sanadkii 1960 dakla Singapore waxa kaliya oo
uu heestay waa mandiqada uu ku yaalo oo ah
meel istiratiiji ah iyo shacab go’aan shaqo adag
leh iyo hadaf cad, kasoo bilaabato waqtigaas
ilaa hadda Singapore waxee gaartay horumar
dhaqaale oo aad u weyn.
Waxbarashada:
Wadanka Singapore waxaa lagu sheegaa
wadamada ugu tayada fiican caalamka dhanka
wax barashada waana waajib in muwaadinka
wax barto.
Waxa aan ka bara karno wadankaan waxaa
ugu muhiinsan in aan noqono dad shaqo badan
hadafkooduna waadix yahay oo isku daya mar
waliba in ay xaqiijiyaan ahdaaftooda si ay
ayaga iyo caruurtoodaba ugu noolaadaan nolol
wanaagsan , sidoo kale waxaan ka bara karnaa
wadankaan in aan noqonaa dad isku meel wax
u wada wadankooduna horumariya ayagoo
dhinac iska dhigaya kala fikir duwanaashaha
hadii ay ahaa laheyd jinsiyad luuqad amaba
diin laakiin soomaalida intaba waa iskaga mid
inkastoo aan anaga aad moodid in aan gadaal
gadaal u socono halka dadyowga caalamkana
ay horey u socdaan, waxaan ku soo gaba
gabeynayaa qoraalkaan aan uga hadlaaye
wadanka Singapore in aanu noqonaa dad horey
u socda.

Comments

Unknown said…
Walahy emotional ayaan noqday marka aan wadankan tariikhdisa akhrinayay ee ah in uusan lahayn wadankan wax saasa oo wayn oo ah khayarad dabiiciya ((natural resources)) iyo somali nimcada alle Ku manustay ee hadana caruurti iyo hooyoyinkii somaliyeed qar gajo iyo abar u ledmayan qarklana wadamokle qoxooti Ku ah walahy ilahy wuuu inugu cadabaya nimcada layna siyay ee wadamo badan haysanin ilaahow Somali midka dhiga yaaa alah

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.