Nin ilaaliyaha gurigiisa ee gaarka ah u doortay yaxaas aad u weyn oo dad cun ah.

Sida badan dadku marka ay doonayaan in ay ilaaliye u doortaan hoyga ay degan yihiin waxa ay adeegsadaan eeyaha ama walxo qayliya haddiiba agagaarkaasi laga soo dhawaado sida qalabka firinbiga ama siidhiga ah iyo Kamarado wax duuba amabase rag shaqaale ah balse waxa ay shucuubta adduunku inta badan ka siman yihiin baadiye iyo magaalaba isticmaalka eeyaha oo ay u adeegsadaan waardiye ahaan oo ay guryahooda ku dhaqdaan si uu u ilaaliyo wixii guryahooda ku soo xad gudba.

Akhrise waxa arrin aad loola yaabay noqotay nin u dhashay wadanka Taiwan ayaa markii ugu horraysay taariikhda waxa uu ilaaliye guri ka dhigtay yaxaas ka mid ah noocyada adduunka ugu xajmiga weyn ee dad cunka ah si uu hoygiisa ugu ilaaliyo.

Muuqaal la soo galiyay barta Yutube-ka ayaa muujinaya yaxaaskan oo si habsami leh u gaaf wareegaya guriga uu saaxiibkii leeyahay kana ilaalinaya wax kasta oo soo gala.

Oriyut Natheb oo ah muwaadinkan Taiwan u dhashay ayaa ah nin muddo badan dhaqan jiray yaxaasyada kana ganacsan jiray isaga oo mudadaasi ka iibin jiray goobaha xayawaanka lagu daryeelo ee dalxiiska loo tago.
Oriyut Natheb waxa uu yaxaasyada ka soo qabsan jiray wabiyada waaweyn ee dalka Taiwan ku yaalla iyo waliba wakhtiyada qaarkood oo uu ka soo safrin jiray qaaradda Latin America waxaanu aakhirkii go’aansaday in uu mid ka mid ah yaxaasyada ay sida weyn isku fahmeen ka dhigto waardiyihiisa gaarka ah.
Oriyut Natheb oo waraysi gaar ah siiyay shabakadda wararka ee Sky ayaa sheegay in uu aad uga raysanayo tuugada faraha baas ku haysa deegaanka uu ku nool yahay oo muddaba guryaha u soo dhaca isaga laftiisana ay dhawr jeer u soo dhaceen oo ay gurigiisa wax ka xadeen.
Oriyut Natheb oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “imika wax cabsi ah kama qabno tuugada, aniga xaaskayga iyo caruurtaydu waxa aanu seexanaa qolka sare ee dabaqa ah ee gurigayga sidaa darteed qolalka hoose wax cabsi ah uma qabno, waayo waxa albaabada jooga yaxaas weyn oo rabbaayad ah oo dadka kale cunaya haddii ay agagaarkaasi ka soo dhawaadaan.
Waxa kale oo aanu haysanaa yaxaas kale oo isagu camal xun oo aan cidna saamaxayn kaasi waxa uu ku jiraa god weyn oo biyo farariisin ah oo ku yaalla afaafka hore ee gurigayga”. yaxaaskan ayaa ah mid aad u halis badan oo dadka cabsi weyn ku haya.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.