Inaad Gacanta Ku Haysato oo Qura ayaa Ku Filan Inuu Garaadkaaga Hoos u Dhigo.. Xitaa Haddii aanuu Shidneyn

Awooddaada garasho ayaa si weyn hoos ugu dhacaysa marka mobilka Smartphone ah uu gacantaada soo galo, xitaa haddii uu dansan yahay. Waa natiijo kasoo baxday daraasad cusub oo ay sameysay kulliyadda ganacsiga McCombs ee jaamacadda Texas ee ku taallada gudah Austin.
Kulliyadda McCombs ayaa sameysay tijaabooyin ay ka qaadday 800 oo ah dadka adeegsada mobillada Smartphone ka ah, isku day lagu eegayay sida ay dadku shaqadooda u qabtaan marka uu ganactooda ku jiro Smartphone,
Cilmibaarayaashu waxay arkeen in dadka mobilladooda Smartphone ka ah kaga yimid meel kale ay ka howlqabad fiicnaadeen, marka loo eego dadk mobilkooda jeebka ku watay amaba uu boorsada gacanta ugu jiro.
Daraasadda ayaa tilmaameysa in mobillada Smartphone ka ah ay yareeyaan garaadka qofka marka uu kaa agdhaw yahay, iyadoo dadbadani ay sheegaan inaan mobilku saameyn ku lahayn shaqdooda howlahoodana ay si fiican uga soo dhalaalaan.
Tijaabo kale ayay cilmibaayaashu ku tijaabiyeen heerka ay gaarsiisan tahay la qabsiga dadka ee mobillada Smartphone ka ah, howlqabado ayaa dadkii loo kala diray, waxaa cilmbaarayaashii u soo baxday in dadka mobilladooda adeegsaday ay ka natiijo hooseeyay dadkii mobil la’aanta ahaa oo howshii laga rabay sidii looga baahnaa kaga soo dhalaalay.
Wad oo ka mid ahaa cilmibaayaashii natiijada soo saaray ayaa yiri: “dadka wax dhibaatada u keenayaa maaha shucaaca mobilka kasoo baxaya, laakiin marka mobil Smartphone ah uu gacantaada ku jiro waxa uu hoos u dhigayaa garaadkaaga.”
Si kastaba, mobillada Smartphone ka ah ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhigo garaadka qofka marka uu ku jiro howl u baahan digtooni sarreysa iyo feejignaan xoog leh, iyadoo guud ahaan mobllidan casirga ah aaney u wanaagsaneyn garaadka qofka guud ahaan.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.