Sidee baad ku noqon kartaa qof la jecel yahay?

Haddii aynu nahay bini
Aadam waxa aan had iyo jeer jecelnahay in aan helno wax
kasta oo aynu jecelnahay.
Sidoo kale kama maaranno in aan mar walba aragno dad ina
jecel oo ina danaynaaya.
Haddaba waxa is waydiintu tahay maxaa qofna loo jecel
yahay oo dhankiisa loogu ordaa qofna loo karhaa oo loo
dhibsadaa amaba aan xaggiisa cidiba u eegin. Waxa se aad
intaaba ka jeclaan lahayd in aad ogaato sida aad ku noqon
karto qofkaas dadku jecel yihiin ee ay mar walba
xiiseeynayaan la joogiisa.
Waxa jira waddooyin badan oo haddii aad raacdo ay dadku
kugu jeclaan doonaan. Waddooyinkan maaha kuwo kaaga
baahan xeelad iyo wax kale toona. Kaliya waa fan kaaga
baahan in aad hirgaliso kadibna ku dhaqanto. Hubaal haddii
aad ku dhaqanto qodobada aan kuu sheegi doono noloshaada
waa ay beddeli donaan, waxa ayna horumarin doonaan
xidhiidhada idiin dhaxeeya adiga iyo bulshada kugu xeeran.
Waxa aad se maanka ku haysaa in ay dadku kala jaad jaad
yihiin, qof kastaana uu leeyahay dhaqan u gooniya taas oo
aanu cidna la wadaagin. Waxa la yidhaahdaa dadku waa sida
albaab xidhan oo kale, qof kastaana waxa uu leeyahay fure u
gaar ah oo aad ku furi karto. Haddaba qofka maskaxda badan
waa ka u adeegsada furaha saxda ah qofka ku habboon.
Qofka isku daya in uu fahmo qof walba waxa uu ka helo iyo
waxa uu necebyahay baa kasbada qalbiyadoodana.
Ugu danbayn haddii aad samayso dhawrkan qodob, hubaal
dadka qalbiyadooda waad ku waynaan doontaa.
1. Noqo qof iimaan leh: Dadku way jeclaadaan qofku
marka uu iimaan buuxa leeyahay Allena uu ku xidhan
yahay.
2. Noqo qof daacad ah: Qofka aan khiyaamada aqoon
dadka qalbigooda wuu ku waynaadaa.
3. Iska dhawr inaad ku gafto dadka, dadku ma
jeclaadaan had iyo jeer qofka gafka ama dhacdhaca
badan.
4. Ilaahay dartii u jecloow dadka oo dhan: qofna adiga
oo aan dan gaar ah ka lahayn haddii aad Alle dartii u
jeclaato waxa aad noqonaysaa qof dadka agtooda
qiimo ku leh.
5. Qof kasta oo aad la kulanto ku qaabil waji farxad leh
kuna bilow salaan adiga oo dhoola caddaynaya uguna
yeedhaya magaca uu ugu jecelyahay.
6. Had iyo jeer dhoola caddee oo wajigaaga ha ka dhigin
mid laga naxo ama laga dido: dadku had iyo jeer
qofka farxadda iyo dhoolacaddaynta badan bay jecel
yihiin oo xaggiisa usoo xiisoodaan.
7. Indhaha ka laabo oo ha u fiirsan dadka gafafkooda
8. Qof haddii uu bukoodo booqo, haddii ay geeri ku
timaadana tacsiyadee
9. Farxad iyo murugo labadaba kala qayb qaado
10. Haddii uu ku casuumo yeel oo ajiib yeedh mada
walaalkaa.
11. Xumaanta wanaag ugu badal: haddii uu qof ku
xumeeyo oo aad wanaajiso waxa laga yaaba in uu isla
yaabo qofkii oo ku raali galiyo. Dhaqankan haddii aad
joogtayso cidna isu xummaan maysaan waligaa.
Dadka agtoodana qiimo ayaad ku yeelan doontaa.
12. Had iyo goor dadka u gar gaar: qofka gargaarka badan
dadkana caawiya had iyo jeer dadku way jeclaadaan.
13. Noqo dhagayste fiican: dadku waa ay jecelyihiin qofka
u dhago nugul ee dhagaysta warkooda.
14. Muuji in aad danaynaysid: qof haddii aad danaysid
arrimihiisa kana war haysid xaaladihiisa hubaal wuu ku
jeclaanayaa.
15. Haddiyado u keen oo ka farxi: qof isaga oo aan war u
hayn haddii aad kaga farxiso oo aad u keento hadiyad
waligii laga ma yaabo in uu qofkaasi ku iloobo.
Waxa hubaal ah intan haddii aad dhaqan galiso waxa aad arki
doontaa dadka oo u soo hilloobaya xaggaaga jeclaysanaya la
joogaaga. Xikmad ayaa waxa ay tidhaahdaa “dadka maskaxda
u saaxiibka ah waxa ay leeyihiin cadow badan se dadka
quluubta u saaxiibka ahi waxa ay leeyihiin asxaab fara badan”

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.