Su'aalo iyo Jwaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Labaad.


QAYBTA LABAAD: SU’AALO TAARIIKH GUUD AH:
(50)
S166: Sheeg sanadkii uu dhashay caalimkii  Jaabir Bin Xayaan adigoo jawaabta ku sheegaya taariikhda hijriga?
J166: Waxa uu dhashay 101 Hijriya.
S167:Sheeg sanadkii uu billowday dagaalkii u dhaxeeyey labada dawladood ee Ciraaq iyo
        Iiraan?
J167: Waxa uu billowday sanadkii 1980kii.
S168: Sheeg sanadkii la aasaasay Raabiddada Caalamka Islaamka?
J168: Waxaa ala aasaasay sanadkii 1962kii.
S169: Sheeg sanadkii la aasaasay ururka ay ku midaysan yihiin dawladaha dhexdhexaadka?
J169: Waxaa la aasaasay sanadkii 1961kii.
S170: Sheeg sanadkii uu dhacay af duubkii ugu horreeyey ee diyaarad la af duubo?
J170: Waxa uu dhacday sanadkii 1931kii.
S171: Sheeg sanadkii la billaabay bixinta abaalmarinta caalamiga ee Nobel Press?
J171: waxaa la billaabay sanadkii 1901.
S172: Sheeg sanadkii la aasaasay Wakaaladda Wararka ee Reuter?
J172: Waxaa la aasaasay 1851kii.
S173: Sheeg sanadkii ay xornimada qaadatay Saldanadda Cummaan iyo magaca dalkii
        gumeysan jiray?
J173: Waxa ay qaadatay sanadkii 1970kii, waxaana gumeysan jiray Ingiriiska.
S174: Sheeg sanadkii dalka Baarma uu ka xoroobay gumeystihii Ingiriiska?
J174: Waxa uu ka xoroobay sanadkii 1948kii.
S175: Sheeg sanadkii la aasaasay Ururka Midowga Afrika iyo halka ay Xaruntiisu tahay?
J175: Waxaa la aasaasay sanadkii 1963kii, xaruntiisuna waa Addisababa.
S176: Sheeg sanadkii uu dhacay dagaalkii Al- Nahrawaan ee u dhaxeeyey Khaliifkii Cali
        Bin Abii Dhaalib (A.R) iyo Khawaarijta? Ku sheeg jawaabta taariikhda hijriga?
J176: Waxa uu dhacay sanadkii 37 Hijriya.
S177: Sheeg sanadkii dalka faransiisku mamnuucay xukunka dilka?
J177: Waxa uu mamnuucay sanadkii 1981kii.
S178: Sheeg sanadkii la soo saaray Raadiyaha?
J178: Waxaa la soo saaray sanadkii 1906.
S179: Sheeg sanadkii ugu horreeyey ee uu soo baxay Joornaalka New York Times?
J179: Waxaa uu soo baxay sanadkii 1850kii.
S180: Sheeg sanadkii la soo saaray shucaaca Leyzarka?
J180: Waxaa la soo saaray sanadkii 1958kii.
S181: Sheeg magaca magaaladii ugu horreysay ee uu ka shaqeeyey adeegga samafaraha
         iyo sanadkii la hirgeliyey?
J181: Waa magaalada New York, waxaana la hirgeliyey sanadkii 1918kii.
S182: Sheeg sanadkii la aasaasay hay’adda UNESCO?
J182: Waxaa la aasaasay sanadkii 1946kii.
S183: Sheeg sanadkii la aasaasay Sanduuqa Lacagta Adduunka?
J183: Waxaa la aasaasay sanadkii 1945kii.
S184: Sheeg sanadkii uu billowday dagaalkii hubaysnaa ee u dhexeeyey dawladda
            Suudaan iyo Jabhaddii S.P.L.A?
J184: Waxa uu billowday sanadkii 1983kii.
S185: Sheeg sanadkii uu xornimada qaatay dalka Liibiya iyo dalka uu xornimada ka qaatay?
J185: Waxa uu qaatay sanadkii 1951kii, waxa uu ka qaatay gumeystihii Talyaaniga.
S186: Sheeg Sanadkii Ingiriisku qabsaday Cadan?
J186: Waxa uu qabsaday sanadkii 1839kii.
S187: Sheeg sanadkii uu xornimada qaatay dalka Musambiik iyo dalkii gumaysan jiray?
J187: Waxa uu qaatay sanadkii 1975kii, waxaana gumaysan jiray dalka Bortaqiiska.
S188: Sheeg sanadkii la hindisay bistooladda iyo magaca qofkii hindisay?
S188: Waxaa la hindisay sanadkii 1835kii waxaana hindisay Samuel Colt.
S189: Sheeg sanadkii la hindisay harqaanka iyo magaca qofkii hindisay?
J189:Waxaa la hindisay sanadkii 1829kii Waxaana hindisay Parthelemy Thimonnier.
S190: Sheeg sanadkii la hindisay qalinka biiraha iyo magaca qofkii hindisay?
J190: Waxaa la hindisay sanadkii 1884kii waxaana hindisay Lewis WaterMan.
S191: Sheeg sanadkii la hindisay Samaacadda Caafimaadka iyo qofkii hindisay?
J191: Waxaa la hindisay sanadkii 1818kii waxaana hindisay Dr. Rene’ Leannec.
S192: Sheeg sanadkii la hindisay Ookiyaalaha caafimaadka iyo qofkii hindisay?
S192: Waxaa la hindisay sanadkii 1268kii waxaana hindisay Roger Bacon..
S193: Sheeg Sanadkii la diley hoggaamiyihii dalka Hidiya Mahatma Gandi?
J193: Waxaa la dilay sanadkii 1948kii.
S194: Sanadkee ayuu dhacay dagaalkii loo yaqaannay dagaalkii Baasifigga? Yuuse u dhaxeeyey?
J194: Waxa uu dhacay sanadkii 1979kii, wuxuuna u dhaxeeyey dalka Jili oo dhinac ah iyo labada dawladood ee Beru iyo Boliifiya oo isbahaysi ahaa.
S195: Sheeg magaaladii uu ku geeriyooday saxaabigii Khaalid Bin Waliid?
J195: Waxaa uu ku geeriyooday magaalada Ximis ee dalka Suuriya.
S196: Sheeg magaca qofkii hidisay Taleefoonka iyo sanadkii uu hindisay?
J196: Waxaa hiniday Graham bell, wuxuuna hindisay sanadkii 1876kii.
S197: Sheeg sanadkii ugu horreeyey ee bini’aadam uu gaaro guudka sare ee dayaxa?
J197Waxaa uu gaaray sanadkii 1969kii.
S198: Sheeg sanadkii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu dagaal ku qaadayo Jarmalka intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee adduunka?
J198: Waxaa uu ku dhawaaqay sanadkii 1917kii.
199: Sheeg sanadkii hijriga ee uu dhacay dagaalkii Tabuuk?
J199: Wuxuu dhacay sanadkii 9aad ee hijriga.
S200: Sheeg tirada KhaliifyadiiCabaasiyiinta?
J200: Waxay ahaayeen 37 Khaliif.
S201: Sheeg halka ay ka dhisnayd boqortooyadii Saba?
J201: Waxa ay ka dhisnayd dalka Yemen.
S202: Sheeg qofkii ka raray xarunta dawladdii cabaasiyiinta Baqdaad  una raray Qaahira?
J202: Wuxuu ahaa Suldaan Daahir Beybaris.
S203: Sheeg magaalada uu ku duugan yahay Salaaxudiin Al- Ayuubi?
J203: Waxa uu ku duugan yahay Magaalada Dimishiq.
S204: Sheeg sanadkii uu dhacay dagaalkii Xiddiin? Ku sheeg jawaabta taariikhada Miilaadiga.
J204: Wuxuu dhacay sanadkii 1187.
S205: Sheeg sanadkii Boqortooyada Sucuudigu qaadatay magacaas?
J205: Waxay qaadatay sanadkii 1932kii.
S206: Sheeg sanadkii uu geeriyooday hoggaamiyihii carbeed ee Jamaal C/naasir?
J206: Wuxuu geeriyooday sanadkii 1970kii.
S207: Sheeg sanadkii ay midoobeen labada dal ee Suuriya iyo Masar?
J207: Waxay midoobeen sanadkii 1937kii.
S208: Sheeg sanadkii dalka Masaru u ku biiray Qaramada Midoobay?
J208: Wuxuu ku biiray sanadkii 1945kii.
S209:Sheeg sanadkii uu xornimada qaatay dalka Aljeriya iyo dalkii gumeysan jiray?
J209: Wuxuu qaatay sanadkii 192kii, waxaana gumeysan jiray Faransiiska.
S210: Sheeg sanadkii la aasaasay Jamaacada Al- Ikhwaan Al- Muslimuun?
J210: Waxaa la aasaasay sanadkii 1928kii.
S211: Sheeg dalkii gumaysan jiray dalka Kuuba?
J211: Waxaa gumeysan jiray dalka Spain.
S212: Sheeg sanadkii la aasaasay Hay’adda Booliiska Adduunka (Interpol)? Iyo halka xaruntiisu tahay?
J212: Waxaa la aasaasay sanadkii 1923kii, waxayna xaruntiisu tahay magaalada Paris.
S213: Sheeg sanadkii qaramada midoobay ay Israa’iil dawladnimo u aqoonsatay?
J213: Waxay aqoonsatay sanadkii 1949kii.
S214: Sheeg dawlad Afrikaan ah oo la gumeystay toddobo sano oo keliya?
J214: Waa dawladda Itoobiya.
S215: Sheeg sanadkii la baabi’iyey derbigii Baarliin?
J215: Waxaa la baabi’iyey sanadkii 1989kii.

Comments

Mariam moha said…
Wll waa ka hely mhdsnid lkn qaab loo downowd gareyn karo no so gali plz
Unknown said…
Mahadsanid saaxib wanaagsan tahay hormar
Wanaagsan kuu rajeenaa
Unknown said…
Maashaa allah , aad iyo aayan u ugu riyaaqay , maxaa yeelay in badan waa inaan u sameenaa dadka maskax tuujin kuna cabirta ku qiyaasan karno halbeegeena ee lafkiina hooyo, waxaan allah nii weydiiniyaa inu dambi dhaafo, kii hore & kii dambe, amiiiin amioin yaa allah
By moallim farah mohammed shire " AbuuHamza"

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.