Jahwareerka

Jahawareerka Idaajaa

 Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?”
 ee  Axmed F. Cali “Idaajaa”:
 Federaalka uu “Idaajaa” ka baqayo armuu noqdaa kurtinkii uu Cigaal
 Shiddaad Libaaxa mooday?!

 Maxamed Xaaji Caddoow
 London, England
 Email: mohamedadow@hotmail.com

 Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa aniga iyo rag kale oo fuushan
 (saaran) gaari (baabuur) ayaa waxaa si kedis ah uga soo hor baxay gaarigii
 aan la soconnay calaamadda (astaanta) guduudan (cas ) ee ishaarada
 (taraafikada) kala hagta gaadiidka.  Waxaa sharci ahaan dirqi (khasab)
 nagu noqotay in aannu istaagno. Intii aannu sugaynay is-bedelka midabka
 nalka (laydhka) ayaa mid ka mid ah rakaabkii  baabuurka milicsaday  (dayay,
 jalleecay) boor (tabeello) muujinayay in ay buqcadaas (goobtaas) tahay meel
 soohdin (seere, xuduud) ah oo kala  jarta (kala goysa, kala qaybisa) ) labo
 xaafadood (degmo)  oo ka mid ah xaafadaha (degmooyinka) maamul (idaaro)
 ahaan xagga maamulka dawladaha hoose (baladiyada, minishiimbiyada)  ay  u
 kala qaybsantahay magaalo-waynta London oo ah magaalo-madaxda (caasimadda,
 xarunta) Briitaaniya oo loogu yeero af- Ingiriisiga “Borough), marakaasuu
 ku hadaaqay “ Federaalka lagaga doodayo shirka Soomaalida uga socda
 Mbgathi ee Kenya waxaa loola jeedaa Soomaaliya waxay noqonaysaa sidan oo
 kale oo  degmo waliba, gobol waliba xuduud  xagga maamulka ah ayuu
 yeelanayaa, wuuna isu talinayaa”.
 Marka laga eego (fiiriyo) xagallo (geeso, dhinacyo) kala duwan hadalka
 kasoo yeeray ninkaas waxaa la oran (dhihi) karaa mid wuu ku saxsanyahay
 (toosanyahay, qummanyahay) maxaa yeelay  qaybaha amaba deegaannada uu ka
 koobanyahay dal federeeshin (federation ) ah sida dalka Maraykanka waxaa
 kala qaybiya xuduud dhuleed. Tusaale ahaan dalka Maraykanka waxaa mararka
 qaarkood war-baahinta laga maqlaa in dembiile baxsad ah oo la baacsanayo
 (la cayrsanayo la eryayo) uu ka soo tallaabay soohdinta wilaayad (gobol)
 Maraykanka ah  uuna u soo gudbay  dhanka (dhinaca) gobol kale. Hase yeeshee
 (laakiin) wuxuu ninkan ku gefay hal qodob, kaasoo ah in uu tusaale (misaal
 ahaan) usoo qaatay boor kala qaybiya labo degmo-hoosaad oo ka mid ah
 degmooyinka caasimad dal (Briitaaniya) oo ah dal (wadan, geyi, carri) lagu
 dhaqo hannaanka (nidaamka, habka) awoodda urursan oo ay xudduntu (dawladda
 dhexe) ka sarrayso xubnaha (degmooyinka, gobollada, iwm) kale oo ay ayadu
 u adegaan, kuna hawl fushato oo ay awoodaha iyo siyaadada (madax-bannaanida
 ugu sarraysa) hal meel ku qulqulaan  sida ay biyuhu ugu qulqulaan meesha
 godan.Hadalka aan kor ku soo xigtay (weriyay) wuxuu tusaale iyo daliilba u
 yahay fahamka  iyo garashada kala dhiman ee aan buuxin oo ay Soomaalida
 caammada ah (deedifo , caay, aflagaado, meel ka dhac  qasdigu ma aha ee
 waa dadka aan aqoonta gaarka ah u lahayn culuumta siyaasadda) badankooda
 ka haystaan macnaha dhabta ah ee nidaamka federaaliga h.
 Waa sabab iyo qiil  la garawsan karo in dadka caadiga ah ay anfareer ama
 dhaygag maskaxeed iyo dhakafaar ka qaadaan dhuuxidda macnaha iyo nuxurka
 uu xambaarsanyahay  nidaamkan oo uu fahamkoodu ku koobnaado oogada sare oo
 keliya, balse waxaa amakaag iyo yaab  ah in shakhsi  (Axmed F Cali “Idaajaa
 ”) oo uu Ilaahay ku mannaystay (galladaystay) aqoon suugaaneed  sida ayda
 (jiqda, duurka, kaymaha, hawdka) u baxday oo sida dhud damal ah oo daruuraha
 dhex joogta (damal waa geed qodaxeed; dhud waa wax toosan oo dhuuban )  uga
 dhex muuqday xeel-dheerayaasha suugaanta (adabka) Soomaalida uu si qalloocan
 oo ay eexasho ku jirto (waa eeexasho xagga macnaha  federaaliga ah oo   salka
 ku hayn karta ku talo- gal amaba baaris aan qoto dheerayn) iyo welibana si
 marin- habaabis ah  uu u soo  bandhigo  afkaar  sal- cilmiyeedkoodu aan loo
 miidaan dayin.Wuxuu u micneeyay nidaamka federaaliga ah si qalloocan asagoon
 haba yaraatee xusin marjac (tix-raac) daliil ah oo uu u cuskaday qeexitaanka
 ama koobidda uu soo koobay waxa loola jeedo federaaliga.
 Waxaa maankayga ku soo dhacay maahmaa

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.